Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Xoolo-dhaqato ay colaad barakicisay oo nolol-xumo ku wajahaya miyiga Xarardheere

Jibril Osman by Jibril Osman
March 27, 2024
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Mudug: Xoolo-dhaqato ay colaad barakicisay oo nolol-xumo ku wajahaya miyiga Xarardheere

Kaydka Ergo/sawir hore

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – kun iyo labo boqol oo qoys oo u badan xoolo-dhaqato ka soo barakacay deegaannada Caad iyo Camaara oo ay ku dagaallamayaan ciidamada dowladda iyo Alshabaab ayaa xaalad cunno xumo iyo hoy la’aan ku wajahaya duleedka dagamada Xarardheere.

Maxamed Cabdi oo sabab amaan aan u qarinay magaciisa waa aabbaha qoys ka kooban toddobo iyo toban qof. Wuxuu tan iyo bishii Febraayo ee sanadkan u la’ qoyskiisa waxay cunnaan iyo mel ay seexdaan.

Wuxuu ka mid yahay 400 oo qoys oo ka soo barakacay deegaanka Caad ee gobolka Mudug. Colaadda koonfurta gobolka ka socota ayuu sheegay inay ku qasabtay inuu soo barakaco.

Maxamed oo ka soo barakacay deegaanka Caad ayaa sheegay in safar qaatay labo maalin oo lug ah ay ku tageen deegaanka Hareeri-jimcaad oo 35 KM dhanka woqooyi Xarardheere uga beegan. Hase ahaatee, ay weli ku sugan yihiin nolol ciriiri ah.

Waxay ku tiirsan yihiin caawimaad ay ka helaan dad ehelkooda ah oo magaalada deggenaa, taas oo u suurtagalisay inay hal mar wax karsadaan, bale taas kama dhigna inay si toos ah qoyskiisa u baahi tirtay kaalmadaas kooban.

“Haddii wax yar oo raashiin ah la helo cawada ayaa dabka la saartaa. Dad waa dareemeysaa hadde tuulo joogay waxay isaga noolaayeen wax khudaar la helo iyo wax yar oo raashiin ah ayay isaga noolaayeen.”

Helitaan la’aanta hoy qumman ayuu tilmaamay in carruurtiisa qaar ay u horseeday inay u adkeysan waayeen qabowga habeennada qaar, maaddaama uusan u heli karin hu’ wanaagsan oo ka xajin kara dhaxanta.  Qoysaskaan waxay dagan yihiin dhul bannaan oo ay ku soo dhoweeyeen dadkii deegaanka.

“Bacahaas oo bac gaduudda la yiraahdo ayaa geedo lagu waabtaaa. Bacahaas ayaa geedaha la saartay. Dadka waa dareemi kartaa waa dad soo barakacay oo aan waxba wadan. Qofkii bac heli kara iyo kii jawaan haysta ayay dadka iyo carruurta hoos galaan.”

Wuxuu tilmaamay in qoyskiisa ay ku tiirsanaayeen baco ay biyo ugu keydsanaayeen dad reer miyi ah oo tuulada la deggan. Waxay saddex jirkaan oo biyaha ka gadaan booyad deegaanka timaada. Helidda biyaha waxaa ay ku qaadataa maalin dhaaf. Lacag $4 oo ay siiyaan dad ehelkiisa ah ayuu ku iibsadaa.

Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay ka hor inta uusan imaanin duleedka Xarardheere in deegaankiisa uu ku haystay ganacsi ay ka maareyn jireen noloshooda, balse hadda ay isbeddeleen wax walba.

Dukaan lagu iibiyo raashiinka iyo waxyaabaha la isku qurxiyo ayuu sheegay inay ku la haayeen Caad, taas oo maalinkii ay ka heli jireen $10 oo faa’iido ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay la haayeen kawaan lagu iibiyo hilibka ariga ah oo si maalinle ah ay uga heli jireen  $5 oo faa’iido ah.

Wuxuu sheegay in deegaankiisa uu uga soo barakacay baqdin uu ka qabo Al-Shabaab, maaddaama ay ka qaateen dukaankii uu ku tiirsanaa qoyskiisa oo uu ku sheegay inuu ku fadhiyay hanti ka badan $3,000.

“Xaaladayadu sidaas bey ku sugan tahay. Haddana meel baadiyo ah oo geed hoostiisaan joognaa.”

Qoyska Maxamed oo xoolo-dhaqato ah waxay la soo barakaceen konton neef oo ari ah, kuwaas oo uga badbaaday abaar ay 2017 uga le’deen 60 ari ah, kuwaas oo u awoodi la’yahay calafkii ay cuni lahaayeen.

Qoysaskii ugu badnaa ayaa ka soo barakacay 24 bishii Janaayo ee sannadkaan, markii uu deegaanka Caad ka dhacay dagaal u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

Dhanka kale Cali Warsame oo aanan ahayn magaciisa saxda ah sababo amni awgood ayaa sidoo kale ka mid ah qoysaska u soo barakaca ah ee yimid deegaanka Hal-beereed oo Xarardheere dhinaca koonfureed ka jira masaao dhan 10KM.

Nolosha barakacnimada oo ku cusub iyo helitaan la’aanta adeegyada aasaasiga ah uu deegaanka kala kulmay ayuu sheegay inay ku noqotay xaalad uu maaro u waayay.

Wuxuu tillmaamay in deegaanka ay u soo barakaceen ay ka jirto biyo yari  xooggan oo dadka iyo duunyada isku si u saameysay. Hal caag  oo saddexle biyo ah ayuu sheegay inay ku caawiyaan maalinkii dad daris la ah, si ay u isticmaalaan. Biyahaas ayuu xusay inaysan dabooli karin baahidooda, balse aysan haysan xal kale oo ay biyo ku heli karaan.

“Runta marka aan kuu sheego dadka ehellada ah ee wadanka degganaa waad warsan doontaa. Hal ri malihin, dameer male, rati male. beer male, lacag looma soo diro. Xaalad qatar ah ayay ku suganyihiin nolosha biniaadantinimo xageeda m agaratay.”

Cali oo ah aabbaha siddeed carruur ah ayaa sheegay in markii hore ay qoyskiisa ku tiirsanaayeen $15 oo uu ka heli jiray shaqada dhismaha guryaha oo uu qaban jiray. Ninkaan oo 60 sano jir ah ayaa xusay in dhowrkii bil ee u dambeeyay ay yaraatay shaqadii uu ka shaqayn jiray.

Hubanti la’aanta cunnada ee uu wajahayo qoyskiisa ayuu sheegay inay ku adkaatay wax ka qabashadeeda, maaddaama uusan haysan awood dhaqaale oo wax ka beddeli karta xaaladda uu ku sugan yahay.

Wuxuu xusay in dadka deegaanka ay ku caawiyeen raashin ay dhexdooda iska soo aruuriyeen, kaasi oo hal mar dabka ay saartaan

“Bariis cad oo wax lagu daraayo aan la arag oo mararka qaar dad ay ka helaan muslim ah ayay karsadaan, habeenkiina way iska seexdaan ma garatay.”

Xoghayaha maamulka magaalada Xarardheere Maslax Macalin Cilmi ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoysaska ku soo barakacay ay ka mid yihiin carruur iyo dumar aan haysan xitaa goob ay ku hoydaan áma ka galaan cadceedda maalinkii.

Maslax ayaa xusay in baahida qoysaskan ay ka weyn tahay  awooddooda oo aysan dabooli karin. Wuxuu sheegay in ka maamul ahaan in billowga barakacooda ay u sameeyeen biyo dhaamin saddex maalin oo isku xigta bishii Febraayo ee sannadkaan.

Siddeetan booyadood ayuu xusay inay biyo u shubeen saddex boqol iyo konton qoys oo ku nool  deegaannada ceel-waaf, Warane, Durdur, Burdiir iyo Baraag- Ismaaciil.

“Waa dad ka soo tagay meeshii ay biyo ku shuban lahaayeen. Waa dad ka soo tagay xoolohoodii qeybo ka mid ah oo ka gaari waayay, maaddaama uu cadaadis weyn ay saarayaan cadawga (Al-Shabaab).”

Xilligan oo cimiladu kulayl tahay ayay sheegeen dadka soo barakacay inaysan haysan biyo iyo raashin toona. Dhanka kale waxay waxay ka soo carareen hoygii iyaga oo hoos daadsan geedo aan har lahayn oo jiilaalku solay.

Previous Post

Isbitaalka Shalaanbood oo sariiro u la’ bukaanno uu soo ritay shuban-biyood

Next Post

Baladwayne: Cunno xumo ka jirta xero barakac oo ay ku biireen qoysas ay colaad saameysay

Related Posts

Cayayaan iyo biyo la’aan qasaare galiyay beeralayda deegaanno ka tirsan Sool
Beeraha Iyo Xoolaha

Cayayaan iyo biyo la’aan qasaare galiyay beeralayda deegaanno ka tirsan Sool

February 7, 2026
Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo

February 5, 2026
Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

February 4, 2026
Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah
Beeraha Iyo Xoolaha

Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah

February 3, 2026
Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay

February 2, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Waayeel iyo dad nugul oo looga guuray deegaan roob la’aan ah oo Hargaysa hoostaga

January 30, 2026
Next Post
Baladwayne: Cunno xumo ka jirta xero barakac oo ay ku biireen qoysas ay colaad saameysay

Baladwayne: Cunno xumo ka jirta xero barakac oo ay ku biireen qoysas ay colaad saameysay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-FEB-2026

IDAACADDA 07-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-FEB-2026
February 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-FEB-2026
February 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-FEB-2026
February 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-FEB-2026
February 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-FEB-2026
February 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo