Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

BEERALAY KA FAA’IIDAYSATAY FARSAMO BEERASHO CASRI AH

admin by admin
December 17, 2014
in Cunto-Yaraanta
0
BEERALAY KA FAA’IIDAYSATAY FARSAMO BEERASHO CASRI AH

File photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Beeralayda degaannada Afgooye iyo Awdhiigle ayaa sheegay inay ka faa’iidaysteen hanaan farsamo oo casri ah oo sanadkaan bilowgisii ay soo bandhigtay urur ay ku midoobeen aqoonyahanno dhinacaha beeraha ah oo Soomaaliyeed loona soo gaabiyo SATG (Somali Agricultural Technology Group).

Faadumo Cali Nuur waa beeralaydii ugu horaysay ee lagu bilaabay mashruucaan, Ergo oo kula kulmay tuuladda Belbeley oo ku dhow Afgooye, waxayna ka sheekaysay siday uga faa’iidaysteen mashruucaan.

“Anniga waxaan leeyahay beer laba hiktar dhan, hal jibaal ayaa farsamadaan la iigu tijaabiyey, xilligii gu’ga, horay waxaan uga heli jiray 2 jawaan,  markii farsamadaan aan qaatay waxaan ka helay 7 jawaan, xilligaan dayrtana afar jibaal ayaan ku sii daray farsamadda wayna beerantahay weli oo ma soo go’in waxaanse rajaynayaa maxsuul aad u wanaagsan, waxaanan rajaynayaa inaan dhamaan beertayda aan gaarsiiyo farsamadaan.”

Fatumo ayaa sheegtay in SATG ay tababar siiyeen intaysan ka hor tijaabadda samayn, runtiina faaiido badan ayaan ka helay bay tiri mashruucaan.

Muslmo Maxamed Cali iyana waa beeralayda deegaankaan, waxayna ahayd haweenayaan muddo 8 sano ah beerin beerteeda oo le’eg afar hiktar oo roobka ku baxda, iyadoo Ergo la hadlaysa ayey sheegtay “Runti markii mashruucaan la keenay ayaan tegey beertii hal jibaal ayaan ku tijaabiyey, 8 kintaal oo geley ah ayaan ka helay, horayna farhaan uga qaaday markii hore oo waxba kama heli jirin, haddana waxaan rajaynayaa inaan beertayda dhan ku beero farsamadaan, waxayna igu dhiiri gelisay inaan dib ugu noqdo tacabkii beeraha.”

Cabdisataar Maxamed Xasan wuxuu ku sugan yahay tuulada Sukurow oo u dhow Afgooye, waana dadkii ka faa’iidaystay mashruucaan haddana wuxu noqday tababare bara hanaankaan beeralayda deegaanka oo u tababaro farsamadaan casriga ah, iyadoo ay korortay baahida beeralaydu dalbanayaan inay helaan farsamadaan.

Profisor Cabdulqadir Maxamed Abikar waa aqoonyahan beerood waana madaxa guddigaan SATG wuxuuna Ergo u sheegay “Xilligii gu’ga ee sanadkaan ayaan bilownay, waxaanan ku tijaabinay 40 beeralay ah oo Awdhiigle ah iyo 55 Afgooye ah, halkii beeralay ahna hal jibaal ayaa la siiyey, farsamadaan u geynay waxay ahayd in dhulkaan ciidiisa oo ay ka maqantahay macdanaha foosforus, Naytarojiinta, marka shaqooyinkeena waxaan ka bilownay baaris aan ku samaynay ciidda, waxaanan beeralayda ku bilownay inay helaan abuur tayo leh oo daaweysan si cayayaanka dhulka ku jira looga samata bixiyo, iyagu tacabkoodu hikterkii 10 kiish kama badnayn, markiise ay farsamadaan bilaabeen 75% wax soo saarkoodii kor ayuu u kacay.

Xilligaan dayrta waan sii balaarinay farsamadii oo deegaanno hor leh ayaan ku sii fidinay, 75 beeralay ah Awdhiigle ayaan ku fidinay, 75 nna Afgooye, 50 kalena Balcad, oo 200 oo beerood ayaan farsamadaan ku sii fidinay xiligaan dayrta.

Beeralayda ayaa sheegaya inkastoo uu ka qarash badan yahay habkaani kaw sanadaha badan wax ku soo beeranayeen, haddana inay tahay farsamo ku dhiiri gelinaysa in dadku wax beertaan oo si wanaagsan ay uga helaan waxay cunaan iyo qayb ay iibsadaan.

Mohamed

Previous Post

Mandheera: howl-gal ciidan oo saameyn ku yeeshay ka gudubka xadka

Next Post

BEERAHA YAANYADA EE JOWHAR OO CUDURO BAABI’IYEEN

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
BEERAHA YAANYADA EE JOWHAR OO CUDURO BAABI’IYEEN

BEERAHA YAANYADA EE JOWHAR OO CUDURO BAABI'IYEEN

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo