Beeralayda yaanyadda beerata ee Johwar ayaa sheegaya inay faraha ka qaadeen beeristeedii iyagoona sheegaya inay cuduro horay aysan u arag ay dileen geedihii, tanoo keentay suuqa degmadda looga soo iib geeyo dhinaca Muqdisho.
Maxamed Cali Afrax waa beeralay yaanyada beerta kuna nool Jowhar isagoo Ergo u waramaya ayuu sheegay “Markii ay dhacday fatahadii webiga ee 2013 ayaa waxaa soo baxay cudurro cusub kaasoo ah xabag cad oo geedkii qabsanaya dilayana, suntii aan isticmaali jirnayna waxba kama tarayso, cudurkaani beertuu galo waxad moodaysaa in ay gubatay oo kale.”
Jowhar oo ahayd meel caan ku ah miraha beeraha ayaa hadda Muqdisho iyo Jalalaqsi oo gobolka Hiiraan ah looga keenaa khudaarta ay yaanyadu ka mid tahay siday Ergo u sheegtay Luul Nuur Macow oo muddo ku soo dhex jirtay ka ganacsiga khudaarta noocyadeeda kala duwan “Muqdisho ayaan hadda ka keenaa, waxayna noqotay qaali, 20 kiilo waxaan awal ku heli jiray markay Jowhar ka soo baxdo 70 kun oo shillin, haddase tan Muqdisho laga keeno waxaa la siiyo 20kii kilo 300 oo kun.”
Cumar Saalax Cabdi waa khabiir beeraha ah, macallinna ka ah jamacadda Middle Shabelle ee ku taal Jowhar, wuxuuna Ergo u sheegay “Inta badan cuduradaan aan la aqoon ee soo baxaya waxaa keenaya isbedelka cimiladda, yaanyadoo kale markay ubaxa bixiso waxay rabtaa inay hesho cimilo qalalaan iyo heer kul dhex dhexaad ah, marka haddii ay cimiladii noqoto mid qoyan waxay noqonaysaa in midhihii madoobaadaan, dhibaatadda ugu daranise waa iyadoo aysan jirin aqoon beerood, iyo hab lagu ilaaliyo noocyadda cuduradda beeraha ku dhacaya.”
Waxay arrintaani samayn ku yeelatay haweenka dan yarta ah ee iyagu nolosha ka raadsada suuq geynta yaanyada Cadar Cabdille Cali waa haweenay suuqa Johwar ku iibisa yaanyadda “Runtii markii hore lacag ayaan ka heli jiray oo beeraha ayaan ka soo qaadan jiray haddase ma heli karo, lacag badan ma haysto oo nus teneg ayaan soo qaataa, keliya dadkii ii macaamiisha ahaa ayaan ku cel ceshadaa ee wax lacag ah kama helo.”
Prof. Cumar ayaa sheegay in hanaanka beerasho ee Johwar uu yahay ku nasiibso oo uu qofka beeralayda ahi uusan garanayn wuxuu beeranayo “Waxeenu ma ahan wax lagu kalsoonaan karo, oo qarashka la gelinayo, wakhtiga la tabcaya iyo waxa laga rajaynayo ma ahan wax qorshaysan, waxaana meesha ka baxday hanaankii beeralayda iyo aqoonta beertu u bahantahay isula jaan qaadi kari lahaayeen, waxaana ugu muhiimsan in dadku fahmaan habkay u isticmalayaan suntan oo runtii inta badan beeralaydu ay six ad dhaaf ah u isticmaalaan taasoo disha beertii, ayna ka dhalato cuduro aysan garanayn.”
Maryan










