Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dadkii ka qaxay magaalooyinka waaweyn ee Yemen oo ku dhibaateysan Al-Kharaz

Radio Ergo by Radio Ergo
May 13, 2015
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Dadkii ka qaxay magaalooyinka waaweyn ee Yemen oo ku dhibaateysan Al-Kharaz
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Sedex kun oo qof oo Soomaali ah kana soo cararay dagaallada ka socda magaalooyinka waawayn ee dalka Yeman gaar ahaan Cadan ayaa la sheegayaa inay hoyi la’aan, cunto la,aan, caafimaad darro iyo dhibaatooyin kale ku haystaan xerada qaxootiga Al-kharaz ee dalkaasi.

Xabiibo Dahir Maxamuud waa hooyo haysata 5 carruur ah oo agoon ah kana soo carartay xaafadda Basaatiin ee magaalada Cadan waxay Ergo u sheegtay in carruurteeda ay la jiifaan gaajo, hoyi la,aan, duruufo kale,  ayadoo xustay in xerada Al-kharz ay timid laba bilood ka hor ayna dul saar ku ahayd qoyska kale balse dhawaan loo hseegay in ay ka guurto sidaasna ay hadda meel banaan ah joogto.

Dagaallada ka hor waxaan ahaa adeegto ka shaqaysa guryaha si aan u soo saaro biilka carruurta, wadankan waxaan ku noolaa 18 sano wax dhib ahna kuma qabin.

Sh Cabdiraxmaan Maxamed Cumar  ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in 18 sano uu ku noolaa dalka Yeman uuna haysto 9 carruur ah oo hooyadood ay indho la’adahay bil ka hor ayuu ka soo qaxay xaafadda Basaatiin ee magaalada Cadan, wuxuu yiri carruurta waxaan ku quudiyaa in dadka aan ka baryo kilo bariis ama kilo bur ama lacag yar oo aan waxba goyn, dagaallada ka hor ayuu sheegay in uu ahaa Sheekh isku mehrriya ragga iyo dumarka.

“Waxaan haystaa 5 carruur ah waxaa joogaa xerada Al-kharaz muddo bil ah da’adeydu waa 31 jir, halkan waxaan u imid ammaanka awgiis balse waxaan kala kulmay noolal adag oo dhan walba taabanaysa gaar ahaan waxyaabaha aasaasiga sida cunnada, hoyiga, caafimaadka intaba ma haysanno maalin walba waxaan dadka xerada ka baryaa qaado bariisa ah, xabad canjeero ah si aan nafta ugu celino”. sidaa waxaa sheegtay Siciido Cismaan.

Waxay intaa raacisay in Carruurteeda aabahood ay uga soo tagay Cadan ayna ka warqabin xaaladiisa, ka hor inta aysan soo qixin waxay sheegtay in ninkeeda uu dhaqi jiraybaabuurta ayaduna ay ahayad adeegto ka shaqaysa guraha sidaasna ay ku tiirsanaynd nolasha qoyskooda, waxay xustay in nolasha ay hadda ku jiraan ay adagtahay,Yemen ayey sheegtay inay ku noolaayeen 14 sano, waxay codsatay in Soomaaliya la geeyo si ay uga baxdo noolasha colaadda iyo duruufaha adag ay isku biirsadeen.

Guddoomiyaha Gudiga Diiwaangelinta Qaxootiga Cusub ee Xerada al-kharaz ayaa Radio Ergo u sheegay in 3000 kun oo qof ay diiwaan galinyeen una gudbiyeen UNHCR, wuxuu xusay inay jiraan dad hoyi ka dhigtay geedaha hoostooda, wuxuuse intaa raaciyey inay jiraan qoysas markii ay xerada ka waayeen caawimaad bani’aadamnimo ay doorbideen inay dib ugu noqdaan magaalada Cadan oo markii hore ay kas oo qaxeen walina ay ka jirto dhibaatada ammaan darro,

Dadkan ayaa waxay dhammaan codsadeen in lagu caawiyo sidii ay Soomaaliya ku aadi lahayn maadaama ay adagtahay nolasha xilligan ka jirta xerada Al-kharaz oo ay u soo barakaceen.

Previous Post

Roobabka oo saameyn ku yeeshay dadka Bakool

Next Post

Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen oo rajo xumo ka muujiyay xabad-joojinta 5ta maalmood

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen oo rajo xumo ka muujiyay xabad-joojinta 5ta maalmood

Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen oo rajo xumo ka muujiyay xabad-joojinta 5ta maalmood

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-SEP-2026

IDAACADDA 10-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo