Weriyaha Ergo ee xerada Alkharaz eek u taalla koofurta Yemen, Maxamed Muxumed Muuse (Koronto) ayaa ka wareystay qaar ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee u sugan xerada aragtidooda ku aadan xabad-joojinta bini`aadannimo ee 5ta maalmood ee lagu gaaray Yemen.
Su`aasha la weydiiyay ayaa ahayd inay isku dayayaan in fursadda yar ee gaaban ay uga faa`iideysanayaan inay ka baxsadaan Yemen?.
Badankood qaxootiga ayaa ahaa kuwo jahwareersan, waxayna dareemayaan inaysan jirin wax kale oo ay sameyn karaan aan ahayn inay sii joogaan meesha, iyadoo xerooyinku aysan lahayn cunto iyo adeegyo kale, isla markaana aysan ammaan ahayn.
Qoraalkkan soo socda waa wareysiyadii laga qaaday qaxootigaas:
Dhaqane Xasan Xareed: “Shanta maalmood waxan u arkaa mid aan waxba ka jirin, sababtoo ah qofna meel kuma gaari karo, wax kuma qabsan karo, dadkeenna wuxuu ku kala firirsan yahay gudaha Yemen, marka 5 maalmood ma dhici kartaa in dadkeenna aan isku keenno, qof walboo maskax leh wuu dareemi karaa. Waxaan aaminsanahay in ragga dagaallamaya rasaastii ka maqneyd ay ugu imaan karto shidaalkana ay ku heli karaan, 5taas maalmood waxay la mid tahay 5 saacadood.”
Sharifo Saalax Calasow: “UNHCR baa mas`uul naga ahayd waa naga tagtay, baxa ama jooga nama dhihin, danaheenna ayaan hadda u joognaa, xitaa intaasoo KM bey inoo jirtaa badda iyo gacanka carbeed ee doomanka iyo maraakiibta laga raacayo, curyaan, waayeello iyo carruur baan wadannaa, xitaa haddaan kasoo tagno xerada Alkharaz, maxaan kusoo gaari karnaa badda? Ma heysanno gargaar, biyo, baad iyo kaalmo caafimaad. Waxaan caalamka u sheegeynaa in nalaga soo gaaro, 5 maalmood iskuma soo uruursan karno, xitaa carruurteenna waa naga kala maqan yihiin.”
Xabiibo Daahir: “20 sano iyo ka badan ayaan Yemen ku noolahay, xabad joojintan wax ay noo soo kordhineyso malaha, dantooda unbey ku wataan, 5 maalmood iska daaye 5 biloodna waxba malanoogu qaban karo.”
Maxamed Muuse Yuusuf: “5ta maalmood waxaan u arkaa mid ay iyaga ku nasanayaan oo ay isku hub uruursanayaan ee ma aha mid qaxootiga loogu daneynayo. 5 maalmood waa ku filan tahay magaalooyinka garoomada leh ee diyaarad hore loogu qaadi karo, laakiin annaga naguma filna. Waxaaba noogu daran maaddaama Soomaaliya ay ku jirto xulufada Yemen, taas annaga ayay dhib noo keentay, qofkii madowba waa Soomaali ayaa la leeyahay oo waa la dilayaa.”
Maxamed Jibriil Gurey: “5ta maalmood ee xabad joojinta waxaan u arkaa mid aan nagu filneyn, oo sida carruur ah naloogu sasabayo, waxaase laga yaabaa in loogu daro 10 maalmood oo kale, 20 beri xitaa nama anfaceyso annaga.”