Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xerada qaxootiga Xagardheer ee deegaanka Dhadhaab, Waqooyi Bari Kenya ayaa walaac ka muujiyay go`aankii ay dowladda Kenya ku gaartay inay muddo saddex bilood gudahood ay dib ugu celiso qaxootiga dalkooda.
Mar la weydiiyay ra`yigooda ku aaddan dib u celinta ayay sheegeen in sababta ammaanka darteed aysan xilligan habbooneyn in dib loo celiyo.
Qoraalkan soo socda ayaan ka sameynay wareysiyadii laga qaaday qaxootrigaas:
Deeqow Ismaaciil Sanweyne, oo ah arday dhigta dugsiga sare ee Waberi, waa 21 jir ku dhashay xerada Xagardheer, waalidkiisna waxay kasoo qaxeen gobolka Jubbada Hoose sanadkii 1991dii, isagoo ra`yigiisa cabbiraya ayuu yiri:
“Soomaaliya maaha waddan aan weligey arkay oo aan garanayo, laakiin halkan Xagardheer waa meel aan kusoo koray oo aan garanayo, haddana Soomaaliya dhib ayaaba ka jirta oo dagaallo ayaa ilaa hadda looga soo cararayo, hadda aniga waxaan ahay fasalka afaraad ee dugsiga sare, haddii nala celiyo waxbarashadii waa naga kala go`eysaa annagoo intaasoo sano wax soo baraneynay, laakiin waa dalkeenna haddii nabad ay ka dhacdo waan ku laaban lahay.”
Safiya Maxamed Nuur, waxay xerada Xagardheer la timid waalidkeed sanadkii 1998dii ayadoo yar, waxayna ka yimaadeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, waxayna tiri:
“Waxaan nahay dad qaxooti ah oo weli dhibkii ay kasoo carareen uu daba taagan yahay, sababtoo ah annaga kama soo qixin gaajo ee waxaan kasoo qaxnay colaado, dil iyo kufsi baa ka jira. Sidaasoo ay tahay haddii Kenya oo in badan nasoo heysay wayna ku mahadsan tahay ay tiri haleyga celiyo qaxootiga, waan ku laabaneynaa dalkeenna, oo meel noo dhaanta malaha. Kenya haddey doonto sida ariga dabada hanaga gasho oo hanagu celiso dalkeenna, laakiin haddii si sharaf leh naloo celinayo oo qorshe wanaagsan naloo sameynayo, 3 bilood iska daaye 3 sano naguma filna.”
Yaasiin Maxamed Cusmaan oo 24 jir ah, waxaa xerada Xagardheer la keenay isagoo hal sano jir ah sanadkii 1992dii, wuxuu wax ku bartay kuna barbaaray xerada Xagardheer, waana aabbe ay sidoo kale ugu dhasheen gudaha xerada laba carruur ah, wuxuu yiri:
“Hadalka Kenya waa mid la yaab leh, markaan maqlayna aad baan ula yaabay, waxaan ku dhashay xadka Kenya ee Liboi, Soomaaliya inaan warbaahinta ka maqlo maahee weli ma arkin, waalidkeyna mar hore ayaa ugu dambeysay, haddii leygu celiyo hadda waxaan noqonayaa qof hadda dhashay oo kale oo nolosha kow kasoo bilaabaya. Haddii qof Soomaali ah uu dembi galo maaha in Soomaalidoo dhan ay dembiile yihiin, haddii wanaag uu jiro dowladda Kenya iyo hay`adda UNHCR waxaan ka codsanayaa inaan Soomaaliya dib naloogu celin, dadka hadda jooga ayaaba lagu dilaa mar walba oo aan u duceynaa, waxbarasho ma heystaa rafaad bey ku jiraan.”
Salaado Warsame Siciid, oo ah dadka ku nool xerada ayaa ayadana tiri:
“Dib u celinta dalkeyga waan rabaa oo ma diidayo, laakiin sababtaan shalay uga imid ee ammaan darrada baa weli ka jirta, carruur baan wataa, marka ammaan darradaas baan uga cabsaneynaa, ee dalkeenna ma diiddani.”
Maxamed Axmed Maxamuud, oo dhalinyarada Xagardheer ka mid ah ayaa yiri:
“Aad baan ugu faraxsanahay inaan dib ugu laabto dalkeyga, dal aan dalkaaga ahayn waa dareen ku joog”
Xaliimo Cabdi Yuusuf, waxay ku dhalatay xerada Xagardheer, haddana waa ardayad dhigata dugsiga sare ee Xagardheer, waxayna tiri:
“Waan jeclahay in dalkeenna dib naloogu celiyo, sababtoo ahwaxaan ku noolnahay xabsi kor ka feydan, inkastoo aan halkan ku dhashya haddana kama helo xuquuq, nalooma oggola inaan gudaha dalka dhex galno, marka inaan laabanno ayaa inoo fiican.”
Cabdinajiib Faarax Axmed, wuxuu yimid xerada Xagardheer sanadkii 2001dii, wuxuuna ka yimid gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna yiri:
“Waxaan oran lahaa arrinta dib u celinta halaga fiirsado, ma diiddani dalkeenna laakiin ammaan kama jiro, haddii dib naloo celiyo waxay noqoneysaa inaan labada beelood (Dowladda iyo Alshabaab) aan midkood ku biirno, sababtoo ah si kale oo dhalinyaradu ay ugu noolaan karto halkaas malaha.”