Soomaalida sharciyada aan heysan ee ku nool Koofur Afrika ayaa ka walaacsan sii joogataankooda dalkaas oo hay’adda socdaalka u qaabilsan ay bilowday inay dad soomaali ah dib ugu celiso dalkooda.
Muwaadinkii ugu horeeyay ee Soomaali ah ayaa khamiistii laga soo masaafuriyay Koofur Afrika kadib markii Wasaarada Arrimaha Gudaha ay diiday codsi magan-gelyo doonimo ah oo uu u gudbiyay.
Muwaadinkan Soomaaliga ah oo Muqdisho lagu celiyay ayaa magaciisa lagu soo koobay Yaxye oo saddex sano ka badan ku noolaa Koofur Afrika.
Weriyaha Ergo ee Koofur Africa Cabdinaasir Sheekh Axmed wuxuu sheegay in kiiska Yaxye uu socday muddo sanado ah kahor inta aysan Guddiga Rafcaanka Qaxootiga u qaabilsan dowladda Koofur Afrika aysan go’aamin in la musaafuriyo lix bilood ka hor.
Saddex bilood ayuu Yaxye ku xirnaa xarunta masaafurin-sugayayaasha Koofur Africa oo la yiraa Lindela oo ku taal magaalada Johannesburg. 7 qof oo kale oo Soomaali ayaa weli ku xiran xaruntaas oo ay ku sugayaan in dib loogu celiyo Soomaaliya.
Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Koofur Afrika Caamir Sheekh wuxuu sheegay in dib u celinta Soomaalida ay la xariirtu dowladda oo aaminsan in Soomaaliya nabad tahay, oo ay dowlad rasmi ahna leedahay, sidaas darteed dadkeedu mudan yihiin in dib loo celiyo.
Tirada kordhiisa ee Soomaalida iskood u noqonaya ayey dowladda Koofur Afrika daliil uga dhigtay in Soomaaliya ay tahay meel dadkeedu ku noqon karaan. Laakiin Caamir Sheekh wuxuu leeyahay weli lama gaarin waqtigii dadka dib loo celin lahaa, isagoo dowladda Soomaaliyana ku eedeeyay in ay ku lug leedahay dib u celinta soomaalida Koofur Afrika ku nool.
Weriyaha Ergo wuxuu sheegay in Soomaali badan oo sharci la’aan ah ay ku nool yihiin Koofur Afrika oo ay ka shaqeystaan. Dadkaas waxa ay hadda ka welwelsan mustaqbalkooda sii joogitaan ee Koofur Afrika.
C/naasir Sheekh Axmed/MR