Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Shaqo noocee ah ayey dhallinyaradu doonaysaa

admin by admin
October 30, 2014
in Arrimaha Bulshada
0
Shaqo noocee ah ayey dhallinyaradu doonaysaa

Photo | Sawir/qaar ka mdi ah dhallinyarada Puntland/Cabdiraxmaan Maxmaed Xaaji/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Dhallinyarada deegannada Puntland ku nool ayaa inta badan sheegaya in ay shaqo la’aan ay hayso, iyagoo eersanaya heerka caddaaladda iyo sida shaqada loo helo Puntland oo ay sheegayaan in ay ku salaysan tahay si dhabar ka taabasho ah iyadoo shaqooyinka harayna la siiyo dad ajinibi ah iyo kuwa kale oo qurbaha laga keenay.

Balse dhallinyarada laftooda ayaa iyaguna aan qaban shaqo walba balse eeganaya shaqooyin gaar ah oo sare, taas oo aad loogu dhaliilayo, waxaa kaloo meesha ka maqan habkii ay dhalintu shaqada u raadsan lahayd oo aysan xirfad badan u lahayn,  balse su’aasha is waydiinta mudan waxay shaqo noocee ah yey dhallinyardu doonayaan.

Weriyaha Radio Ergo ee magaalada Garoowe Cabdiraxman Maxamed Xaaji ayaa dood cinwaankeedu ahaa shaqo noocee ah ayey dhallinyaradu doonayaan u qabtay qaar ka mid ah dhallinta ku sugan magaalada Garoowe.

Abshir Cabdi Yuusuf  25 sano jir ilaa heer jamacadeed ah wuxuu Ergo u sheegay in muddo ku dhow 3 sano uu shaqo raadinayey kadib markii uu dhammeeyey dusiga sare u bilaabay shaqo raadinta, asagoon aan wali shaqo helina ku dhameeyey digriiga heerka kobaad ee jamaacadda, hadda wuxuu muddo dhawr bilood ah ka shaqaynayaa xafiiska wasaaradda hawlaha guud ee maamulka Puntland ee Garoowe.

“Qofka marka uu ka soo baxo jaamacaada wuxuu doonayaa in uu helo shaqo ku haboon oo mushaar ahaan iyo magacaanba u qalanta, balse adiga oo digrii ah ama master ah kama shaqayn karitid shaqooyinka asasiga ah waayo kuuma qalmaan sidaa waxaa yiri Abshir oo ka mid ah dadkii ka qaybaglay doodda”

Sakariye Nuur Faarax  ah arday 20 sano jir ah wuxuu qabaa fikrad ka duwan midda Abshir oo ah in qofku uu qaban karo shaqo walba haddii uu waayo midda uu isagu ku haminayo, “ haddi ardaygu ka soo  baxo dusiga sare maxaa u diidaya in u qabto shaqooyinka asaasiga ah sida harqaanka, kaashiyeer in uu noqod, in ka qaybgalo dhismaha sida wadooyinka iyo guryaha, in uu iibiyo tukaamada iyo xirafadaha kale ee gacanta lagu qabto, ma jiraan wax ka mamnuucaya marka shaqo la’aan kama jirto Puntland ee dhallinyarada waxaa ku jira qab iyo in ay durba meel sare ka shaqo billabaan.” Ayuu  yiri.

“Tusaale haddii arday ka soo baxay jaamacadda ama dugsiga sare aad ku tiraahado kaalay aan shaqo u doonano shirkadaha dhismaha ama makhaayadaha wuuba kugu qoslayaa asagoo oranaya aniga oo ka soo baxay waxbarashada sare sideen u qaadaa badeel iyo ciid, marka sidee buu rabaa in uu shaqo ku helo qofka noocaas ah, waayo dadka oo dhami wasaarad iyo hay’adda sare kama wada shaqayn karaan waxaa loo baahan yahay caqli.” Ayuu Zakariye

Abshir ayaa sheegay in dhallinyaradu ay qaabab kala duwan ku raadsadaan shaqooyinka, hase ahaatee waxaa jira cadaalad darro ah in hay’adaha  shaqaalaysiiya dadka inaysan qofka aqoontiisa ku qaadan bale ay jirto dhabar ka taabasho, tusaale haddii uu qof kugu jiro dowladda, hay’adaha ama qof la xushmeeyo oo dadka helkaada ah uu la hadlo hay’adda oo u dhoho qofkan shaqada hal siiyo waa hubaal waa lagu qorayaa shaqada, laakiin marka shaqada la soo dhajiyo haddii aad codsato way adag tahay in aad hesho marka waxaan ula jeedaa cadaaladd darro ayaa jirta maadama qofka aqoontiisa aan lagu qaadan.

Zakariye oo ka jawaabayey su’aad ahayd dhallinyarada asxaabtaada ah tiro intee leg baa ka qabata shaqooyinka asaasiga? ayaa yiri.” Waxaan oran karaa 4% waa tiro yar marka laba babarrdhigo tirada dhallinyarada Puntland. Ma garanayo marka shaqo la’aanta ay sheegayaan dhallinyardu balse way jirtaa shaqo yaraan, “maalin walba waxaa la qabtaa kulmo dhallinyarada looga wac galinayo tahriibka waxana la dhahaa tahriibka waa mamnuuc lama ogala balse ma jiro qorshe kale oo dhallinta lagu qanciyo oo laga dhaadhiciyo in shaqooyinkan ay qabtaan oo wadanka khayraadkiisa la fahansiiyo” Ayuu ku daray hadalkiisa.

Waxaan soo jeedin lahaa in dhallinyarada ka soo baxaya jamaacadaha iyo dugsiyada sare ee tahriibaya in loo sameeyo barnaamijyo lagu badali karo miskaxdoooda iyo talaabooyinka khaldan oo ay ku kacayaan, dhallinyarada waxaan leeyahay hoos u eega shaqooyinka hoose waa lama huraan iskana daaya hamiga sare waa wakhti iyo tayo dhumis.

Cabdiraxmaan Maxmaed Xaaji/FO

Previous Post

Sheekada Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo ah naafo labada gacmood go’an kan qalinjabiyey jaamacadda

Next Post

Cadaado: 50 carruur ah oo ka faa’idesaneysa waxbarasho bilaash ah

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Cadaado: 50 carruur ah oo ka faa'idesaneysa waxbarasho bilaash ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo