
Sida ay soo sheegayso weriyeheenna Nasro Cabdi Cusmaan, diyaargarow xooggan ayaa ka soconaya hoolka lagu wado inay doorashada ka dhacdo ee iskuul Boliisiyo ee magaalada Muqdisho. Waxaa la arkayaa xildhibaannada cusub oo ku sii qulqulaya dhismaha fadhiga baarlamaanka ee maanta lagu wado inuu ka dhaco.
Toddobaadkii hore ayaa waxaa sidoo kale sii xoogaysanayay ololaha musharraxiinta u taagan inay qabtaan xilka guddoomiyaha baarlamaanka, kuwaasoo loollan adag ugu jira sidii ay taageero uga heli lahaayeen xildhibaannada.
Illaa 4 musharrax ayaa u tartami doona inay qabtaan xilka guddoomiyaha, halka ku xigeenka 1-aad ay u sharraxanyihiin 11 musharrax, ku xigeenka 2-aadna ay u taagan yihiin illaa 4 musharrax.
Doorashada hoggaanka cusub ee baarlamaanka waxay qeyb ka tahay barnaamijka Soomaaliya ay uga gudbayso kumeel-gaarnimada, iyadoo uu xigi doono doorashada xilka madaxweynaha oo isna ay loollan adag ugu jiraan musharraxiin tiradooda ay aad u badantahay.
Nasro Cabdi Cusmaan/MG/FM











