Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xudur oo go’doonkii ka baxday sanad kaddib

Radio Ergo by Radio Ergo
March 26, 2015
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xudur oo go’doonkii ka baxday sanad kaddib
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Muddo ka badan hal sano oo ay xirnayd wadadda isku xirta degmooyinka Xudur iyo Ceelberde oo ka tirsan gobolka Bakool ayaa hadda lagu guulaystay in dib loo furo, labadaan magaalo oo isu jira 90 km ayaa waxay muhiim u tahay isu socodka badeecooyinka ganacsi, iyadoona qiimihii raashinka ee degmadda Xudur uu hoos ugu dhacay kala bar intuu bil ka hor ahaa, bulshada degmadaan ku nool oo ay haysteen dhibaatooyin cunto yaraani ayaana hadda sheegaya in maalmihii ay furnayd wadadu isbedel ku yimid noloshoodii.

Faadumo Cabdiraxmaan Maxamed waxay ka mid tahay gacnasatadda Xudur ayaa Ergo u sheegtay
“ Walaal is badel badan ayaa ku yimid qiimaha rashiinka suuqyada, waayo wadada Ceel-barde iyo Xudur ayaa la furey gadiidka ayaa soo galaya magaalada mar kasta oo badeecadaha wada, qiimaha raashinkana hoos ayuu u dhacay, tusaale markii hore haween dhabarkooda rashiin dhuumaleysi ay ku keeneen ayaan suuqyada ku iibin jirney oo kiiladii sonkor ah 40 kun oo ayaa iibin jirney burka iyo bariiskana sidoo kale laakin hada waxaan iibinaynaa 20-kun oo shilin waayo gadiidki ganacsiga ayaa imaanaya magaalada”

Casho Axmed Xasan waa 75 sano jir haysatana 9 caruur ah, iyada oo ku sugan degmada Xudur ayey Ergo uga warantay siday nolosheedu isu bedeshay intii go’doonku dhamaaday.

“Xudur ayaan joogaa, mudo go,adoon ayaan ku jirney, laakin hadda hal wado ayaa noo furantay rashiinki ayaa soo galaya, qof kasta wixii uu heysto ayuu wax ku iibsadaa, laakin markii hore ma jirin, mararka qaar waxaa dhici jirtey in la waayo rashiin la iibsado, hadda wax kasta waa diyaar qiimahana waa iibsan karnaa ,carruurtey xaalkooda waa la wal wali jirey ilaahay ayaa ii bad baadiyey laakin hadda qiimo dhimis ayaa la sameeyay”.

Xuseen Cabdi Maxamuud oo ka mid ah odayaasha magaladda Xudur ayaa Ergo u sheegay in muddo hal sano ka badan dadka magaladdu ku jireen go’doon dhinac kasta ah, oo dad ay ugu dhinteen macaluul, haddase ay arrintani noqonayso nefis dedku heleen, ayna wadadaani tahay tan keliya ee sahashay in sahaydu soo gasho.

Xudur ayaa ka mid ah magaalooyin dhowr ah oo go’doonsanaa mudo sanad ah kuna yaala goboladda koonfur galbeede ee Bay, Bakool iyo Gedo, ayna dadka ku adkayd inay heleen quutal daruuriga, maamulka gobolka Bakool ayaana ku guulaystay furista wadadaan dhamaadka bishii Janaayo ee ina dhaaftay, wadadaan ayaana ah meesha keliya ee badeecadu u soo marto degmada, iyadoo weli ay go’doonsan yihiin degmooyinka Qansaxdheere oo bay ah, degmadda Waajid iyo Tiyeeglow oo Bakool ah, iyo Buurdhuub oo Gedo ah.

Previous Post

BEERALLEYDA LUUQ OO KA CABANAYA CAYAYAAN SAAMEEYAY DALAGYADA

Next Post

QIIMAHA RAASHINKA OO LABALAAB SARE UGA KACAY DEGMADA BUURDHUUBO

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
SAAMAYNTA CUNNOOYINKA IYO DAAWOOYINKA DHACAY

QIIMAHA RAASHINKA OO LABALAAB SARE UGA KACAY DEGMADA BUURDHUUBO

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-SEP-202

IDAACADDA 08-SEP-202 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-SEP-202
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo