Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waraysi Mr. Justin brady madaxa xafiiska ocha Soomaaliya

Radio Ergo by Radio Ergo
October 14, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankWaxaa ku yaal magalada Hargeisa xeryo ay ku jiraa dad barakacayaal ah, kuwaasoo mudo tobanaan sano ah qaarkood halkaas ay ku nool yihiin, hay’adda qaxootiga qaramadda midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in guud ahaan gobolada Soomaaliladn 85 kun oo qof ku yihiin barakacayaal halka Hargeisa ay ugu badan yihiin tirade barakacayaasha ku sugana ay ku sheegtay 45 kun oo qof oo ah tirada ugu badan marka loo eego magaalooyinka kale, haddaba arrimahaan iyo sida dadkaan wax loogu qaban karo ayaan ka waraysanay madaxa xafiiska xiriiriya arrimaha gargaarka Soomaaliya ee OCHA, Mr. Justin Brady marka horena waxaan waydiinay xaalada guud ee dadka barakacayaasha eek u sugan Somaliland gaar ahaan Hargeisa?

Barakacayaasha ku sugan Somaliland annagoo kala shaqlaynayna hay’adda UNHCR iyo maamulka Soomaaliland ayaan doonaynaa inaan u helno xal waara, sida in dibu dejin loo sameeyo, iyo in ay ka mid noqdaan bulshada oo aysan ahaan dad ku jira xeryo barakaca, gaar ahaan barakacayaasha ku jira xerada Maxamed Mooge oo ku taal magalada Hargeysa, muhiimaduna waa in loo helo hab sugan oo arimahan loo wajaho oo ay ka mid yihiin in ay helaan aasaasiyaadka nolosha gaar ahaan goobaha la donayo in dib loo dejiyo.

Su: Sidee noqonayaa dibu dejinta xerada Maxamed Mooge dadka ku jira, dhulka la dejinayaase waa mid intee ka fog magalada, haddiise la dejiyo goob durugsan sidee ku soo gaarayaan magalada oo badi ay ka xoogsadaan?

Waxa jira hanaan muddo soo jiray, inkastoo guud ahaan arrimaha dhulka Soomaaliya ka yahay dhibaato, siiba goobaha la donaya in dibu dejin loogu sameeyo barakacayaasha, sida qorshayaasha dibu dejineed ee ka socda Muqdisho ama Garoowe ama meelaha kale ayey kuwaanina la mid yihiin.

Su: Ma jirta qorshe aad ugu tala gasheen wakhtigaan oo lagu jiro xili roobaadka oo aad uga hortegaysaan inay dilaacaan cudurada faafa sida shubanka, maadaama ay liidato saxada dadka barakacayaashu?

Sidaan iri waxaa jira adeegyo isku xiran oo aan dadka siino oo ay ka mid yihin caafimaadka, cunto , waxbarashada, ilaalinta iyo hoyga, waana inay dhamaan noqdaan kuwaani qorshayaal leh xal waara iyo xal la fahmi karo, WFP waxay wadaa qorshe ay cunto nafaqo leh ku gaarsiinayso, sidoo kale hay’addaha dhinaca caafimaadka ayaa iyana kala shaqaynaynaa sidii ay arrimahaan caafimaadka wax uga qaban lahaayeen wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliland ayaa iyana hawlo wadda kuwaasoo aan ku taageerno.

Su: Waxaa jira dhibaatoyin ka taagan dhinaca dhulka, gaar ahaan marka laga hadalayo barakacayaasha, dhulalkay degan yihiin dad ayaa iska leh, xitaa dhulalka loo rarayo dad ayaa sheeganaya, sidee marka arrintaan u wajahaysaan?

Waa run, arrinta dhulka ma ahan arrin dhibkeeda u taal qaramadda midoobay iyo hay’adaha kale ee la hawl gala, waa arrin hawsheeda ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed, waana arrin looga bahan yahay in maamuladu ay kala hadlaan dadka iyo hogaamiyayaasha bulshada si ay isula meel dhigaan dhul aan marna muran geli karaan oo ilaa 10 sano iyo ka badanba ay dadkaani deganaan karaan, dhibaatada dhulkuna waa jirtaa, oo hada soona K ee Muqdisho dadkii barakacayaasha ee deganaa dad ayaa yimid sheegtayna , kuna khasbay inay ka saaraan, waana arin u bahan in si hoose wax looga qabto, haddan u soo noqono dhinaca Hargeysana dadka aan qorshaynayno inaan dib dejin uga samayno xerada Maxamed Mooge si goobta la dejinayo ay bal muddo ugu sii negaadaan oo aysan dhicin in dad yimaadaan oo sheegtaan ayaa hawshaas waxaa wadda dawladda.

Qayb kale oo ka mid ah waraysigaan idacadeheena dambe ayaan idinku soo gudbinaynaa.

Maxamed Xasan – Radio Ergo

Previous Post

MAAMULKA PUNTLAND OO SHEEGAY INAY TAYEEYEEN CAAFIMAADKA XOOLAHA U DHOOFAYA XAJKA SANADKAAN

Next Post

BEERALLEYDA BELEDWEYNE OO XILLIGII TABCASHADA ROOBKA HORTII KA CABANAYO DHAQAALE XUMO

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

BEERALLEYDA BELEDWEYNE OO XILLIGII TABCASHADA ROOBKA HORTII KA CABANAYO DHAQAALE XUMO

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-APR-2026

IDAACADDA 23-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo