Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

BOOSAASO: CUDURRO BAABI’IYAY DALAGYADA BEERAHA LAAG

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
July 15, 2015
in Beeraha Iyo Xoolaha
0
BOOSAASO: CUDURRO BAABI’IYAY DALAGYADA BEERAHA LAAG
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Hoos u dhac baa ku yimid wax soo saarka beeraha deegaanka Laag oo qiyaastii 30km dhanka koofureed kaga beegan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Hoos-udhaca ku yimid miraha kasoo go’a beeraha deegaankan oo ah halka khudaarta ugu badan gobolka Bari oo dhan ay kasoo go’do ayaa lala xariirinayaa cudurro aan la aqoonsan oo baabi’iyay miraha iyo tacabka beeraha.

Axmed Muuse oo ka mid ah beeralleyda deegaanka ayaa sheegay in cudurrada ay beeraha kusoo noq-noqdeen lixdii sano ee ugu dambeysay, si gaar ah dalagyada khudaarta iyo timirta. “Cudurradu waxa ay ku dhacaan xididka ama salka geed khudaareedka iyo kan timirta, kadibna geedka oo dhan baa dhinta, si gaar ah Yaanyada iyo Basasha ayey cudurradu ku badan yihiin,” ayuu yii Axmed oo la hadlay Raadiyoow Ergo.

Beeralleyda deegaanka ayaa cudurka ugu magacdaray ‘Magafe’ oo ay ula jeedaan in beerna aysan ka badbaadin. Si kastaba, cudurka oo si deg deg ah u dilaya dalagga waxaa uu horseeday hoos u dhac ku yimid dakhliga qoysaska ku tiirsan beeraha ee deegaanka Laag.

Saado Maxamuud Axmed oo ka mid ah beeralleyda waxa ay sheegtay in beeralleyda deegaanka ay halkii fasal ba ka heli jireen $1000 doolar kahor inta uusan cudurku ku faafin beeraha Laag.  Suuqyada khudaarta ee gobolka Bari ayaa hadda ku tiirsan miraha laga keeno gobollada koofureed ee dalka.

Si kastaba, Maxamed Nuur Nageeye oo ka tirsan Wasaaradda Beeraha ee Puntland ayaa la xariirshay cudurrada aan la aqoonsan ee dalagyada dilaya inay ka dhalan karaan dawooyinka aan dabiiciga aheyn ee beeraha lagu buufsho.  Wuxuuse kula taliyay beeralleyda deegaanka Laag inay isticmaali karaan daawooyin dabiici ah sida iyaga oo isku daraya geed hindiga, liin dhanaanta iyo qolofka basasha oo la isku khamiiriyay laguna daray biyo diirran, kuwaasoo lagu buufinayo beerta aroortii iyo galabtii.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in beeralleydu ay dalagyada u kala beddelaan goobaha lagu beerayo, sida goobtii yaanyada lagu beeri jiray oo basasha lagu beero, taasoo uu sheegay inay tahay hab looga hortago cudurrada ku dhaca dalagyada.

Faadumo Yuusuf Siciid/FM/MR

Previous Post

JUBOOYINKA: NAFAQO DARRI KA DHALATAY CUNTO-YARI

Next Post

Ceelwaaq: Ceel laga qoday tuulo oomane aheyd

Related Posts

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud

August 21, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraa Galgaduud oo ka cabanaya cudur ka dilaya xoolaha oo il-dhaqaale u ah

August 14, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Next Post
Ceelwaaq: Ceel laga qoday tuulo oomane aheyd

Ceelwaaq: Ceel laga qoday tuulo oomane aheyd

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo