Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

BEERAHA YAANYADA EE JOWHAR OO CUDURO BAABI’IYEEN

admin by admin
December 18, 2014
in Cunto-Yaraanta
0
BEERAHA YAANYADA EE JOWHAR OO CUDURO BAABI’IYEEN
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Beeralayda yaanyadda beerata ee Johwar ayaa sheegaya inay faraha ka qaadeen beeristeedii iyagoona sheegaya inay cuduro horay aysan u arag ay dileen geedihii, tanoo keentay suuqa degmadda looga soo iib geeyo dhinaca Muqdisho.

Maxamed Cali Afrax waa beeralay yaanyada beerta kuna nool Jowhar isagoo Ergo u waramaya ayuu sheegay “Markii ay dhacday fatahadii webiga ee 2013 ayaa waxaa soo baxay cudurro cusub kaasoo ah xabag cad oo geedkii qabsanaya dilayana, suntii aan isticmaali jirnayna waxba kama tarayso, cudurkaani beertuu galo waxad moodaysaa in ay gubatay oo kale.”

Jowhar oo ahayd meel caan ku ah miraha beeraha ayaa hadda Muqdisho iyo Jalalaqsi oo gobolka Hiiraan ah looga keenaa khudaarta ay yaanyadu ka mid tahay siday Ergo u sheegtay Luul Nuur Macow oo muddo ku soo dhex jirtay ka ganacsiga khudaarta noocyadeeda kala duwan “Muqdisho ayaan hadda ka keenaa, waxayna noqotay qaali, 20 kiilo waxaan awal ku heli jiray markay Jowhar ka soo baxdo 70 kun oo shillin, haddase tan Muqdisho laga keeno waxaa la siiyo 20kii kilo 300 oo kun.”

Cumar Saalax Cabdi waa khabiir beeraha ah, macallinna ka ah jamacadda Middle Shabelle ee ku taal Jowhar, wuxuuna Ergo u sheegay “Inta badan cuduradaan aan la aqoon ee soo baxaya waxaa keenaya isbedelka cimiladda, yaanyadoo kale markay ubaxa bixiso waxay rabtaa inay hesho cimilo qalalaan iyo heer kul dhex dhexaad ah, marka haddii ay cimiladii noqoto mid qoyan waxay noqonaysaa in midhihii madoobaadaan, dhibaatadda ugu daranise waa iyadoo aysan jirin aqoon beerood, iyo hab lagu ilaaliyo noocyadda cuduradda beeraha ku dhacaya.”

Waxay arrintaani samayn ku yeelatay haweenka dan yarta ah ee iyagu nolosha ka raadsada suuq geynta yaanyada Cadar Cabdille Cali waa haweenay suuqa Johwar ku iibisa yaanyadda “Runtii markii hore lacag ayaan ka heli jiray oo beeraha ayaan ka soo qaadan jiray haddase ma heli karo, lacag badan ma haysto oo nus teneg ayaan soo qaataa, keliya dadkii ii macaamiisha ahaa ayaan ku cel ceshadaa ee wax lacag ah kama helo.”

Prof. Cumar ayaa sheegay in hanaanka beerasho ee Johwar uu yahay ku nasiibso oo uu qofka beeralayda ahi uusan garanayn wuxuu beeranayo “Waxeenu ma ahan wax lagu kalsoonaan karo, oo qarashka la gelinayo, wakhtiga la tabcaya iyo waxa laga rajaynayo ma ahan wax qorshaysan, waxaana meesha ka baxday hanaankii beeralayda iyo aqoonta beertu u bahantahay isula jaan qaadi kari lahaayeen, waxaana ugu muhiimsan in dadku fahmaan habkay u isticmalayaan suntan oo runtii inta badan beeralaydu ay six ad dhaaf ah u isticmaalaan taasoo disha beertii, ayna ka dhalato cuduro aysan garanayn.”

Maryan

Previous Post

BEERALAY KA FAA’IIDAYSATAY FARSAMO BEERASHO CASRI AH

Next Post

CEELBUUR: CARRUUR AY SOO RITEEN CUDURO KALA DUWAN

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
CEELBUUR: CARRUUR AY SOO RITEEN CUDURO KALA DUWAN

CEELBUUR: CARRUUR AY SOO RITEEN CUDURO KALA DUWAN

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 06-MAY-2026

IDAACADDA 06-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 06-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo