Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen oo rajo xumo ka muujiyay xabad-joojinta 5ta maalmood

Radio Ergo by Radio Ergo
May 14, 2015
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen oo rajo xumo ka muujiyay xabad-joojinta 5ta maalmood

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Weriyaha Ergo ee xerada Alkharaz eek u taalla koofurta Yemen, Maxamed Muxumed Muuse (Koronto) ayaa ka wareystay qaar ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee  u sugan xerada aragtidooda ku aadan xabad-joojinta bini`aadannimo ee 5ta maalmood ee lagu gaaray Yemen.

Su`aasha la weydiiyay ayaa ahayd inay isku dayayaan in fursadda yar ee gaaban ay uga faa`iideysanayaan inay ka baxsadaan Yemen?.

Badankood qaxootiga ayaa ahaa kuwo jahwareersan, waxayna dareemayaan inaysan jirin wax kale oo ay sameyn karaan aan ahayn inay sii joogaan meesha, iyadoo xerooyinku aysan lahayn cunto iyo adeegyo kale, isla markaana aysan ammaan ahayn.

Qoraalkkan soo socda waa wareysiyadii laga qaaday qaxootigaas:
Dhaqane Xasan Xareed: “Shanta maalmood waxan u arkaa mid aan waxba ka jirin, sababtoo ah qofna meel kuma gaari karo, wax kuma qabsan karo, dadkeenna wuxuu ku kala firirsan yahay gudaha Yemen, marka 5 maalmood ma dhici kartaa in dadkeenna aan isku keenno, qof walboo maskax leh wuu dareemi karaa. Waxaan aaminsanahay in ragga dagaallamaya rasaastii ka maqneyd ay ugu imaan karto shidaalkana ay ku heli karaan, 5taas maalmood waxay la mid tahay 5 saacadood.”

Sharifo Saalax Calasow: “UNHCR baa mas`uul naga ahayd waa naga tagtay, baxa ama jooga nama dhihin, danaheenna ayaan hadda u joognaa, xitaa intaasoo KM bey inoo jirtaa badda iyo gacanka carbeed ee doomanka iyo maraakiibta laga raacayo, curyaan, waayeello iyo carruur baan wadannaa, xitaa haddaan kasoo tagno xerada Alkharaz, maxaan kusoo gaari karnaa badda? Ma heysanno gargaar, biyo, baad iyo kaalmo caafimaad. Waxaan caalamka u sheegeynaa in nalaga soo gaaro, 5 maalmood iskuma soo uruursan karno, xitaa carruurteenna waa naga kala maqan yihiin.”

Xabiibo Daahir: “20 sano iyo ka badan ayaan Yemen ku noolahay, xabad joojintan wax ay noo soo kordhineyso malaha, dantooda unbey ku wataan, 5 maalmood iska daaye 5 biloodna waxba malanoogu qaban karo.”
Maxamed Muuse Yuusuf: “5ta maalmood waxaan u arkaa mid ay iyaga ku nasanayaan oo ay isku hub uruursanayaan ee ma aha mid qaxootiga loogu daneynayo. 5 maalmood waa ku filan tahay magaalooyinka garoomada leh ee diyaarad hore loogu qaadi karo, laakiin annaga naguma filna. Waxaaba noogu daran maaddaama Soomaaliya ay ku jirto xulufada Yemen, taas annaga ayay dhib noo keentay, qofkii madowba waa Soomaali ayaa la leeyahay oo waa la dilayaa.”

Maxamed Jibriil Gurey: “5ta maalmood ee xabad joojinta waxaan u arkaa mid aan nagu filneyn, oo sida carruur ah naloogu sasabayo, waxaase laga yaabaa in loogu daro 10 maalmood oo kale, 20 beri xitaa nama anfaceyso annaga.”

Previous Post

Dadkii ka qaxay magaalooyinka waaweyn ee Yemen oo ku dhibaateysan Al-Kharaz

Next Post

Dadka ka soo qaxay Yemen oo dalbanaya in la caawiyo

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
Dadka ka soo qaxay Yemen oo dalbanaya in la caawiyo

Dadka ka soo qaxay Yemen oo dalbanaya in la caawiyo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-SEP-2026

IDAACADDA 10-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo