Dadka ku nool tuulada Qoriley oo ka tirsan gobolka Sool oo Laascaanood u jirta 74 KM dhanka koonfureed ayaa ka cabanaya duruufo caafimaad xumo iyo deegaanka oo an lahayn gabi ahaan xarun caafimaad iyo dhaqaatiir toona.
Farxiyo Aadan oo ah umuliso dhaqameed ku sugan Qoriley ayaa Radiyaha Ergo u sheegtay in haweenka ay u dhintaan dhiig bax iyo xanuunno kale xilliga dhalmada taasoo ay sabab uga dhigtay deegaanka oo aan lahayn xarun caafimaad, qalabka loogu talagalay umulisada iyo daawo intaba.
Waxay intaa ku dartay in bishi ay ku dhalaan deegaanka 10-20 inta u dhaxaysa oo haween ah oo qaarkood ay la soo gudboonaanto xaalado halis loona qaado magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe oo mararka qaar inta wadada ay sii socdaan ay dhintaan, anigu waxaan ahay umuliso dhaqameed marka uu dhiig bax yimaaddo waxaan is iticmaala dhirta qaarkeed balse waxaa jira waxyaabo aan dhirta loo isticmaali Karin sida inay madheertu ay go’do, in haweenku u baahdaan qalliin, in ilmuhu qalloocdo iyo waxyaabo kale.” Ayey tiri Farxiyo.
Waxaan ahay hooyo haysata 5 carruur ah waxaana iga dhalisay umuliso dhaqameed marwalba oo aan uur yeesho waan walwalaa waayo mahaysano adeeg caafimaad daawo iyo waxyaabaha asaasiga ee hooyadada iyo ilmuhu u baahan yihiin sidaa waxaa Ergo u sheegtay.” Samsam Cabdiraxmaan oo ka tirsan haweenka ku nool Qorileey.
Xaaji Aadan jaamac waa oday 75 jir ah kuna nool Qorilleey ayaa Ergo u sheegay in tuuladan la aasaasay sanadkii 1966, waligeed ma yeelan xanun caafimaad, wuxuu kaloo sheegay in ay jirto dhibaato haysata dadka reer guuraaga ah ee ku nool miyiga Qorileey oo markay daawo u soo doontaan tuulada aan ka helin wax adeeg caafimaad ah.
Farxiyo Aadan ayaa sheegtay in umulisonimada uga soo bixin iskuul balse ay tahay umuliso dhaqameed aan helin tababarro ku filan, in ka bdan 20 sano ayaan umuliso ka ahay Qorileey oo haweenka danyarta ah ee aan awoodin in loo qaado magaalooyinka waawayn dhirta ayaan ku daweeyaa, way jiraan haween badan oo dhintay balse iima diiwaan gashana, markii hore reer guuraa ayaan ahaa, way jiraan dhowr tababar oo aan Garoowe iyo Laascaanood ku soo qaatay laakiin mahan kuwa wax ka iga badalaya ayey tiri.
Dadka ku nool tuulada Qorilleey noolashoodu waxay ku tiirsantahay xoolahaha nool.
Cabdikariim Cabdullaahi








