Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

MAAMULKA PUNTLAND OO SHEEGAY INAY TAYEEYEEN CAAFIMAADKA XOOLAHA U DHOOFAYA XAJKA SANADKAAN

Radio Ergo by Radio Ergo
October 11, 2013
in Cunto-Yaraanta
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Xoolo dhoof loo diyaarinayo oo ku jira maxjarka Aljaabiri ee Boosaso/Sawir/kaydka/Maxamed Xasan/Ergo

Dekedda Boosaaso waxaa sanadkan ka dhoofaya xoolihii ugu badnaa oo loo iib gaynayo dalalka khaliijka Carabta iyo Sucuudiga oo sanadkan kaalin hore kaga jira dalalka qaadanaya xoolaha Soomaalida, sida ay sheegtay wasaaradda xanaanada xoolaha ee maamulka Puntland.

“430.000 kun oo  neef ayaa debedda loo qaaday dhammaadkii bishii hore ilaa maalmahan carafada, xoolaha si xowli ah ayaa loo qaadanaya.” Ayuu yiri Agaasimaha guud ee xanaanada xoolaha Puntland Dr. Ibraahim Xareed Cali oo u waramay Ergo, waxaa uu intaas ku daray “Dekedda ayaa laga shaqeeyey oo la balaariyey waxaa geli kara hadda Maraakiib iyo doonyo ka badan kuwii sanadkii hore.”

Wasaaradda xanaanada xoolaha ee Puntland ayaa amaantay dadaal ay muujiyeen dadka reer miyiga ah ee gobollada, kuwaasoo kaalin wayn ka qaatay olole socday sanadihii tegay balse la dardar geliyey horraantii sanadkan laguna tallaalayey xoolaha gobollada kala duwan ee Puntland si loo xaalufiyo xanuunno halis ku ah qiimaha neefka.

“8 Milyan oo neef ayaa laga talaalay xanuunnada furuqa, Jadeecadda, iyo Sambabka 2012 ilaa 2013, waxaa isla sanadahaas si cad ah loo daaweeyey 1.3 milyan oo neef.” Ayuu yiri Agaasimaha guud, wuxuu sheegay sanadkan inaysan jirin xoolo laga soo celiyey debedda oo laga shakiyey caafimaadkooda, halka sanadihii hore ay dhici jirtay .

Ganacsatada xoolaha dhoofiya ayaa sheegay in habeen kasta ay dekedda ka baxaan ilaa 2 Markab oo debeda u qaada 30.000 kun oo neef oo adhi iyo geel u badan, “xooluhu meelo kala duwan ayey ka yimaadaan caafimaadkooda waxaa lagu hubiyaa macjarada Boosaaso.” Ayuu yiri Jaamac Cabdi oo ka mid ah ganacsatada xoolaha dhoofiya.

Agaasimaha guud ee wasaaradda xanaanada xoolaha ee Puntland waxaa uu sheegay in xoolaha dhoofaya sanadkan 50% boqolkiiba ay ka yimaadeen gobollada Puntland gaar ahaan Sool, nugaal iyo mudug oo ah meelaha ay joogaan xoolaha ugu badan, sidoo kale waxaa xoolaha sanadkan laga keenayaa gobollada Soomaalida Itoobiya, gobollada dhexe iyo Hiiraan.
“Xoolaha laga keeno meelaha ka baxsan Puntland intaysan dhoofin aad ayaan uga taxadarnaa, waan hubinnaa caafimaadkooda, waxay dekedda ka baxaan iyagoo la hubiyey.” Ayuu yiri Dr. Xareed

18.2 milyan oo neef ayaa lagu qiyaasaa xoolaha Puntland ku sugan oo u badan Geel iyo ari, wasaaraddu waxay sheegtay in sanadkan ay rajo wanaagsan ka qabaan xoolaha dhoofaya oo ku dhowaanaya ilaa 1 milyan oo neef, halka sanadkii hore ay dhoofeen 700.000 kun oo neef,  Dr. Xareed wuxuu yiri “Qorshuhu intaas waa ka badnaa sanadkan, xoolaheenna aad baa loo danaynayaa balse abaaro ayaa jiray.”

Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji/MH

Previous Post

Hayadda DRC oo dad sabool ah guryo uga dhistay Beledweyne

Next Post

Waraysi Mr. Justin brady madaxa xafiiska ocha Soomaaliya

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Waraysi Mr. Justin brady madaxa xafiiska ocha Soomaaliya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-MAY-2026

IDAACADDA 16-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2026
May 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo