Mashruuc dhir loogu beerayo deegaannada maamulka Ximan iyo Xeeb ee Gobollada Dhexe ee Soomaaliya ayaa toddobaadkan laga bilabaabay deegaankaas. Mashruucan oo loo bixiyay Saxansaxo ayaa dhir ka badan shan kun oo geed ku beeri doono deegaannada Ximan iyo Xeeb inta lagu jiro sanadkan.
Dhirta ugu badan ayaa lagu beeri doonaa magaalooyinka Cadaado, Godinlabe iyo deegaannada miyiga ah ee ku dhow. Dhirta lagu abuurayo deegaannadaas ayaa isugu jirta geed miroodyo, dhirta xoolahu daaqdaan iyo kuwo harsiimo leh sida uu sheegayo weriyaha raadiyo Ergo ee magaalada Cadaado.
Maalmahan dambe maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegayay in deegaanka ay ka socoto xaalufin xoog leh oo lagu hayo dhirta oo dhuxul laga gubayo. Dadka dhuxusha gubaya ayaa u badan kooxo dhallinyaro reer guuraa ah oo shaqo la’aan haysato, kuwaas oo doonaya inay deegaanno kale iyo dibadda u suuq-geeyaan dhuxusha si ay nolol maalmoodkooda uga helaan.
Dadka ugu badan ee ku nool gobollada Galgaduud iyo Mudug waa xoolo dhaqato, xaalufinta dhirta deegaankana waxay halis ku tahay nolosha iyo mustaqbalka dadka ku nool gobollada dhexe oo ah dhul aan webiyo laheyn.
Weriyaha raadiyo Ergo ee degmada Cadaado wuxuu soo sheegayaa in dhuxulaynta dhirta oo labaatankii sano ee la soo dhaafay ka socotay gobolka Galguduud ay hoos u dhigtay daaqa xooluhu ka heli karaan deegaanka, dhul kaymo ah oo dhirta iyo daaqsinka ku caan ahaa ayaa dhirtii oo dhan laga gubay oo saxaro banaan isu badalay.
Si kastaba, mashruuca dhireynta deegaannada Ximan iyo Xeeb ayaa waxaa qeyb ka ah tababarro iyo kulamo lagu wacyi-gelinayo dadka deegaanka sidii ay u badbaadin lahaayeen dhirta oo muhiim u ah noloshooda.
Maxamuud Cabdi Diirshe/MR