
Maamulaha qeybta cudurka Qaaxada ee Isbitaalka Laascaanood Dhakhtar Cabdi Maxamed Buraale ayaa raadiyo Ergo u sheegay in damaanad-qaadka xaawalada Kaah uu socon doono muddo 12 bilood ah.
Xarunta quudinta bukaanada qaba Qaaxada ee isbitaalka Laascaanood ayaa liidatay saddexdii sano ee la soo dhaafay kadib markii hey’adda samafalka ee Sahan oo Finland degdan ay joojisay mashruuc quudin ah oo ay isbitaalka ka waday.
Wixii intaa ka dambeeyay, dhakhtar Cabdi Maxamed Buraale wuxuu sheegay in soddon iyo labo bukaan oo haween iyo rag isugu jira ee jiifa isbitaalka aysan heli jirin quudin joogto ah.
Bukaanada qaata daawada lagu dilo jeermiska dhaliya cudurka Qaaxada waxay u baahan yihiin in si joogto ah ay cunto u qaataan, si ay adkaysi ugu yeeshaan daawada oo aad u xoog badan.
Dad ka badan 150 qof oo qaata daawada qaaxada ayaa si joogto ah u yimaadda qeybta la socodka bukaanada qaba qaaxada ee isbitaalka.
Maamulaha qeybta cudurka Qaaxada ee Isbitaalka Laascaanood takhtar Cabdi Maxamed Buraale wuxuu sheegay in labaatan bukaan oo kale ay ku kordhin doonaan bukaanada jiifa isbitaalka, iyadoo uusan isbitaalku qaadi karo wax ka badan kontan bukaan awgeed.
Si kastaba, hey’adda caafimaadka aduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WHO ayaa isbitaalka Laascaanood ka taageerta daawooyinka la siiyo bukaannada qaba cudurka.
Cabdikarim Cabdullahi Olol/MR









