Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

WAREYSI: AABBE AY LABA CARRUUR GAAJO UGA GEERIYOODEEN BUULOBURTE

admin by admin
June 10, 2014
in Cunto-Yaraanta
0
WAREYSI: AABBE AY LABA CARRUUR GAAJO UGA GEERIYOODEEN BUULOBURTE
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Cabdi Cabdullaahi Cabdulle oo haatan ku sugan magaalada Beledweyne, wuxuu kasoo barakacay degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan oo ay ka jirto xaalad cunno yaraan aad u daran, iyadoo waddooyinka degmada soo galana ay xiran yihiin, Cabdi waxaa gaajo uga geeriyooday laba carruur ah oo uu dhalay, arrintaas ayuuna Ergo uga warramay.

Cabdi: Waxaan kasoo barakacay magaalada Buuloburte oo 115km u jirta magaaladan Beledweyne, lug ayaan ku imid halkan aniga iyo saddex carruur ah oo aan dhalay, markaan Buuloburte joogay waxaa iga dhimatay laba carruur ah oo mataano ah, isla markaana sanad jir ahaa.

Ergo: Labada carruur ah maxay u dhinteen?

Cabdi: Gaajo ayay u dhinteen, magaalada ayaad aadeysaa, waad soo laabaneysaa adigoon waxba wadin, wax raashiin ah oo magaalada yaalla malaha, shaqadaan ka shaqeyn jirayna way joogsatay, biyo oo keliya ayaa ilmaha la siin jiray, marka biyana kuma noolaan karaan.

Ergo: Maxaad ka shaqeyn jirtay?

Cabdi: Dhagax-jebin ayaan ka shaqeyn jiray, wayse joogsatay sababtoo ahdad iibsanaya malaha oo  gawaari dhagaxaanta qaadda oo magaalada soo gasha malaha, marka aniga carruurta inta socon karta ayaan soo kaxaystay.

Ergo: Ma carruur kale ayaad kasoo tagtay?

Cabdi: Haa, shan gabdhood iyo hal iyo wiil iyo hooyadood, iyagoo ay gaajo hayso oo aan socon karin baan kasoo tegay, si aan u badbaadiyo inta socon karta.

Ergo: Buuloburte aad bay uga fogtahay Beledweyne, sidee adiga iyo carruurta saddexda ah aad kusoo gaarteen halkan, xaggeed cunto uga heleysay carruurta?

Cabdi: Intaan waddada soo soconnay waxaan kolba tuugsanayay dadka naga roon, iyagana waxay haystaan way na siinayeen, markaan Beledweyne wax yar usoo jirno ayuu gaari dhexda naga soo qaaday.

Ergo: Meeqo maalmood ayaad soo lugeyneysay?

Cabdi: Saddex maalin iyo saddex habeen oo xiriir ah ayaan soo lugeynayay.

Ergo: Hadda noloshaada ka warran?

Cabdi: Hadda dadka unbaa wax na siiya, ugu yaraan wax aan cunno waan helnaa hadda.

Ergo: Ka warran carruurtaad uga soo tagtay Buuloburte, maka warqabtaa?

Cabdi: Way iska dhibaateysan yihiin, $20 oo wiil uu i siiyay ayaan u diray, laakiin waxba umaba goyneyso haddey wax ku iibsadaan xitaa.

Ergo: Ma jireen dad kale oo ka qaxay magaalada?

Cabdi: Haa, haddaan qiyaaso ilaa 3,000 oo qof ayaa ka baxay Buuloburte, dadka qaar ayaa ilaa Muqdisho aaday, kuwaa sideydoo kale Beledweyne usoo lugeeyay, qofkii socon kara wuu soo baxayay.

Waxaa wareystay Maxamed Cusmaan Makaraan/FM

Previous Post

Webiga Shabeelle oo ku fatahay Jowhar iyo Balcad

Next Post

MORE PEOPLE TESTING FOR HEPATITIS B AFTER AWARENESS CAMPAIGN

Related Posts

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 5, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
Next Post
XAQUUQ LA’ANTA HAWEENKA DHIBAATOOYINKA LOO GEYSTO

MORE PEOPLE TESTING FOR HEPATITIS B AFTER AWARENESS CAMPAIGN

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-JUN-2026

IDAACADDA 07-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUN-2026
June 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUN-2026
June 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo