Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Garowe: Haween ganacsi ka dhex sameystay xeryo barakac markii laga taageeray

Jibril Osman by Jibril Osman
March 19, 2024
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Garowe: Haween ganacsi ka dhex sameystay xeryo barakac markii laga taageeray
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Muunimo Shariif Cabdi ayaa awood u yeelatay in ay wada maarayso waxbarashada iyo cuntada 8 carruur ah oo ay dhashay. Waxaa u suura galisay faa’iido ay ka heshay dukaan ay ku iibiso dharka, bagaashka iyo raashinka oo loo furay bishii Janaayo ee sanadkan.

Labo ka mid ah carruurteeda oo waxbatashada ka haray bishii May ee sanadkii hore ayay isbuuc ka hor ku celisay iskuulka. Waxay isku gayn ka dhiibaysaa $16 bil walba. Waxay sheegtay in aysan culays badan kala kulmin oo ay meheradda ka hesho dhaqaalo ku filan.

Waxay ka mid tahay labo boqol oo haween ah oo hay’adda Kaalo ay dukaanno yar-yar ugu furtay gudaha xeryaha Shabeelle, Jiindagaha, Silliga iyo Jilab oo ku yaalla duleedka magaalada Garowe oo ay ku nool yihiin.

“Qof hammi leh baan ahay oo is leh horumar weyn gaar. shalay meel baan fadhiyay. Markay jikada iga danto waxaan leeyahay maanta intee ilmaha wax uga keentaa. Maanta waxaa ilaaheey ii suurto galiyay inaan helo ganacsi ay Kaalo isiisay.”

Muumino ayaa sheegtay in dukaankeeda oo ay ku furatay $500 oo ay hay’addu siisay ay si maalinle ah uga hesho lacag u dhacaysa $5 ilaa $10 oo faa’iido ah. Dhaqaalahaas ayay xustay in ay reerkeeda u horseedday in ay saddex waqti wax cunaan.

Waxay xustay in nolosha qoyskeeda ay ka maarayn jirtay xaabo ay ka soo guri jirtay miyiga oo ay magaalada Garowe u iib-gayn jirtay. Xaabadaas oo in ay suuqa gayso ay ku qaadan jirtay labo maalin ayay sheegtay in laga siin jiray $2. Lacagtaas ayaan u goyn jirin wax ay hal mar cunaan.

Waxay ahayd halka qof ee uu ku tiirsan yahay reerka tan iyo markii ay istaagtay shaqo samaynta aqallada ahayd oo uu ka shaqayn jiray saygeeda horraantii sanadkii hore. Waxaa xilligaas meesha ka baxday $150 oo uu mushaar u qadan jiray oo ay ku tiirsanaayeen.

Muumino ayaa sheegtay in ganacsiyada cusub haweenkan la siiyay aysan waxtarkiisu  ku ekayn qoysaskooda oo kali ah ee ay sidoo kale uga faa’iideeyaan dadka liita ee xeryaha kula nool. Xilligan oo loo diyaar garoobayo Ramadaanka ayay xustay in ay dadka dayn ku siiyaan adeegyada iyaga oo iska yaryareeya. Waxay maalintiiba bixiyaan hal ama labo dollar wixii ay awoodaan.

“Hadda Ramadaan weeye dadkii lacagna ma haystaan intay suuqa tagaan ay wax ku soo iibsadaan. Waxaan ku caawiyay inaan maalintii hal dollar ka arursado. Maalinna way helayaan, waalinna way weynayaan waan u samraa, waayo waa dad loo shaqeeyo, iyagu ma shaqeeyaan, maalinta ay wax helaan iyagaa is garta. Tii isiin karta labo dollar iyo tii isiin karta saddex dollar ayaan ka qaataa.”

Qoyska haweenaydan oo deggan xerada Shabeelle ee duleedka magaalada waxay sanadkii 2009 ka soo barakaceen gobolka Gedo, markaas oo ay saameeyeen abaaro iyo Colaado. Muddadii ay xeradan degganeed ayay sheegtay in ay xilligaan u tahay waqtihii ugu wanaagsanaa nololshooda.

Haweenka ganacsiyadan loo furay ayaa dhamaan ka siman faa’iidada wax ku oolka ah ee ay ka heleen. Shukri Xaaji Cilmi, waxay dukaan ay ku iibiso dharka carruurta iyo haweenka ku leedahay qol ka mid ah gurigeeda oo jiingad ah.

Waxay si maalinle ah uga heshaa lacag u dhaxaysa  $5 ilaa $7. Waxay ku filnaatay maaraynta nolosha carruurteeda oo 11 ah. Waxay ka bexeen nolol xumo ay wajahayeen muddo 5 sano ah oo ay degganyiin xerada lagu barakacay ee Jiingadaha.

“Isbeddel weyn ayaan arkaa. Ilmahaygana dabka waan uga shitaa. Moobaylkayga faaruq ma noqdo. Ganacsigaan waxaa rabaa inaan wax weyn ka qabsado, oo ilmahayga iyo anigaba aan maarayn weyn ka helno.”

Shukri oo nolosha qoyskeeda ka maarayn jirtay dhar dhaqis ay u aadi jirtay magaalada ayaa shaqadaas awoodi waysay markii cudurrada sonkorta iyo Covid-19 ay ku dhaceen sanadkii 2020. Tan iyo xilligaas waxay noqotay mid aan qaban karin shaqooyinkii xoogsiga ahaa.

Muddo labo sano ah waxay qoyskedu dulsaar ku ahaayeen qoys ay ehel yihiin oo maalintii ay ka soo qaadan jireen raashin ay hal mar karsanayeen. Aabbaha reerka ayay sheegtay in uu yahay nin da’ah oo haddana xanuunsan. Dhaqaalaha soo gala ayay subax kasta caano ugu iibisaa $1. Halka labo dollarna ay meel u dhigto si ay ugu guddo $160 oo ah dayn lagu leeyahay.

Wiil curadka u ah oo 22 jir ah oo magaalada u aadda shaqo xoogsi ah oo uusan joogto u helin ayaa ka saacida kirada dhulka ay xerada ka deggan yihiin oo bishii laga qaado  $10.  Muumino waxay ka walaacsan tahay in ay awoodi waysay in ay dib waxbarashada ugu celiso labo ka mid ah carruurteeda oo sanadkii hore ka haray iskuulka markii ay bixin waysay $26 oo bille looga qaadayay.

“Markii aan shaqeysanayay anaa iska bixinayay. Hadda haddii aan dhaqdhaaq weyn aan bixiyo, oo waxayga maasha allah ii noqdaan waan awoodaa. Laakiin hadda xaaladdan la joogo ma awoodi karo.”

Qoyska Shukri ayaa xerada Jawle soo gaaray sanadkii 2019, markaas oo ay ka soo barakeceen degmada Qallaafe ee dawlad deegaanka Soomaalida. Xilligaas oo abaartii sanadkaas ay ku waayeen 150 neef oo ari ah oo ay dhaqanayeen. Waxay soo raad sadeen nolol dhaanta middii ay kuu jireen.

Haweenka shaqo abuurka loo sameeyaay ayaa lagu xushay daruufaha ay ku jiraan qoysaskooda iyo fahamka ay ka hadtaan ganacsiga iyo hal-abuurka ay leeyihiin, sida uu sheegtay Salmo Maxamuud Siciid oo ah madaxa hay’adda Kaalo u qaabilsan maalgalintan.

Salma ayaa tilmaantay in haweenka intaan maalgalinta loo samayn la siiyay tababarro ku saabsan maaraynta ganacsiga iyo sara u qaadista faa’iidadiisa si ay uga soo kabtaan xaaladda saboolnimada ah ee ay muddada ku jireen.

“Ujeeddada laga leeyahay ganacsigan waa kor uqaadista dhaqaalaha qoysaska. Dad gaaraya 600 qof ayaa mashruucaan xirfado badan ku helay. 200 ka mid ah ayaa doortay xirfado ganacsi oo kaddibna lagu maalgaliyay.  Waxaa  kaloo intaa dheer in loo sameeyay guruubyo hagbado si ay lacagaha u save garaystaan, waxaana lagu xiray bangiyada qoysaska maaddaama ay yihiin dad dan yar ah oo xamaalato ah oo u baahan in il dhaqaale loo sameeyo.”

Haweenka ku sugan xeyaha ayaa inta badan fursad u helin shaqo abuur, balse inta yar ee ka faa’iidaysata ayay u noqotaa il dhaqaale oo wax badan u tarta, halka qaarna ay kaga baxaan xeryaha barakaca markay isku filnaadaan. Dhanka kale dadka xeryaha kula nool ayaa

Previous Post

Baydhabo: Dad qasab looga raray xeryo barakac oo wajahaya hoy la’aan iyo cunno xumo

Next Post

Sanaag: Dhaqashada shinida oo il-dhaqaale u noqotay qoysas danyar ah.

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Sanaag: Dhaqashada shinida oo il-dhaqaale u noqotay qoysas danyar ah.

Sanaag: Dhaqashada shinida oo il-dhaqaale u noqotay qoysas danyar ah.

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo