Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Dad la soo barakiciyay xilli ay u diyaar garoobayeen tacabka beerahooda

Jibril Osman by Jibril Osman
April 26, 2024
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Baydhabo: Dad la soo barakiciyay xilli ay u diyaar garoobayeen tacabka beerahooda
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Saddex boqol oo qoys oo barakac ku tagay magaalada Baydhabo bartamihii bishii Maarso ayaa wajahaya cunno yari, hoy xumo iyo biyo yari. Waa qoysas faro maran oo naftooda ka la soo baxsaday dagaal u dhexeeya ciidanka dowladda iyo Al-shabaab.

Waxay ku biireen xeryo magaalada ku yaala oo kuwii horay u daganaa aysan ku helin gargaar cunto iyo adeegyada waxbarashada, biyaha iyo caafimaadka.

Qoysaskan oo u badan beeraley ayaa barakacoodu ku soo beegmay xilligii ay tacban jireen beeraha. Si ay uga faa’ideystaan roobabka guga oo billowday horraantii bishan April.

Cali Maxamed Cabdi oo dadkaas ka mid ah waxay qoyskiisu degeen xerada Mubaarak. Wuxuu sheegay in waxa kaliya ee dabka ay ku shitaan tahay raashiin ay ku caawiyaan dadka xerada kula nool. Xaaladan oo kale ayuu xusay inaysan waligiis soo marin.

“Carruurta maanta wax aan u owoodo malahan. Sedex wakhti carruurta maanta uma awoodo. Hal wakhti oo dad walaal ah oo masaakiin ah iyaguba ayaa isiiya. Dhibaato iyo nolol xumo tii ugu xumed ayaa nahaysata.”

Qoyska Cali ma haystaan hoy ay ka galaan roobka Gu’ga iyo qoraxda maalinkii oo ah mid aad u kulul. Wuxuu sheegay in marka uu roob da’ayo ay galaan buushaska dadka dariskooda ah, habeenkiina ay seexdaan meel bannaan oo uu ku xeyn daabay dhir uu soo guray.

Ninkan oo ah aabbaha toban carruur ah ayaa tilmaamay in toddobaadyada uu joogo uu raadiyay shaqo xoogsi ah oo nolosha reerka uu ka dabbaro, balse wali ma helin.

Wuxuu xusay in reerkiisu ka baahan yihiin 17 loor oo ah masago ka soo hartay dalag uga soo go’ay beertiisa oo lix hiktar ah. Wuxuu goostay Dayrtii la soo dhaafay. Wuxuu qorsheynayay in qoysku sii isticmaalo illaa bisha July, markaas oo filashadiisu aheyd inay u soo ga’aan dalagyo kale oo gugan uu beerto.

Wax walba ayaa is beddalay 19 bishii Maarso, markaas oo duqeyn Iyo dagaalo goos goos ah oo ka dhacay deegaanka Ceeldhuun oo uu ku noolaa ay ku qasbeen inuu ka soo cararo beertii noloshoodu ku tiirsaneyd, raashiinkii ay cunayeen iyo hoy uu leeyahay oo ah labo qol oo baraako ah.

Nasiib darro weyn iyo waxaan niyadiisa ka go’eyn ayuu ku tilmaamay in isagoo arkaya uu ka tago wixii ugu muhiimsanaa noloshooda. Labo maalin ayay soo lugeynayeen si ay u soo gaaraan magaalada Baydhabo oo u jirta 34km.

“Markii aan deegaankeyga aan ku sugnaa nolosheena aad ayey u ficneyd beeraheena ayaan iska tacbaneyney iyo wixii masago ah badar ah oo beerta nooga baxo ayaan iska cuni jirney. wixi waa nanaga soo buriyey wax aan hayno malahan.”

Cali oo 47 jir ah uma cadda waqtiga ay ku qaadan doonto noloshan hubanti la’aanta ah. Rajadiisa ayaa ku xiran deegaankiisa oo xasilooni hela, balse qiyaas lagama bixin karo xilli dhow iyo mid fog goorta ay noqon doonto.

Qoysaska colaaddu saameysay ayaa ka soo barakacay tuulooyin ka tirsan gobolka Bay oo kala ah Kurta, Ceeldhuun, Dhurey iyo Calanka. Waxay badi degeen xeryaha Mubaarak iyo Bogey.

Ibraahim Cali Nuur oo dadkaas ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in cunno yarida iyo hoy la’aanta ay u dheer tahay helitaanka biyaha oo ay ku dhiban yihiin.

Ku dhowaad afar toddobaad oo ay ku nool yihiin xerada Mubaarak ayuu tilmaamay in biyo yari awgeed aysan ka qubeysan boorkii soo qabsaday maalin iyo bar ay soo lugeynayeen.

Biyaha oo ay dadku ka soo iibsadaan ceel gaar loo lee yahay ayuu sheegay in fuustadii oo $2 ah aysan awoodin inay gataan, taasi waxay ku qasabtay in dadka ay weydiistaan in yar oo ay u isticmaalaan cuntada iyo cabitaanka.

“Dadkaas ayaan dhahaa walaalow isii waxaan ku karsado shaaha  oo dabka wax ku saarsado. Anigu ma awooda jiirkaanka lacagta shanta kun ah ee lagu gadanayo.”

Ibraahim ayaa tilmaamay inuu ahaa ganacsade laga yaqaano tuulada Ceeldhuun oo uu ka soo barakacay, taas oo uu ku noolaa 38 sano. Halkaas wuxuu ku lahaa dukaan lagu gado raashiinka iyo bagaashka oo reerkiisu ku tiirsanaa.

Ibraahim oo ah aabbaha 12 carruur ah ayaa sheegay inay ku jireen nolol aan warwar laheyn balse ay bedeshay mid adag oo dhaxal siisay in hal waqti dabka ay ku shitaan raashiin ay dawarsi ku keento xaaskiisa oo sidoo kale maalmaha qaar qabata shaqo aan joogto aheyn oo ah dhar dhaqis ay maalinkii ka hesho $1 illaa $1.5.

Ibraahim oo 51 ji ah ayaa xusay in dukaankiisa uu maalinkii ka heli jiray $6 illaa $8. Wuxuu sheegay in gacanta uu ku hayo furihii, balse uusan tagi karin deegaankii, sidoo kalana aysan jirin cid halkaas ku hartay oo uu ka wareysto xaaladda uu ku sugan yahay.

Daruuraha madow, hilaaca iyo hugunka cirka waa astaan roobaad oo beeraleyda ku dhiiri galisa inay u qalab qaataan tacbashada beeraha, balse markan Sulub Axmed Cabdi waxay uga dhigan tahay xilli walaacu ku sii siyaado, maadaama uusan haysanba hoy uu ka galo roobka, sidoo kalana uu ka caagan yahay inuu tacbado beertiisa oo ah afar hikter, kuna taalla deegaanka Ceeldhuun oo amni darro awgeed uga soo cararay.

“Hada beertii cid xamaartey malahn. Qof abuurayo malahan, halkan ayaanba joognaa. Aad ayay murug noogu haysaa anagoo beeraley ahayn beeraheena suubsan jirney. Hadda murug baa ihaysa.”

Qoyskiisa maalintii hal waqti ayay helaan waxay cunaan, waana raashiin bisil iyo mid ceyriin oo ay ku caawiyaan dadka horay u deganaa xerada Bogey oo uu ku nool yahay.

Sulub ayaa ahaa bare Qur’aanka u dhiga 50 arday, lacag bille ah kama qaadi jirin, balse asbuuc kasta maalinka Arbacada ah waxay waalidku canug kasta ka dhiibi jireen Shan kun oo Shillinka Soomaaliga ah ($0.2).

Dhaqaalaha dugsiga ka soo gala ayuu ku dabari jiray iidaanka, balse maanta waa shaqo la’aan guri joog ah oo reerkiisu ka baahan yihiin digir iyo masago saddex loor ah oo ay uga soo tageen hoyga ay ka soo barakaceen.

“Waxaan is laheyn Baydhabo ayaa leydinku qaabilayaa oo xeryaha ayaad gargaar ka heleysaan oo nolol ka heleysaan. Markan nimid waxba ma helin, hadana qaabkan aad aragto ayaan ku nool nahay.”

Dadka ku nool xeryaha lagu barakacay ee magaalada Baydhabo inta badan ma helaan gargaar joogto ah, waxayna badi ku tiirsan yihiin shaqooyin xoogsi ah oo aan baahidooda dabooli karin.

Previous Post

Awdal: Qoysas abaar ay saameysay oo soo kabanaya markii shaqo ay ka heleen dhisme waddo

Next Post

Gedo: Reer-guuraa cashar ka bartay abaarta oo u weecday xoolo-dhaqashada casriga ah

Related Posts

Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 22, 2026
Next Post
Gedo: Reer-guuraa cashar ka bartay abaarta oo u weecday xoolo-dhaqashada casriga ah

Gedo: Reer-guuraa cashar ka bartay abaarta oo u weecday xoolo-dhaqashada casriga ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 06-OCT-2026

IDAACADDA 06-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 06-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-OCT-2026
October 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-OCT-2026
October 2, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo