Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Sheekadda Xabiibo oo ka mid ah dadkii ka soo noqday Yemen

Radio Ergo by Radio Ergo
May 22, 2015
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Sheekadda Xabiibo oo ka mid ah dadkii ka soo noqday Yemen
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Xabiibo Cabdulle Yaxye waa hooyo wadata qoys ka kooban 10 carruur ah, waxayna ka mid tahay kumanaan qof oo yimid Boosaaso kana soo cararay dagaalka Yemen, waxay  timid Boosaaso 2 Abriil 2015, waxay ku sugan tahay xaafadda Bilajal Carab oo ku taal xeebta Boosaaso,  Xabiibo waxay isku dayday inay la qabsato bulshada deegaanka ayna maarayso nolosha qoyskeeda, waxay  subax kasta u soo qaadaa ganacsi yar guddaha xerada sida kumeel gaarka ah loo dejiyey dadka ka soo noqonaya Yemen ee ku taal Boosaaso.

Weriye Faadumo Taxadar ayaana waraysigaan la yeelatay

S. Yemen maxaad ka qaban jirtay xaggeese ka deganayd?
J. Anniga Yemen caasimadda Sanca ayaan ka deganaa, dharka ayaan ka ganacsan jiray, anniga iyo carrurtayda waaweyn waa wada shaqayn jirnay.

S. Imisa sano ayaad Yemen joogtay, xageese ka tagtay markaagi hore?

J. Anniga waxaan ka tegey Muqdisho sanadkii 2001, waxaan joogay Yemen 14 sano

S. Goormaad timid Boosaaso?

J. Waxaan joogaa hadda 50 maalmood, anniga iyo ilmahayga oo 10 qof ah, kan ugu weyni yahay 25 jir, kan ugu  yarinna 8 sano ayuu  jiraa.

S. Xaggee ka degantahay Boosaaso?

J. Xaafadda Bilaajo Carab ee xeebta u dhow.

S. Waa sidee noloshaadu?

J. Walahay waa iska adagtahay, waxaanse bilaabay ganacsi yar oo aan alaabo ku iibiyo meelaha la dejiyo dadka ka imanaya Yemen, waxaan isku dayayaa inaan gacantayda wax kula soo baxo.

S. Maxaad iibisaa?

J: Waxaan iibiyaa cuntooyinka fudud ee ay kamid yihin jalaato, bajiye, burka la shiilo, sharaab, mashmas iyo saanbuus, alaabtaan farsamo ahaan ayaan u aqaan, guriga ayaanan ku soo farsameeyaa, kadibna anniga iyo carruurtayda kuwa roon roon ayaa soo wada qaadna.

S. Xaggee ka heshay lacagtaad ku bilowday ganacsiga, imisayse ahayd?

J. Markaan imid waxaa guddiga ganacsatadda Boosaaso oo qayb ka ah gudiga gargaarka dadka Yemen ka imanaya  ay I siiyeen 720 dollar oo aan alaab aan ku seexdo iyo waxaan wax ku karsado  ku iibsado, gurina ku kiraystay, wixiiii soo haray oo dhamayd 230 dollar, ayaan ku bilaabay inaan ku gato darmuusyadda jalaatadda iyo alaabta cuntooyinka lagu rido, waxaana la I siiyey lacagtaas 26 bishii Abriil  2015.

S. Maxaa kaa soo galla sideese nolosha qoyskaaga ugu maaraysaa?

J. Runtii qofku noloshiisa kama quusto, anniga markaan imid waxba ma haysan, lacag ma haysan, magaladaan galay wayna igu adkaatay noloshii, runtii guri yar oo carriish ah ayaan degey oo kiro la iiga qaato lacag dhan 25 dollar, waa iska adagtahay nooshiisu, waase nolol cusub oo aan doonayo inaan ku dhex galo dadka, waayo si fiican ayaa la iigu soo dhoweeyey Boosaaso, waana meel aan wax ka qabsan karo, alaabtaan iibiyo waxaana maalintii iga soo gala lacag 4 dollar ah oo aan ku dabaro nolol maalmeedka qoyska.

S. Maxaa dhibaato ah oo aad ku qabtaa hawshaan hadda?

J. Walaahay ma jirto wax dhib oo waxaan dareemayaa inaan shaqaysanayo, lana soo baxayo noloshayda, waxaase mararka qaar aan la iga gadan alaabta, jalaatadoo kale wakhti dheer ma hayn karto kaydiyahaygu oo markiiba way dhalaalaysaa, markaas ayey ila soo deristaa culays khasaare.

Previous Post

Qaxootiga Dhadhaab oo walaac ka muujiyay dib-u celinta

Next Post

Qaxootigii dhowaan Yemen laga keenay oo hoy ku meel gaar ah muqdisho laga dejiyay

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
Qaxootigii dhowaan Yemen laga keenay oo hoy ku meel gaar ah muqdisho laga dejiyay

Qaxootigii dhowaan Yemen laga keenay oo hoy ku meel gaar ah muqdisho laga dejiyay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-SEP-2026

IDAACADDA 11-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-SEP-2026
September 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo