
Beeralleyda dalagyada quut-beerasho ee beerahoodu ku yaallaan deegaannada dhinaca koonfureed ka xiga magaalada Beledweyn ayaa iyagoo isu diyaarinayo xilligii abuurka beerahooda ee deyrta ayaa dhanka kale ay kasoo baxaysaa cabasho la xiriirta dhaqaale xumo taasoo sida ay sheegayaan ay sababtay in qof waliba uu soo gaabinayo cadadki dhulka ah ee uu ka beeran jiray beertiisa xilliyadii tagey.
“Walaal beerteeydu waa weeyn tahay 16 tacab waaye, saddex tacab ayaan galleey iyo digir ku abuurtay inta kale waan awoodi waayey inaan abuurto, dhaqaale la’aan awgeed, iyadaan ku noolaa shaqo kale malahyn, ma jirto meel kale oo dakhli kasoo galo qoyskeeyga, roobkiina waakan na dultaagan magaranayo sida wax noqon doonaan” sidaa waxaa idaacadda Ergo u sheegay Yuusuf Isaaq Cabdi oo ah nin beeralley ah xilligaasna ku sugnaa beertiisa oo ku taal deegaanka Laab-dheere oo Beledweyne ka xigta 4 km dhinaca koonfureed
Khadiijo Beereed Cismaan oo ah haweeney beeraleey ah kana mid ah Iskaashatada beeraleeyda Quracleey 5km dhinaca koonfureed ka xigta Beledweyne ayaa tiri ” Beerteeyda gumar-gaal ayaa ka baxay oo iga qabsaday badankeed mana u hayo awood aan kaga nadiifiyo waan jeclaan lahaa inaan beerto laakiin tabar ayaa ii diidday”
Khadiijo oo Ergo su’aashay in beerteeda ay tacabtay fasalkii gu’ga ahaa ee ina dhaafay iyo inkale ayaa ku jawaabtay ” Haa, waan tabacay mesaggo ayaan ku beertay laakiin miro ma dhalin bal gaagaaban ayaan ka heley biyo baxadii ayaa iga gashay kadibna waan abuuray oo oon ayeey iiga gubatay ”
Beeralleydan oo badankood ah qoysas saboola, noloshooduna ku tiirsantahay dalagyadaas cunno-beerasho ee ay ku abuurtaan beerahooda ayaa gaar ahaan kuwa beerahoodu ku yaalaan deegaanada koonfur kaga beegan magaalada Beledweyne ay sheeganayaan dhibaatooyin badan oo rajo beel ka galinayo ka faa’iideeysiga roobabka la filayo.
“Annagu waxaan nahay dad tabcato ah oo carro maal ah waxaan beeran jirney dalagyada meseggada, galleeyda, digirta, bocorka iyo qaraha, biyobaxadi ayaa beerihi naga bi’isay , kadibna abuurkii aan dhiganay jirro ayaa nooga dhacday , tan iyo waqtigaas maanan helin wax kaalmo ah dhammaanteen beeraleeyda laga soo bilaabo Hellobuulo ilaa Laabki Macloow, Doonka Warahuubo, Cadaleey, Birdhiila, Bardaaleey ilaa halkan aan joogo ee Quracleey oo dhammaan dhinaca koonfureed kawada xiga Beledweyne, tuulada ugu fogna ay 15kam u jirto Beledweyne kuna yaal jiinka webiga ah waxaan u baahnaan lahayn cid naga kaalmeeyso xagga cagafta, iyo abuurka” ayuu ku warbixiyey Axmed Geelle oo ah mid kamid ah guddiga iskaashatada beeraleeyda ee deegaanka Quracleey, isagoona intaas raaciyey arrimaha amaanka oo liita inay laftigeeda tahay dhibaato ka hor taagan in sidii beeralaydaan lagu caawin lahaa.
Cabdilaahi Salaad









