Roobabka guga oo maalmo si xariir ah uga da`ay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Bakool ayaa wuxuu saameyn xooggan ku yeeshey boqollaal qoysas ah, kuwaasoo guryihii ay degganaayeen qaar uu ka dumiyey roobka biyaha xooggan watay.
Xaafadda Buulow ayaa ka mid ah xaafadaha uu saameynta ku yeeshay roobka, waxaana guryahoodii ka barakacay ilaa 500 oo qoys, waxay sidoo kale roobabka qaadeen Ari badan.
Xaawo Macallin Cali waxay ka mid tahay qoysaska deggan xaafagda Buulow oo roobka daadka watey saameyey ayaa Ergo ayaa u sheegtey inay gobolka oo go`doonsan darted aysan aqoon meel ay aadaan.
Roobabka ayaa sidoo kale burburiyay dhul beereedyo dhowr ah oo ku yaallay duleedka magaalada Xudur, iyagoo baabi`iyay dalagyadii ku beernaa, sida uu Ergo u sheegay Mayow Cabdi Nuur oo ka mid ah beeralleyda gobolka Bakool.
Deeqow Maxamed Kuus oo ka mid ah odayaasha degmada Xudur ayaa ka codsaday hay`adaha inay ka hor tagaan khatarta caafimaad ee ka imaan karta biyaha dhax fadhiya qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada xudur.
“Wali roobka waa uu soo socdaa, marka inta xaalka faraha ka bixin, waxaan codsaneynaa in biyo xireen loo sameeyo biyaha oo xaalad caafimaad daro ka imaan karto,hay,adaha waxaan leenahay qatartan caafimaad halaga hor tago.”
Maamulka gobolka bakool iyo degmada xudur ayaa waxay wadaan dadaalo ku aadan sidii wax`loogu qaban lahaa qoysaska guriyo la,aanta ku heysata magaalada.
Muxyadiin Xasan Maxamed/FM