Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

BEERALLEYDA BELEDWEYNE OO XILLIGII TABCASHADA ROOBKA HORTII KA CABANAYO DHAQAALE XUMO

Radio Ergo by Radio Ergo
October 16, 2013
in Cunto-Yaraanta
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Qaar ka mid ah beeralayda Quracley/Sawir/Cabdilaahi Salad/Ergo

Beeralleyda dalagyada quut-beerasho ee beerahoodu ku yaallaan deegaannada dhinaca koonfureed ka xiga magaalada Beledweyn ayaa iyagoo isu diyaarinayo xilligii abuurka beerahooda ee deyrta ayaa dhanka kale ay kasoo baxaysaa cabasho la xiriirta dhaqaale xumo taasoo sida ay sheegayaan ay sababtay in qof waliba uu soo gaabinayo cadadki dhulka ah ee uu ka beeran jiray beertiisa xilliyadii tagey.

“Walaal beerteeydu waa weeyn tahay 16 tacab waaye, saddex tacab ayaan galleey iyo digir ku abuurtay inta kale waan awoodi waayey inaan abuurto, dhaqaale la’aan awgeed, iyadaan ku noolaa shaqo kale malahyn, ma jirto meel kale oo dakhli kasoo galo qoyskeeyga, roobkiina waakan na dultaagan magaranayo sida wax noqon doonaan” sidaa waxaa idaacadda Ergo u sheegay Yuusuf Isaaq Cabdi oo ah nin beeralley ah xilligaasna ku sugnaa beertiisa oo ku taal deegaanka Laab-dheere oo Beledweyne ka xigta 4 km dhinaca koonfureed

Khadiijo Beereed Cismaan oo ah haweeney beeraleey ah kana mid ah Iskaashatada beeraleeyda Quracleey 5km dhinaca koonfureed ka xigta Beledweyne ayaa tiri ” Beerteeyda gumar-gaal ayaa ka baxay oo iga qabsaday badankeed mana u hayo awood aan kaga nadiifiyo waan jeclaan lahaa inaan beerto laakiin tabar ayaa ii diidday”

Khadiijo oo Ergo su’aashay in beerteeda ay tacabtay fasalkii gu’ga ahaa ee ina dhaafay iyo inkale ayaa ku jawaabtay ” Haa, waan tabacay mesaggo ayaan ku beertay laakiin miro ma dhalin bal gaagaaban ayaan ka heley biyo baxadii ayaa iga gashay kadibna waan abuuray oo oon ayeey iiga gubatay ”

Beeralleydan oo badankood ah qoysas saboola, noloshooduna ku tiirsantahay dalagyadaas cunno-beerasho ee ay ku abuurtaan beerahooda ayaa gaar ahaan kuwa beerahoodu ku yaalaan deegaanada koonfur kaga beegan magaalada Beledweyne ay sheeganayaan dhibaatooyin badan oo rajo beel ka galinayo ka faa’iideeysiga roobabka la filayo.

“Annagu waxaan nahay dad tabcato ah oo carro maal ah waxaan beeran jirney dalagyada meseggada, galleeyda, digirta, bocorka iyo qaraha, biyobaxadi ayaa beerihi naga bi’isay , kadibna abuurkii aan dhiganay jirro ayaa nooga dhacday , tan iyo waqtigaas maanan helin wax kaalmo ah dhammaanteen beeraleeyda laga soo bilaabo Hellobuulo ilaa Laabki Macloow, Doonka Warahuubo, Cadaleey, Birdhiila, Bardaaleey ilaa halkan aan joogo ee Quracleey oo dhammaan dhinaca koonfureed kawada xiga Beledweyne, tuulada ugu fogna ay 15kam u jirto Beledweyne kuna yaal jiinka webiga ah waxaan u baahnaan lahayn cid naga kaalmeeyso xagga cagafta, iyo abuurka” ayuu ku warbixiyey Axmed Geelle oo ah mid kamid ah guddiga iskaashatada beeraleeyda ee deegaanka Quracleey, isagoona intaas raaciyey arrimaha amaanka oo liita inay laftigeeda tahay dhibaato ka hor taagan in sidii beeralaydaan lagu caawin lahaa.

Cabdilaahi Salaad

Previous Post

Waraysi Mr. Justin brady madaxa xafiiska ocha Soomaaliya

Next Post

Barkacayaasha Muqdisho ku qanciyaan inay dib ugu noqdaan deegaannadoodii

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Barkacayaasha Muqdisho ku qanciyaan inay dib ugu noqdaan deegaannadoodii

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-APR-2026

IDAACADDA 23-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo