Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhallinyaro barakacayaal ah oo ganacsiyo ka abuurtay Muqdisho

Radio Ergo by Radio Ergo
October 17, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankQaar ka mid ah dhallinyarada deegaannadooda kasoo barakacay ee ku nool xeryaha Muqdisho ayaa ganacsiyo yar-yar oo ay noloshooda ku dabaraan ka sameystay magaalada.

Maxamed Sheekh Dhaayaw oo ah aabbe saddex caruur ah leh oo ku nool xerada Alla Amiin ee ku taal degmada Dharkeynley ayaa ka mid ah dhallinyaradaas barakacayaasha ah ee ganacsiyada ka sameystay magaalada, isagoo alaabaha lagu xarragoodo ku iibiya waddooyinka magalaada Muqdisho.

Maxamed oo 22 sano jir ah wuxuu kasoo qaxay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose sanadkii 2011 abaarti dalka ku dhufatay awgeed, isagoo sanadihii uu ku cusbaa Muqdisho ku tiirsanaa gargaarka cuntada ah oo ay bixiyaan hay’adaha gargaarka.

“Sanadkan ayaan go’aansaday in aan ka maarno ku tiirsanaanta cuntada ay hay’aduhu bixiyaan, wiil aan saaxiibo nahay ayaana igu dheeri-geliyay in aan bilaabo ganacsiga waratada iyo wareejinta ah alaabaha,” Maxamed ayaa sidaas raadiyoow Ergo u sheegay.

Maxamed wuxuu hadda jidadka Muqdisho ku iibiyaa alaabaha lagu xarragoodo sida saacadaha, ookiyaalaha qoraxda iyo dahaarka telfoonada gacanta.

“Waxaan ganacsigan ku bilaabay lacag 400,000 So Shilin ah oo u dhiganta $20, waxaana hadda ka helaa inta u dhaxeysa $5 ilaa 10 doolar maalin walba,” ayuu yiri Maxamed. Si kastaba, wuxuu intaa ku daray in shaqadiisa ay ku tiirsan yihiin saddexdiisa carruurta ah, xaaskiisa iyo labadiisa waalid oo xerada kula nool.

Si kastaba, ma ahan qof keli ah ee xeryaha magaalada Muqdisho ku nool oo haddana ganacsigaan ku tiirsan.

Xasan Mustafa oo 18 sano jir ah wuxuu Baydhabo kasoo qaxay isla sanadkii 2011-ka oo abaarahu sida daran u saameeyaan gobolada Bay iyo Bakool. Wixii markaa ka dambeeyay wuxuu ku noolaa xerada Badbaado ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu dhawaan ku aqal-galay.

Xasan wuxuu raadiyoow Ergo u sheegay in nolosha xerada oo ku adkaatay iyo masuuliyada culus ee uu qaaday awgeed uu ku qasbanaaday inuu la yimaado hab uu uga maarmo ku tiirsanaanta cuntada kooban ee laga baxsho xerada. Si la mid ah Maxamed, wuxuu Xasan bilaabay inuu saacadaha, ookiyaalaha qoraxda iyo dahaarka mobile-da uu ku iibiyo waddooyinka magaalada.

“Jumlo ahaan ayaan uga soo iibsadaa dukaamada waa weyn, kadibna tafaariiq ahaan ayaa ugu iibiyaa waddooyinka magaalada Muqdisho. maalin walba $20 doolar ayaa ka faa’iidaa, taasna nolosheyda ayey wax weyn ka badashay,” ayuu yiri Xasan.

Cabdulqadir Cabdulle/MR/MRS

Previous Post

Barkacayaasha Muqdisho ku qanciyaan inay dib ugu noqdaan deegaannadoodii

Next Post

Gobolka Bay oo roobabkii dayrta ka ay bilowdeen iyo barakacayaasha oo codsaday bacaha roobka laga dugsado

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Gobolka Bay oo roobabkii dayrta ka ay bilowdeen iyo barakacayaasha oo codsaday bacaha roobka laga dugsado

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-APR-2026

IDAACADDA 23-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo