Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Amal: Arag la’aantu qalbi la’aan ma aha

Radio Ergo by Radio Ergo
April 29, 2016
in Arrimaha Bulshada
0
Amal: Arag la’aantu qalbi la’aan ma aha
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Amal Cabdullaahi Axmed waa ardayad 18 jir ah oo aragga la’. Waxay dhigataa dugsi sare oo ku yaalla magaalada Muqdisho. Waxay isticmaali kartaa aaladaha casriga ah ee teknoolajiyada iyo intarnetka.

Bishii June ee sanadkii hore ayay ka qalinjebisay dugsiga hoose-dhexe ee Al-Basiir oo wax lagu baro ardayda sideeda oo kale ah ee aragga la’, waxayna ka mid ahayd ardaydii lagu billaabay dugsigaas. Laakiin, maaddaama aanu gaarsiisneyn heer dugsi sare waxay iyada iyo shan arday oo kale ku biireen dugsiga sare ee Rajab ee degmada Waaberi.

Dugsiga Al-Basiir oo lacag la’aan ah waa mid hooy leh, cunnana siiya ardayda. Amal qoyskeeda oo beeraley ah wuxuu ku nool yahay deegaanka Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha hoose oo Muqdisho u jira 75 km. Sidaas daraaddeed waxaa weli hooy u ah dugsigaas ay ka qalinjebisay oo waalidkeed ay geeyeen shan sano kahor. Maalin kasta waxay u lugeysaa dugsigeeda sare oo u jira 1 km iyadoo kaashaneysa usheeda cad.

Magaalada Muqdisho kuma yaallo dugsi sare oo loogu talagalay dadka aragga la’. Lix arday oo Amal ay ka mid tahay oo aragga la’ ayuu dugsiga Al-Basiir bil kasta ka bixiyaa waxbarashada dugsiga sare oo ardaygiiba ah $12, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay maamulaha dugsigaas Abiikar Xuseen Bashiir, wuxuu intaa ku daray inay dugsiga dhinaca dhaqaalaha ka taageeraan xildhibaanno, qurbajoog iyo qaar ka tirsan hay’adaha samafalka.

Wuxuu xusay inay dugsiga hadda dhigtaan 42 arday oo 18 ay gabdho yihiin, kuwaas oo ka kala yimid gobollada Shabeellaha hoose, Shabeellaha dhexe, Baay, Bakool, Galgaduud, Hiiraan iyo Banaadir.

Amal uma sahlaneyn inay la jaan-qaaddo ardayda dhigata dugsiga sare ee Rajab oo aan lahayn agabka wax lagu baro dadka aragga la’. “Runtii way la qabsatay hadda, maxaa yeelay waa gabar waxbarashada horay ugu wanaagsaneyd oo imtixaan kasta geli jirtay kaalinta koowaad,” ayuu yiri Abiikar.“Keliya waxay uga duwan tahay ardayda kale inay isticmaasho qalab u gaar ah oo loogu talagalay inay wax ku qortaan dadka aragga la’.”

“Cashirka sabbuuradda lagu qoro waxaa ii yeerisa gabar dhinaceyga fadhiisata oo sidaas baan ku qortaa,” ayay Amal u sheegtay Raadiyo Ergo.

Waxay tilmaantay inay ku hanweyn tahay marka ay dhammeyso dugsiga sare inay barato cilmiga Xiriirka Caalamiga ah si ay uga mid noqoto hoggaamiyeyaasha Soomaaliya. “Waxaan jecelahay inaan noqdo gabadha ugu horreysa ee aragga la’ ee noqota wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya,” ayay tiri.

Amal oo ku dhalatay arag-la’aanta waxay aaminsan tahay in aysan waxba ka maqneyn. “Hadda wax baan qoraa, waxna waan akhriyaa, mana aaminsani inaan ahay qof ka duwan dadka wax arkin kara,” ayay tiri. “Arag la’aantu qalbi la’aan ma aha.” Amal oo ku faraxsan nolosheeda waxay sheegtay inay baraha bulshada kula sheekeysato asxaabteeda, leyliyada iskuulkana ay ku diyaarsato kumbiyuutarka, iyadoo xogaha ka maqanna ka raadsata Intarnetka.

Waxaa la baray sida ay keligeed u qabsan karto howl-maalmeedkeeda, sida; cunto-karsiga iyo dhar-dhaqashada. Telefoonka gacanta, saacad ay waqtiga kala socoto, xisaabiye iyo kumbiyuutar dhammaantood leh cod wax hagaya ayay adeegsataa.

Yaraanteedii ma aysan aaminsaneyn in qof sideeda oo kale ah uu wax baran karo, wax qori karo, waxna akhrin karo. Laakiin wixii ka dambeeyay markii ay waxbarashada billowday ilaa hadda waa gabar hammi leh oo hiigsaneysa inay gaarto heer sare, waxayna gabdhaha Soomaaliyeed kula talinaysaa inay aqoonta ku dadaalaan si ay noloshooda u horumariyaan, mustaqbalkana ay dalkooda wax ugu qabtaan.

Mohamed Shariff

Content retrieved from: https://radioergo.org/old/blog.php?2063.

Previous Post

What are Values of a Two-Year Faculty.

Next Post

QIIMAHA XOOLAHA NOOL EE SUUQYADA SOOMAALIYA

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
QIIMAHA XOOLAHA NOOL EE SUUQYADA SOOMAALIYA

QIIMAHA XOOLAHA NOOL EE SUUQYADA SOOMAALIYA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo