Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxootiga Dhadhaab oo walaac ka muujiyay dib-u celinta

Radio Ergo by Radio Ergo
May 19, 2015
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Qaxootiga Dhadhaab oo walaac ka muujiyay dib-u celinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xerada qaxootiga Xagardheer ee deegaanka Dhadhaab, Waqooyi Bari Kenya ayaa walaac ka muujiyay go`aankii ay dowladda Kenya ku gaartay inay muddo saddex bilood gudahood ay dib ugu celiso qaxootiga dalkooda.

Mar la weydiiyay ra`yigooda ku aaddan dib u celinta ayay sheegeen in sababta ammaanka darteed aysan xilligan habbooneyn in dib loo celiyo.

Qoraalkan soo socda ayaan ka sameynay wareysiyadii laga qaaday qaxootrigaas:
Deeqow Ismaaciil Sanweyne, oo ah arday dhigta dugsiga sare ee Waberi, waa 21 jir ku dhashay xerada Xagardheer, waalidkiisna waxay kasoo qaxeen gobolka Jubbada Hoose sanadkii 1991dii, isagoo ra`yigiisa cabbiraya ayuu yiri:

“Soomaaliya maaha waddan aan weligey arkay oo aan garanayo, laakiin halkan Xagardheer waa meel aan kusoo koray oo aan garanayo, haddana Soomaaliya dhib ayaaba ka jirta oo dagaallo ayaa ilaa hadda looga soo cararayo, hadda aniga waxaan ahay fasalka afaraad ee dugsiga sare, haddii nala celiyo waxbarashadii waa naga kala go`eysaa annagoo intaasoo sano wax soo baraneynay, laakiin waa dalkeenna haddii nabad ay ka dhacdo waan ku laaban lahay.”

Safiya Maxamed Nuur, waxay xerada Xagardheer la timid waalidkeed sanadkii 1998dii ayadoo yar, waxayna ka yimaadeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, waxayna tiri:

“Waxaan nahay dad qaxooti ah oo weli dhibkii ay kasoo carareen uu daba taagan yahay, sababtoo ah annaga kama soo qixin gaajo ee waxaan kasoo qaxnay colaado, dil iyo kufsi baa ka jira. Sidaasoo ay tahay haddii Kenya oo in badan nasoo heysay wayna ku mahadsan tahay ay tiri haleyga celiyo qaxootiga, waan ku laabaneynaa dalkeenna, oo meel noo dhaanta malaha. Kenya haddey doonto sida ariga dabada hanaga gasho oo hanagu celiso dalkeenna, laakiin haddii si sharaf leh naloo celinayo oo qorshe wanaagsan naloo sameynayo, 3 bilood iska daaye 3 sano naguma filna.”

Yaasiin Maxamed Cusmaan oo 24 jir ah, waxaa xerada Xagardheer la keenay isagoo hal sano jir ah sanadkii 1992dii, wuxuu wax ku bartay kuna barbaaray xerada Xagardheer, waana aabbe ay sidoo kale ugu dhasheen gudaha xerada laba carruur ah, wuxuu yiri:

“Hadalka Kenya waa mid la yaab leh, markaan maqlayna aad baan ula yaabay, waxaan ku dhashay xadka Kenya ee Liboi, Soomaaliya inaan warbaahinta ka maqlo maahee weli ma arkin, waalidkeyna mar hore ayaa ugu dambeysay, haddii leygu celiyo hadda waxaan noqonayaa qof hadda dhashay oo kale oo nolosha kow kasoo bilaabaya. Haddii qof Soomaali ah uu dembi galo maaha in Soomaalidoo dhan ay dembiile yihiin, haddii wanaag uu jiro dowladda Kenya iyo hay`adda UNHCR waxaan ka codsanayaa inaan Soomaaliya dib naloogu celin, dadka hadda jooga ayaaba lagu dilaa mar walba oo aan u duceynaa, waxbarasho ma heystaa rafaad bey ku jiraan.”

Salaado Warsame Siciid, oo ah dadka ku nool xerada ayaa ayadana tiri:
“Dib u celinta dalkeyga waan rabaa oo ma diidayo, laakiin sababtaan shalay uga imid ee ammaan darrada baa weli ka jirta, carruur baan wataa, marka ammaan darradaas baan uga cabsaneynaa, ee dalkeenna ma diiddani.”

Maxamed Axmed Maxamuud, oo dhalinyarada Xagardheer ka mid ah ayaa yiri:
“Aad baan ugu faraxsanahay inaan dib ugu laabto dalkeyga, dal aan dalkaaga ahayn waa dareen ku joog”

Xaliimo Cabdi Yuusuf, waxay ku dhalatay xerada Xagardheer, haddana waa ardayad dhigata dugsiga sare ee Xagardheer, waxayna tiri:

“Waan jeclahay in dalkeenna dib naloogu celiyo, sababtoo ahwaxaan ku noolnahay xabsi kor ka feydan, inkastoo aan halkan ku dhashya haddana kama helo xuquuq, nalooma oggola inaan gudaha dalka dhex galno, marka inaan laabanno ayaa inoo fiican.”

Cabdinajiib Faarax Axmed, wuxuu yimid xerada Xagardheer sanadkii 2001dii, wuxuuna ka yimid gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna yiri:

“Waxaan oran lahaa arrinta dib u celinta halaga fiirsado, ma diiddani dalkeenna laakiin ammaan kama jiro, haddii dib naloo celiyo waxay noqoneysaa inaan labada beelood (Dowladda iyo Alshabaab) aan midkood ku biirno, sababtoo ah si kale oo dhalinyaradu ay ugu noolaan karto halkaas malaha.”

Previous Post

Bulshada oo soo dhoweysey mamnuucidda jarista dhirta

Next Post

Sheekadda Xabiibo oo ka mid ah dadkii ka soo noqday Yemen

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
Sheekadda Xabiibo oo ka mid ah dadkii ka soo noqday Yemen

Sheekadda Xabiibo oo ka mid ah dadkii ka soo noqday Yemen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-SEP-2026

IDAACADDA 11-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-SEP-2026
September 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo