Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Barakacayaasha Kismaayo oo laga saarayo xeryaha

Radio Ergo by Radio Ergo
February 20, 2015
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Barakacayaasha Kismaayo oo laga saarayo xeryaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Maamulka Jubba iyo dad iska leh dhulalka ay degan yihiin dadka barakacayaasha ah ayaa waday bilihii la soo dhaafay inay ka raraan dadka barakacayaasha ee ku sugan Kismaayo xeryahay deganaayeen, iyadoo dadka kaamamka laga saaray todobaadyadii tegey tiradooda lagu sheegay 328 qoys oo aan haysan wakhtigaan goob rasmiya oo ay degaan.

84 qoys oo ku jiray xeradda barakacayaasha ee Lafoole ee ku taala magaladda Kismaayo ayaa lagu amray inay ka guuraan deegaankaas todobadkii la soo dhaafay, iyadoona arrintaani ku amreen dadkii dhulka lahaa, dadkaan ayaa sidoo kale dhul ay si ku meel gaara ugu guureen loo diiday inay degaan iyagoona hadda ku sugan goobta la yiraahdo Dalxiiska oo ah duleedka Kismaayo.

Siidi Muuse Amino o ah 60 jir watana qoys ka kooban 16 qof ayaa Ergo u sheegay in xeradaas Lafoole uu deganaa laba sano iyo bar, ninkii dhulka lahaa ayaa noo yimid waan dhisanayaa ee iiga guura ayuu yiri, dhinaca xeebta ayaan aadnay meel u dhow Hoteelka Qiilmawaaye dhul ku yaalay, iyadiina waanalaga soo celiyey, Dalxiiska ayaan ku suganahay hadda, iyagiina guryo kamanan dhisan oo weli si rasmi ah nalooguma ogolaan.

Xeraddan Lafoole keliya ma ahan dadka lagu amray inay ka guuraan xerayaha barakaca ee xeradda Baraawe ayaa iyana ka mid ah goobaha dadka laga raray oo 180 qoys isagana laga raray, Ruqiyo Maxamed Axmed oo 36 jir ah ahna hooyo qoys ka kooban 12 ayaa Ergo u sheegtay “Annaga ilaa shalay waan dayacanahay, annaga iyo ilmihi waan kala lunay, maamulka iyo hay’addahana waxaan ka codsanaynaa in arrimaheenna la soo fara geliyo, alaabteenii meel aan dhigano ma haysano.”

Sidoo kale xaruntii hore ee warashadii Galayda oo ay deganaayen 45 qoys ayaa iyana ka mid ah goobaha lagu amray iany dadku baneeyaan, goobtaanoo xeradda ku taalay la yiraahdo Daljir, Madina Macalin 40 jir haysata 9 carruur ah, waa dadka deganaa xeradaan, waxayna Ergo u sheegtay “Waxaan ka soo guurnay warshadii Geleyda kaamka ku yaalay ee la yiraahdo Daljir, dawladda noo timid baneeya dhulka ayaa la dhahaa, alaabteenii madaxeenaan ku soo guranay, in kastoo dawladdu dhulkeedii u bahatay ma diidayno laakiin meel aan degno runti, meel aan wax ka dhisano ayaan la’nahay.”

Dr. Cabdirashiid Cali Gooni oo ah gudoomiyaha gobolka Jubbadda Hoose ayaa Ergo u sheegay “Waxaa jira qorshe socda in dhamaan goobaha dawladdu lahayd laga saaro dadka degan, sida kuwa barakacayaasha ka dhigtay ama kuwa shakhsiyaadka ah ee iyagu isticmaalayey mudada dheer, maamulka ayaana wakhtigaan u bahan dhamaan goobihii dawladdu lahayd, goobtii ugu horaysay ee laga saarayna waxay ahayd xeradii caymiska, iyadoo dadkaa la siiyey waxay ku guuri lahaayeen.”

Gudoomiyaha ayaa qiray inaysan jirin qorshe maamulku la yimid oo dadkaan hadda laga saarayo dhulalka lagu siinayo goobo ay degaan iyo gacan kale, isagoona iska fogeeyey in gobolku hadda arrintaan wax ka ogyahay, ayse ku tala jiraan in dadkaas ay dhul ay degaan u raadiyaan, ayna la xiriirayaan hay’adda qaxootiga qaramadda midoobay ee UNHCR iyo guddiga ganacsatadda Kismaayo si dadkaan gacan loo siiyo.

Previous Post

Qaxootiga Al-Kharas oo ka walaacsan xaaladda ammaanka

Next Post

BEERALAYDA BAARDHEERE OO SHEEGAYA IN COLAADAHA JIRAA AY YAREEYEEN WAX SOO SAARKOODII

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
BEERALAYDA BAARDHEERE OO SHEEGAYA IN COLAADAHA JIRAA AY YAREEYEEN WAX SOO SAARKOODII

BEERALAYDA BAARDHEERE OO SHEEGAYA IN COLAADAHA JIRAA AY YAREEYEEN WAX SOO SAARKOODII

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-SEP-202

IDAACADDA 08-SEP-202 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-SEP-202
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo