Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Wareysiga wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaliya

admin by admin
October 13, 2014
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Sawir/dad ku sugan xerayaha qaxootiga/kaydka/Ergo

Wasiiru Dowlaha wasaaradda arrimaha Soomaaliya Burci Mohamed Hamza ayaa sheegay inay qorshaynayaan in deegaannada dhawaan la xorreeyey in la dajin doono qaxootiga doonaya in ay ka soo laabtaan dalka Kenya, wasiirka oo wareysi siiyey Radiyaha Ergo ayaa sidoo kale sheegay in aan cidna lagu qasbin doonin inay ku soo noqoto  Soomaaliya gaar ahaan qaxootiga, Burci ayaa sidoo kale sheegay in uu shir looga hadalyey arrimaha qaxootiga oo ka dhacay magaalada Geneva uu ka qabygalay, Weriyaha Radio Ergo Cabduqaadir Maxamed Cabdulle ayaa ugu horreyn waydiiyey wasiirka halka ay marayaan arrimaha qaxootiga iyo dib u soo celintooda.

Burci: anigu waxaan ka qayb galay shir lagu qabtay Geneva oo looga hadlayey arrimaha qaxootiga, waxaan la kulmay wasiirka arrimaha gudaha Kenya waxaan ku heshiinay in aysan jirin cid si xoog ah lagu soo celiyo, waana isku raacnay, balse haddii Soomaalida Kenya jooga ay doorbidaan inay ku soo noqdaan dalkooda waa loo ogalyahay,  waxaa kale oo dadka shirka ka soo qaybgalay ee daneeya arrimaha qaxiitiga aan u sheegnay in meelaha la xorreeyey dib loo dhiso oo loo sameeyo iskuulo, caafimaad iyo waxyaabaha kalr ee daruuriga ah si ay dadku ugu soo noqdaan oo ay noolal u helaan, wayna ballan qaadeen in la sameeyo iskuullo, cisbitaallo iyo warshado si shaqo loo abuuro oo ay goobahaas u noqodaan bay’ad ay dadku ku noolaan karaan.

Ergo : go’aanka Kenya maxaa iska badalay wasiirka arrimaha gudaha muxuu kuu sheegay?

Burci: Wuxuu noo sheegay in mar danbe aysan dhici doonin in ay cid qasab ku celiyaan sidii horay u dhacday oo kale, arrintan waxaa sidoo kale ay Kenya ku ballan qaaday shirki ka dhacay Adis-aba ee arrimaha qaxootiga looga hadlayey.

Ergo: Madaxda UNHCR maxaad kala hadasheen? xagay bayse UNHCR ka taagantahay arrimaha qaxootiga? Ma waxay rabtaa inay dadka meesha ku hayso? Mise waxay rabtaa inay dadka soo celiso ayadoo kaashanaysa labada dowladood Soomaaliya iyo Kenya.

Burco: UNHCR waxay nala qabtaa in dib loo dhiso goobaha laga saaray Al-shabaab oo adeegyo loo sameeyo, tusaale ahaan beeraleeyda oo kale waxay soo noqon karaan marka loo abuuro beeraha oo la caawiyo waa run Al-shaab waa laga saaray deegaanno badan laakiin maxaa xiga oo laa baahanyahay waa  in la dhisaa.

Ergo: Waxaad dhawaan tagtay Baraawe maxaad ku soo aragtay?

Burci: Dadka degmadaas dega waa beeraleey iyo kalluumaysato, waxaan ku soo arkay dad diyaar u ah inay  helaan maalgalin oo magaalada laga sameeyo goobo loo dalxiiso, maadaamada Baraawe ay ku taallo xeeb qurux badan oo ku wacan dalxiiska ganacsatada waa inay sameeyaan maalgashi.

Ergo: Dowladdu waxay ballan qaaday in gargaar la gaarsiin doono maxaa ka hirgalay ?

Burci: Dadku mahan inay sugaan oo kaliya in dowladu gargaar gaarsiiso balse waxaa loo baahanyahay in ay wax qabsadaan oo ay hindise keenaan.

Cabduqaadir Maxamed Cabdulle

Previous Post

Barakacyaal codsaday in laga caawiyo hoyga

Next Post

HAWEENKA QORILEY OO KA CABANAYA CISBITAAL LA’AN

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
HAWEENKA QORILEY OO KA CABANAYA CISBITAAL LA’AN

HAWEENKA QORILEY OO KA CABANAYA CISBITAAL LA'AN

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-MAY-2026

IDAACADDA 16-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2026
May 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo