Dekedda Boosaaso waxaa sanadkan ka dhoofaya xoolihii ugu badnaa oo loo iib gaynayo dalalka khaliijka Carabta iyo Sucuudiga oo sanadkan kaalin hore kaga jira dalalka qaadanaya xoolaha Soomaalida, sida ay sheegtay wasaaradda xanaanada xoolaha ee maamulka Puntland.
“430.000 kun oo neef ayaa debedda loo qaaday dhammaadkii bishii hore ilaa maalmahan carafada, xoolaha si xowli ah ayaa loo qaadanaya.” Ayuu yiri Agaasimaha guud ee xanaanada xoolaha Puntland Dr. Ibraahim Xareed Cali oo u waramay Ergo, waxaa uu intaas ku daray “Dekedda ayaa laga shaqeeyey oo la balaariyey waxaa geli kara hadda Maraakiib iyo doonyo ka badan kuwii sanadkii hore.”
Wasaaradda xanaanada xoolaha ee Puntland ayaa amaantay dadaal ay muujiyeen dadka reer miyiga ah ee gobollada, kuwaasoo kaalin wayn ka qaatay olole socday sanadihii tegay balse la dardar geliyey horraantii sanadkan laguna tallaalayey xoolaha gobollada kala duwan ee Puntland si loo xaalufiyo xanuunno halis ku ah qiimaha neefka.
“8 Milyan oo neef ayaa laga talaalay xanuunnada furuqa, Jadeecadda, iyo Sambabka 2012 ilaa 2013, waxaa isla sanadahaas si cad ah loo daaweeyey 1.3 milyan oo neef.” Ayuu yiri Agaasimaha guud, wuxuu sheegay sanadkan inaysan jirin xoolo laga soo celiyey debedda oo laga shakiyey caafimaadkooda, halka sanadihii hore ay dhici jirtay .
Ganacsatada xoolaha dhoofiya ayaa sheegay in habeen kasta ay dekedda ka baxaan ilaa 2 Markab oo debeda u qaada 30.000 kun oo neef oo adhi iyo geel u badan, “xooluhu meelo kala duwan ayey ka yimaadaan caafimaadkooda waxaa lagu hubiyaa macjarada Boosaaso.” Ayuu yiri Jaamac Cabdi oo ka mid ah ganacsatada xoolaha dhoofiya.
Agaasimaha guud ee wasaaradda xanaanada xoolaha ee Puntland waxaa uu sheegay in xoolaha dhoofaya sanadkan 50% boqolkiiba ay ka yimaadeen gobollada Puntland gaar ahaan Sool, nugaal iyo mudug oo ah meelaha ay joogaan xoolaha ugu badan, sidoo kale waxaa xoolaha sanadkan laga keenayaa gobollada Soomaalida Itoobiya, gobollada dhexe iyo Hiiraan.
“Xoolaha laga keeno meelaha ka baxsan Puntland intaysan dhoofin aad ayaan uga taxadarnaa, waan hubinnaa caafimaadkooda, waxay dekedda ka baxaan iyagoo la hubiyey.” Ayuu yiri Dr. Xareed
18.2 milyan oo neef ayaa lagu qiyaasaa xoolaha Puntland ku sugan oo u badan Geel iyo ari, wasaaraddu waxay sheegtay in sanadkan ay rajo wanaagsan ka qabaan xoolaha dhoofaya oo ku dhowaanaya ilaa 1 milyan oo neef, halka sanadkii hore ay dhoofeen 700.000 kun oo neef, Dr. Xareed wuxuu yiri “Qorshuhu intaas waa ka badnaa sanadkan, xoolaheenna aad baa loo danaynayaa balse abaaro ayaa jiray.”
Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji/MH