Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

MIINOOYIN LAGA SAARAYO DEGMADA BALANBALLE

Radio Ergo by Radio Ergo
July 22, 2013
in Wararkii u Danbeeyay
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankMaamulka degmada Balanballe ee gobolka Galguduud oo kaashanaya hay’adda miino saarista ee Denmark ayaa ole-ole miino saaris ah ka bilaabay deegaanka Balanballe iyo tuulooyinka ku dhow dhow. Ololahan miino-saarista ee magaaladan ku taal xaduudka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa bilowday 19kii Luulyo 2013 wuxuuna socon doonaa ilaa dhamaadka bisha.

Madaxa waaxda arrimaha bulshada ee maamulka degmada Balanballe Rijaal Axmed Maxamed ayaa raadiyo Ergo u sheegay in miino saarista ay ka socoto deegaannada Balanbale iyo tuulooyinka Balli-Howd, Oodaale iyo Jiicle oo hoos yimaada degmada.

Soddon iyo shan howl-wadeen soomaali ah oo u tababaran miino saarista ayaa ka shaqaynaya deegaanadaas. Lama qiyaasi karo tirada rasmiga ah ee miinooyinka ku aasan deegaanka Balanbale oo furin muhiim ah u aheyd dagaalladii Soomaaliya iyo Itoobiya dhex maray 1977.

Rijaal Axmed Maxamed wuxuu sheegay in miinooyinka oo deegaankaas lagu aasay inta uu socday dagaalkaas ay halis weyn ku hayaan nolosho dadka iyo xoolaha deegaanka muddo 35tii sano ka badan.

Waddooyinka muhiim ah ee deegaanka Balanbale ku xira qeybaha kale ee gobolka Galgaduud ayaa ah dhulka ugu halista badan ee miinooyinka la geliyay. Madaxa waaxda arrimaha bulshada ee maamulka degmada Balanbale Rijaal Axmed Maxamed wuxuu si gaar ah u tilmaamay waddooyinka ku xira degmada Balanballe degmooyinka Guriceel iyo Dhuuso-mareeb oo muhiim u ah ganacsiga degmada.

Rijaal Axmed Maxamed wuxuu sheegay in miinooyinka ku aasan deegaanka Balanballe ay waqti dheer qaadanayso in la wada saaro laakiin ay doonayaan in ay dhimaan halista miinooyinka dhulka ku jira, lana bixiyo inta la awoodo.

“Ma hayno tiro rasmi ah iyo calaamado aan tix raacno inkastoo ay jiraan dhawr meelood oo raadadka waxyaabaha qarxa ay ka muuqdaan” ayuu yiri Rijaal Axmed Maxamed oo la hadlay raadiyo Ergo.

Dhowr jeer oo hore ayay miinooyin dad ku laayeen deegaankaas, halista ugu badanse waxaa wajaha carruurta oo si ogaal darro ah ugu ciyaara miinooyinka kadibna ay la qaraxdo.  Lix caruur ah oo ku nool dhulka miyiga ah ee degmada Balanballe ayay miino ay ku ciyaarayeen dishay saddex sano ka hor.

Maxamuud Cabdi Diirshe/MR

Previous Post

DEGMADA CEELWAAQ OO LAGA DHISAYO GAROON DIYAARADEED

Next Post

ISBITAALKA QAAXADA LAASCAANOOD OO LOO BALLAN QAADAY 12 BILOOD OO QUUDIN AH

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

ISBITAALKA QAAXADA LAASCAANOOD OO LOO BALLAN QAADAY 12 BILOOD OO QUUDIN AH

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo