Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Yaasmiin Maxamed Kaahin ‘guurku igama hor-istaagin hammigii aan lahaa gabarnimadeydii’

admin by admin
October 15, 2014
in Arrimaha Bulshada
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Yaasmiin, seygeeda iyo wiilkooda yar/Sawir/Cumar Seerbiya

Dhaqan ahaan Soomaalida wiilasha iyo gabdhaha way kala xurmeeyaan oo badanaa waxay xoogga saaraan wax baridda wiilasha oo ay aaminsan yihiin inay nacfi u yeelan doonto qoyska, halka gabadhuna ay aaminsan yihiin in keliya loogu talo galay inay qoyska hooyo ka ahaato oo ay guriga joogto.

Gabdha laftigooda ayaa qaarkood marka ay guursadaan isaga taga shaqadii iyo waxbarashadii ay hayeen, sababo la xiriira cadaadis ay seygooda iyo qoysaskooda kala kulmaan amaba iygaoo aamina inaysan isku wada qaban karin dhammaan howlahaas.

Balse, keliya haweenka aamina inay ka adag yihiin gurigooda iyo waxbarashada iyo shaqada ayna isku qaban karaan ayaa hadafkooda meel mariya, sida Yaasmiin Maxamed Kaahin oo ah hooyo saddex  carruur ah leh, kuna  nool magaalada Hargeysa. Ka hor intii aysan guursan  waxay   qaadatay   waxbarashada  dugsiyada hoose iyo sare  ilaa ay culuumta sharciga ka bilowady jaamcadda Alpha ee  Hargeysa, sanadkeedii labaad ee jaamacadda ayay guursatay  waxayna noqotay haweenay la qabo waxbarashdiina way sii wadatay.

“Waxbarashadeyda waan sii watay  oo wax dib u dhac ah haba yaraatee iiguma imanin waxbarashada, ismaan odhan  waad guursatay ee waxbarashadii ka hadh, manaan arkaynin wax iga reebi kara, waan awoodaa inaan wada maarreeyo nolsheda”.

Yaasmiin darajadii koowaad ee jaamacadda markii ay dhammaysatay iyada oo hooyo laba carruur ah leh, haddana waxay bilowday inay shaqayso, “Subixii waan soo shaqo tagaa,kadib jaamacadda baan aadaa, markaan shaqada dhammeeyo ayaan u imaadaa carruurta iyadoo aysan wax dayac ah ku imaan,”

Waxay carruurteeda uga tagtaa marka ay guriga ka maqan tahay qaraabadeeda oo guriga kula nool, waxayna  haweenka ku dhiiri gelisay  inaanu guurku marnaba ka hor istaagin hammiga ay lahaayeen gabarnimadoodii.

Waxay aaminsantahay  in marka la eego dhaqaalaha uu qoyska magaaladu u baahan yahay ay lagama maarmaan tahay in haweenaydu  ay garab istaagto saygeeda, “Maanta waa la ogyahay  baahida dhaqaalaha ee qoys magaalo uu qabo,  ninkuna waxaa ku tiirsanaan kara  dad badan oo ehel ama qaraabo ah, marka waxii ay gabadhu soo kordhiso ee dhaqaale ah  waa muhiim  iyo faa’iido  la helay un”

Yaasmiin nasiib wanaag waxaa ku taageeray inay waxbarshadeeda ka harin saygeeda, Barkhad Maxamuud oo ay jaamacadda iska barteen oo way wada dhigan jireen “Haadii aad xaaskaaga u oggolaato in waxii ay baratay ay ku shaqayso, waxaad bulshada u oggolaatay inay  ka faa’iidaystaan cilmigii ay baratay, ubadkeedana ay uga faa`iideyso, adigana ay kugu garab istaagto nolosha qoyska.” Ayuu yiri Barkhad.

Haddaba dhaqanka Soomaalida ayaa lagu saleeyaa inuu saameyn ku yeesho in haweenka ay waxbarashadooda iyo hammigooda ay heer ka gaaraan, iyadoo goobaha xafiisyada aad arkeyso, in shaqooyinka sarsare la siiyo ragga, taasoo niyad jab ku ah haweenka.

Dhaqan yahan Yuusuf Cabdulle Cismaan oo loo yaqaanno Shaacir, wuxuu qabaa in maaddaama hadda  magaalooyinka loo soo guuray  haweenayda  la siiyo wax kasta oo xuquuq  ah  oo u beddelaya kii ay  ku heli jirtay  miyiga oo ay waxbarashadu ka mid tahay.

“Xagga dhaqanka marka laga eego, haweenku waxay saygooda ku lahaayeen in dhammaan baahideeda iyo baahida qoyskeeda iyo qaraabadeeda la damaanad qaado, balse dhaqankaasi hadda ma jiro oo haweenku dan baa ku kallifeysa inay shaqeeyaan, waana wax loo baahan yahay oo waqtigan haatan jira inay qoyskeeda caawiso waa loo baahan yahay.” Ayuu yiri Yuusuf.

Yaasmiin waxay hadda ku jirtaa waxbarashada darajada labaad ee jaamacadda ee Masterska, waxayna isku aragtaa qof wax badan  u qaban kara bulshada, waxaana hammigeedu uu yahay inay noqoto bare jaamacadeed.

Cumar Cali Xasan (Seerbiya)/FM

Previous Post

HAWEENKA QORILEY OO KA CABANAYA CISBITAAL LA’AN

Next Post

YOUNG HARGEISA MOTHER GOES FOR MASTERS STUDIES

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Yaasmiin Maxamed Kaahin ‘guurku igama hor-istaagin hammigii aan lahaa gabarnimadeydii’

YOUNG HARGEISA MOTHER GOES FOR MASTERS STUDIES

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo