Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mandheera: howl-gal ciidan oo saameyn ku yeeshay ka gudubka xadka

Radio Ergo by Radio Ergo
December 17, 2014
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankWeerarada kooxda al-Shabaab iyo howl-galada dabo socda ee ciidamada Kenya ay ka wadaan magaalada xadka ku taal ee Mandheera ayaa saameyn ku yeeshay nolosha qoysaska deegaannadooda kasoo barakacay ee xadka Baladxaawo kasoo talaaba si ay uga xoogsadaan gudaha Kenya. Haweenkan xeryaha degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo kasoo shaqo taga ayaa dharka iyo alaabta guryaha u dhaqa qoysaska ladan ee magaalada Mandheera si ay u helaan qarashaad ay reerahooda cunta ugu iibiyaan.

Laakiin Aamina Aadan oo ah hooyo agoonley ah oo heysta todobo carruur ah waxey kasoo qaxday degmada Diinsoor ee gobolka Bakool oo abaaro iyo colaado ay kusoo noqnoqdeen. Toddobadii sanno ee ay ku nooleyd xerada dadka deegaannadooda kasoo barakacay ee Alla Aamin ee degmada Baladxaawo, subax walba waxey u shaqo tagi jirtay magaalada Mandheera oo ay ka xoogsan jirtay.

Laakiin cabsi ay ka qabto in la xiro maadaama aysan heysan sharci ay uga xoogsato Mandheera ayaa hadda ku qasbay inay isaga baaqsato shaqooqinka xoogsatonimada ah ee ay u aadi jirtay Mandheera. Fowsiya Cumar Barre ayaa telfoonka ku wareystay Aamina oo ay weydiisay bal inay sharaxaad ka bixiso noloshooda maadaama aysan iska dhaaftay shaqooyinka ay Mandheera u aadi jirtay.

Aamino: Xaaladiina aad bey u xuntahay. Dhibaatadeenna wax la sheegi karo ma ahan. Magaalada kama shaqeynsan karno. Dagaallo baa jira, dad aan sharciyada heysan baa la qabqabanayaa baa la yiri.  Annagana sharci ma heysanno  marka waan iska cabsanay oo waxaan ka baqnay in nala xiro marka xeryahaa iska joognaa.

Raadiyoow Ergo: Magaalada aad ka shaqeynsan jirteen oo aad ka cabsateyn waa tee?
Aamino: Waa Mandera oo waxaan ka shaqeynsan jirnay in aan cidaha ladan dharka u dhaqno  ama aan dhulka u xaaqno kadibna lacag baan ka qaadan jirnay. Waxaan sidoo kale ka qaadan jirnay cunta ay soo reebaan iyo waxyaabaha qashin qashinka ah sida canjeerada iyo bariiska. sidaas baan ku quudin jiray todobada carruurteyda ah.

Fowsiya: Marka dhaqaale intee la eg ayaad maalintii soo heli jirteen?
Aamino: Wax weyn ma heli jirin. Waxaan heli jirnay labo boqol ilaa saddex boqol oo shilin laakiin nagu ma filnaan jirin. Sidaas darteed, subax walba waan kalahi jirnay oo haddana  dhaqar baan dad u soo dhaqi jirnay. Sidaas baan ku nooleyn.

Raadiyoow Ergo: Hadda sidee u nooshiheen?
Hadda, dadka beeraha Malkaariyey oo 7km u jirta degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaan soo tuugnaa oo cowska beeraha uga baxa ayaan kasoo guranaa kadibna suuqyada Baladxaawo baan uga iibinaa dadka xoolahaku heysta magaalada. Marka, labo boqol camal baan ka helnaa. Lacagtaas ayaan habeenkii casho ku sameysanaa.

Previous Post

GALKACYO: 400 OO GABDHO AH OO HELAY WAXBARASHO BILAASH AH

Next Post

BEERALAY KA FAA’IIDAYSATAY FARSAMO BEERASHO CASRI AH

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
BEERALAY KA FAA’IIDAYSATAY FARSAMO BEERASHO CASRI AH

BEERALAY KA FAA'IIDAYSATAY FARSAMO BEERASHO CASRI AH

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-SEP-2026

IDAACADDA 07-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-SEP-2026
September 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo