Kalluumaysatada xeebta Hobyo ayaa sheegaya in mawjado xoog badan oo ku jira deegaanka ay ku keentay inay hawshoodii istaagto.
Xuseen Maxamed Jaamac oo ka mid ah kalluumaysatadda Hobyo ayaa Ergo u sheegay, “Doon yar ayaan ku kalluumaystaa, mawjado xoog badan ayaanan la geli karin badda, waxanan dib ugu soo noqdaa beriga annigoo fara maran, dhibaato ayaa hadda haysata nolosha qoyskayga oo ka kooban 15 qof, 24 saac mar ayey wax karsadaan hadday helaan, hanti kale ma lihi, xilliga ay baddu degan tahay waxaan la soo baxaa wax ku filan nolosha qoyskayga, saddex goorna waxbay karsadaan, waanad aragtaa siday ilmaha duruuftoodu tahay hadda.”
Cabdirisaaq Maxamed Ducaale oo kamid ah kaluumeystada dagmada Hobyo oo ka waramaya awoodooda wax soo saar iyo kaydin ayaa sheegay “hay’adda cuntadda iyo beeraha ee FAO ayaa qaboojiyaayaal qoraxda ku shaqeeya noo keentay sanadkaanay, welisa si hagaagsan uma hawl gelin, oo marka baddu degto ayaa lagu hawl gelayaa.”
Shariif Cabdi Cade oo ka mid ah dadka deegaanka Hobyo oo ka waramay shaqo la’aanta magaladda ka jirta, “Baddu laba goor ayey kacdaa waa xilliga xagaaga ee bilaha Juun ilaa September iyo xilliga qabowga ee Deseembar ilaa Febaraayo, xalay doomihii badda aaday iyagoo fara maran ayey soo noqdeen, waana isku xiran yihiin dhaqaala magaladu iyo kallumaysigu.”
Gudoomiye kuxigeenka maamulka magaalada Hobyo Maxamed Cali Guure oo hadlayey qorshahooda ka maamul ahaan uga aadan tayo gelinta kalluumaysatada ayaa sheegay, “Tuulooyinka xeebaha ku teedsan dadka ka shaqeeya dhibaato ayaa haysata, shaqo ma haystaan, sanadkaan kalluumaysatadii suuqay dhooban yihiin, annagana awoodeena wax qabad waa yartahay xirfad iyo qalab ka wanaagsan kay ku kalluumaystaan hadda ma siin karno, keliya inaan warbixin dirno oo wixii wax tari kara aan u qaylo dhaamino ayaan awoodnaa, amaankoodana sugno.”
Kalluumaysatada ayaa ku baaqay in la gargaaro, aysanna haysan wakhtigan waxay cunaan.
Maxamed Somali