Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

DADKII KA BARAKACAY DEEGAANKA TALEEX OO AY XANUUNNO LASOO DARSEEN

Radio Ergo by Radio Ergo
December 9, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankDadkii dhowaan ka barakacay dagaalladii ka socday degmada Taleex ee gobolka Sool una barakacay tuulada Xalin oo 30km u jirta Taleex ayaa waxaa lasoo dersay xanuunno.

Barakacayaashan oo tiradoodu ay gaareyso 4350 qoys, ayaa waxay daadsan yihiin bannaannada, halka qaarkoodna ay maryo ka dhigteen hoy, sida uu Ergo u sheegay Xuseen Cabdi Maxamuud oo ah guddoomiyaha tuuladaasi Xalin.

“Dadkan nagu soo kordhay ma heystaan hoy, dhulkuna waa qabow, dadkna markii ay tuuladu qaadi weyday waxaan u qeybinnay tuulooyinka kale oo ay ka mid yihiin Afgooye, dooxooyinka, beeraha, Xeerta xalmeed iyo meelo kale., waxaan codsaneynaa in dadkan dhibaateysan wax loo qabto” Ayuu yiri Xuseen.

Dr Siciid Kaahin Shire oo ka tirsna howlwadeennada hay`adda Bisha Cas oo booqday deegaanka Xalin ayaa sheegay in xanuunnada ku dhacay barakacayaashan ay ka mid yihiin carruurta oo qabow iyo qufac la ildaran, cudurka Jadeecada iyo lafa xanuun dadka waaweyn ay ka sheeganayaan, qabowga jira dartiis.

Dr siciid kaahin shire oo radiyaha ergo lahadlay ayaa yiri waxaan tagnay meelo badan oo ka mid tahay xalin geedcali dhumay marka xanuuno badan ayay qabaan caruurtu waashumayaan waxa haya dadka qufacfarabadan ayaa haaya dadka marka hada waxaa naga dhamaatay daawadii aan wadanay, jadeeco ayaa sidookale kadilaacday deegaanka.

Aamina oo ka mid ah hooyo 29 jir ah oo leh 3 carruur ah ayaa sheegtay in mehrad yar oo shah ay ku kariso ay ku lahayd degmada Taleex, balse haatan xaaladda nololeed ay aad ugu adagtahay, oo hoy iyo cunto la`aan ay heysato.

“Dadka miyiga ka yimaada ayaa nagu caawiya wax yar oo caano ah, halkan nafteenna ayaana ula soo cararnay ee nolol kale ugu imaan” Sidaa waxaa yiri Ismahaan Saalax oo ah hooyo 8 carruur ah leh.

Aamina Xasan Muuse oo ah hooyo waayeel 60jir ah ayaa sheegtay inaysan weligeed barakicin, balse hadda dagaallada deegaankooda ka dhacay darteed ay usoo barakaceen.

Ugu yaraan toddoba qof ayaa lagu dilay, 15 kalena waa lagu dhaawacay dagaal u dhexeeyay ciidamo kala taageersan maamullada Puntland iyo Khaatumo, oo 28kii bishii November ka bilowday deegaanka Taleex. Khaatumo oo la dhisay sanadkii hore, Puntland iyo Somaliland ayaa wada sheeganaya maamulka deegaannada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Cabdikariim Olol/FM

Previous Post

Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Next Post

BEERALEYDA WARAABKA DEGMADA LUUQ OO CODSADAY IN LAGA CAAWIYO AGABKA BEERAHA

Related Posts

Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku hanti beelay colaad oo Muqdisho ku wajahaya nolol xumo

August 5, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, hoy la’aan iyo dayac ku haysta Baladwayne qoys la barakiciyay

August 3, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho

August 2, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qorshe lagu horumarinayo Muqdisho oo shaqo la’aan biday barakac iyo danyar

July 14, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 8, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

BEERALEYDA WARAABKA DEGMADA LUUQ OO CODSADAY IN LAGA CAAWIYO AGABKA BEERAHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-AUG-2026

IDAACADDA 07-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-AUG-2026
August 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-AUG-2026
August 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-AUG-2026
August 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-AUG-2026
August 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-AUG-2026
August 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo