Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

BEERALAYDA BAARDHEERE OO SHEEGAYA IN COLAADAHA JIRAA AY YAREEYEEN WAX SOO SAARKOODII

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
February 26, 2015
in Cunto-Yaraanta
0
BEERALAYDA BAARDHEERE OO SHEEGAYA IN COLAADAHA JIRAA AY YAREEYEEN WAX SOO SAARKOODII
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Beeraleyda roobka wax ku beerta degmooyinka gobolka Gedo ayaa sheegaya in midhaha u soo go’ay xilligaan ayaad uga yar yihiin kuwii ay heli jireen sanadihii tegey, tanoo ay u sababeeyeen colaado iyo xilli robaadkii dayrta oo aan si hagaagsan uga di’in gobolka.

Ismaaciil Cumar oo ka mid ah Beeraleyda tuulada Serinley oo 4 Km u jirta Magaalada Baardheere ayaa Ergo u sheegay.

“Rajada waa mid xun, waayo xilligii aan beeraha ka xoogsan jiray ayaa colaada deegaanka ka jireen, marka waxaan qabnaa walwal ah in abaari na gasho, waayo beertan aan u jeedo markii hore waxaa ka soo go,i jirey 400 ilaa 500 oo jawaan oo haruur ah, haatana waxaa ka soo go, ay 10 jawaan oo keliya, dhibkaana waa mid ay nala qabaan dhamaan dadka beeraleyda ah ee ku dhaqan degmooyinka gobolka Gedo, isagoona intaas ku daray in roobabkii dayrta laftigoodu ku yaraayeen gobolka ayna qayb ka tahay hoosu dhaca.

Abuukar Axmed oo ka mid ah Beeraleyda tuulada Tubaako oo 12 Km u jirta degmada Baardheere ayaa sheegay Beeralleyda in sanadkan ay beereen dalagyo kale gedisa sida masagada, gelleyda, digirta iyo sisinta in sanadkan roobabkii deyrta aysan daboolin dalagii la filayey in la goosto.

Dadka deegaanka Baardheere ay aa sheegaya in qiimaha mesegada ay aad kor ugu kacay, taninna ay ka danbayso beeraha oo aysan ka soo go’in raashin, iyadoo bishii Diseembar 50 kiilo ee mesegadda ahaa la kala siisanayey 150 kun oo shillin somali ah, halka uu hadda suuqyadda ka marayo 300 oo kun oo shillin.

Sidoo kale Cumar Maxamed oo ka mid ah beeraleyda degmada Buurdhuubo ayaa qaba sababaha loo aaneynayo hoos u dhaca ku yimid wax soosaarkii Beeraha in ay ugu weyn tahay colaadaha iyo taageerooyinki dhinaca beerashada ee laga heli jirey hay,adaha samafalka oo muddo 4 sano ah meesha ka maqan, arrimahaasi oo is biirsadey ayuu sheegay in ay tahay caqabadaha soo wajahay beeraleyda.

Gobolka Gedo ayaa ka mid ah gobollada koofurta dalka ku yaalla ee ay sida ba`an u saameeyeen abaarihii sanadkii 2011kii ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka, waxaana bulshada gobolku ay u badan yihiin beeralley iyo xoolalley, iyadoo roobkii xilli dayrtuna ku yaraa, ayaa waxaa gobolka meelo badan oo ka mid ah ka jira colaado barakiciyey dadkii beeralayda ahaa.

Previous Post

Barakacayaasha Kismaayo oo laga saarayo xeryaha

Next Post

Dadkii ka barakacay dagaalladii Guriceel oo ay biyo-la’aan ku haysato tuulooyin

Related Posts

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Next Post
Dadkii ka barakacay dagaalladii Guriceel oo ay biyo-la’aan ku haysato tuulooyin

Dadkii ka barakacay dagaalladii Guriceel oo ay biyo-la'aan ku haysato tuulooyin

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-SEP-2026

IDAACADDA 07-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-SEP-2026
September 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo