Qoysas dhowr ah ayaa ku qasbanaadey inay ka qaxaan guryahooda oo jiinka webiga ku yeel kadib markii webiga Shabelle uu ku fatahay tuulooyin ka tirsan gobolka Shabeelada Dhexe. Meelaha ugu daran ee uu webigu ku fahatay waxaa ka mid ah degmooyinka Jowhar iyo Balcad oo daris ah.
Dad ka badan 250 qoys ayaa ka qaxay tuulada Xawaadley oo ka tirsan degmada Jowhar oo kali ah. Tiro kale oo qoysas ahna waxa ay ka qaxeen tuulooyin dhowr ah oo degmada Balcad ka tirsan, sida uu raadiyoow Ergo u sheegay gudoomiyaha degmadaas Maxamed Maxamuud Maxamed.
Roobku waxa uu sidoo kale burburiyay guryo iyo dhul beereed baaxad weyn oo ku dhawaa webiga. Gudoomiyaha Degmada Balcad waxaa kale oo uu sheegay in qoysas ka badan toban kun oo qoys ay ku go’doonsan yihiin tuulooyin degmada ka tirsan oo ay daadadku gooyeen.
Weriyayaasha Ergo waxa ay soo sheegayaan in dad daadadka ku dhintay aan weli la sheegin, laakiin dadka barakacay badidood ma heystaan hoy iyo cunto. Dadkaas qaarkood waxa ay ku beerayaan dadka horey ugu barakacay degmooyinka Jowhar iyo Balcad ee ku nool xeryaha labadaa degmo ku yaal.










