Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Barkacayaasha Muqdisho ku qanciyaan inay dib ugu noqdaan deegaannadoodii

Radio Ergo by Radio Ergo
October 16, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankXilligan waxaa jira qorshooyin ay wadaan aqoonyahanno Soomaaliyeed oo doonaya sidii dib loogu celin lahaa dadka ku firirsan xerooyinka barakaca ee magaalada Muqdisho.

Aqoonyahannadaan ayaa wada kulamo loga arrinsayo xaaladda barakacayaasha, kulamadaan oo muddooyinkii la soo dhaafay ka socday magaalada, waxaana arrinta ay salka ku haysaa in aan loo deyn keliya hay’adaha iyo horjoogayaasha balse wax garadka ay kaalin ka qaataan howsha ah in barakacayaasha dib loogu celiyo deegannadoodii.

Pro Ibraahim Muuse Heerow oo macallin ka ah Michigan University oo ku taal waqooyiga America kana dhiga cilmiga arrimaha bulshada oo ka mida aqoonyahannada isu xilqaamay howshan ayaa u sheegay Raadiyaha Ergo in dadkan ay yihiin kuwa la kulmay dhibaatooyin badan haddana ay ku bad baadeen balse xilligan ay muhiim tahay in dadka la celiyo oo dib u bilaabaan noloshoodii “Dadku waxay u baahn yihiin in noloshooda u madax banaannaadaan si ay ula soo laabtaan noloshooda”.

Xerooyinka ugu waaweyn ee dadka barakacayaasha ay ku nool yihiin ee ay aqoonyahanaddu kala hadleen qaarkood waxaa kamida xerada Badbaado iyo Rajo halka qaar kalana ay ku nool yihiin dhul ballaaran oo ah duleedka magaalada Muqdisho sida Tabeelaha Sheekh Ibraahin, Asluubta Ex control Afgooye iyo hareeraha Jaamacaddii Gahar iyo Umadda.

Aqoonyahannada waxa ay sheegeen in arrintan ay ku doonayaan in dadka loo abuuro xirfadihii ay lahaayeen sida beeralleyda, halka kuwii xoolaha lahaana laga taageeri doono xoolihii sida ariga geela iyo lo’da, halka qaarka kalana la doonayo in laga taageero ganacsiyo in loo abuuro sida uu sheegay Pro Ibraahim Muuse Heerow waxa uu intaasi ku daray in dhalinyarada loo abuurayo xirfado sida xirfadaha gacanta.

Xildhibaan Cismaan Mukhtaar Miirow oo ka tirsan baaralamaanka Soomaaliya ayaa yiri “Muddo ayaan isha ku haynay nolosha dadkaan,, waxaanan aragnay inaan laga run sheegayn, xaaladoodana aan si dhab ah loo wajahayn, ayna hortaagan yihiin horjoogayaal, taasaana hadda keentay in wax garadka iyo dakda barakacayaasha metela ay kawada hadlaan sidii dib loogu celin lahaa oo aysan ku noqon xeryaha dhibbanayaal”

Haddaba xilligan ma jirtaa tiro sax ah oo lahayo tirakoobka barakacayaasha xerooyinka Muqdisho wuxuu sheegay in xilligan ay si sax ah kaga hordhacayn laakiin ay doonayaan in dadka sawirro laga qaado lana buuxiyo forms taasina ay keeni doonto in lahelo tirada saxda ah waxa uuse sheegay in ay jiraan caqabada badan sida barakacayaasha oo dadka ka dhigtay meel in ay ku noqdaan la haystayaal marka gargaar la keenana ay horjoogayaashu yihiin kuwa faa’idada ugu badan ka hela iyagana aysan wax buurani gelin gacantooda ayuuna hadalkiisii ku soo gebagebeeyey Prafisoor Xeebow .

Arrintan waxay tahay sababaha soo dadajiyey xilligan in aysan jirin abaaro oo labadii fasal ee la soo dhaafay oo dhulkoodii nimca ahaa islamarkaana aysan jirin wax abaara ah oo xilligan jira “Xilligan beerihii aad bay u fiicanyihiin oo waxaa soo go;ay khayraad badan, sidoo kale nacfiga xoolaha laga helaa marka sidaasi ayaa muhiim u tahay in dadka la soo celiyo ayna soo saartaan kheyraadka dhulkooda.

Abdulkadir/MH

Previous Post

BEERALLEYDA BELEDWEYNE OO XILLIGII TABCASHADA ROOBKA HORTII KA CABANAYO DHAQAALE XUMO

Next Post

Dhallinyaro barakacayaal ah oo ganacsiyo ka abuurtay Muqdisho

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Dhallinyaro barakacayaal ah oo ganacsiyo ka abuurtay Muqdisho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-APR-2026

IDAACADDA 23-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo