(ERGO) – Maxamuud Yaasiin Maxamed wuxuu nolosha qoyskiisa uu ku dabbaraa dhaqaale uu ka hello dukaan uu hirgaliyay, markii uu ka rajo dhigay beer falashada saameynta biyo yarida ka jirta deegaankiisa Bareeda awgeed.
Qoyskiisu uu ka kooban yahay 15 qof ayaa ku tiirsan lacag $20 oo uu si joogto ah uga helo maalintii dukaankiisa.
Lacag dhan $15,000 ayuu ku bilaabay ganacsigiisa, taas oo deeq iyo deyn isugu jirtay. $10,00 oo lacagtaas ka mid ah ayuu soo deensaday, halka shanta $5000 ay siiyeen dad ay qaraabo yihiin, si uu dukaanka ugu furto bishii Maarso ee sanadkii hore
“Ganacsigaan sidii aan u bilaabay nolosha qoyska alxamdulillaah. Shaqooyin kale baan billaabay marka inaa ku darsado oo meelahaa or-ordo. Maareyn kale inaa ku kabo. Marka shaqooyin noocaas ah baan wax ka maaraystaa.”
Dukaankiisa ganacsi ayaa u fududeeyay in qoyskiisu ay ka baxaan cunno xumadii haysa, waxaana sidoo kale uu daboollay baahida waxbarasho ee carruurtiisa, kuwaas oo bil walba uu ka bixiyo $60.
Maxamuud ayaa sheegay markii ay meesha ka baxday tacbashada beertiisa uu ku qasbanaaday raadinta il kale oo uu ka maareyn karo nolosha qoyskiisa. Tobankii sano ah ee la soo dhaafay ayuu tilmaamay inuu ahaa beeraley.
Wuxuu xusay in bishii Febraayo ee 2023 uu joojiyay tacabka beertiisa, markaas oo biyo la’aan darteed uu uga khasaaray dalagii uga baxayay beerta. Noocyada khudaarta iyo timir ayuu xusay inay ugu beernaayeen, taas oo uu ku maalgeliyay $500.
Ninkan weli kama samrin beer falashada. Wuxuu rajaynayaa haddii uu xal u helo dhaqaale xumada ka hor istaagtay iyo biyo yarida in uu ku laabto beertiisa oo labo hiktar ah.
“Marka ahmiyaddeydu waxay tahay inaan beerahaygii dib u soo ceshado oo wanaajiyo oo aan ka shaqeeyo.”
Dadkaan oo ku nool deegaannada ku beegan bariga gobolka Bari waa dad nolol ahaan ku tiirsan beeraha, kalluumeysiga iyo xooloha. Laakiin, waxaa jira caqabado ay la kumayeen labadii sano ee u dambeysay, taas oo saameyn ku yeelatay nolosha qoysaskooda.
Cabdi Maxamed Bilaal iyo qoykiisa oo 6 ah waxay ka soo kabsadeen xaalad nolol-xumo ah, markii uu furtay dukaan lagu iibiyo dharka haweenka iyo carruurta bishii Luulyo ee sanadkii hore. Tan iyo waqtigaas waxay awood u yeesheen in ay saddex waqti dabka shitaan.
Cabdi wuxuu sheegay in markii ay ku adkaatay sii wadista tacbashada beertiisa uu doortay inuu baadi goobo fursado kale oo shaqo, si uu uga soo saarto masruufka qoyskiisa.
Wuxuu tilmaamay inuu ku dhiiraday ganacsiga, markii uu ka helay saaxiibadiis $200 iyo 21 ari oo uu isla bishaas ku iibiyay isku-darkooda $1500.
Wuxuu ku faraxsan yahay inuu maalin walba dukaaankiisa ka helo $35 oo ka caawisa maaraynta nolosha qoyskiisa iyo waxbarashada carruutiisa.
“Wuxuu ka beddelay nolosheena waxyalalo badan oo markii hore nagu taagnaa ayuu noo soo kaabay oo dib uga faa’iidnay inaa helno. Dharka carruurta iyo dharka kan shiidka la yiraahdo baanu ka maareynaa wixii bariiskooda ah.”
Cabdi Maxamed oo ku nool tuulada Abar-yar oo hoos tagta deegaanka Baargaal wuxuu sheegay in lacagta uu ka helo shaqdiisa ay u suuragelisay in 6 carruurtiisa ah ay ku laabtaan iskuulka oo dhaqaalo xumo darteed horay looga saaray bishii May 2023. Wuxuu ku bixiyaa waxbarashadooda $75.
Wuxuu xusay in nolosha ay ku adkaatay qoyskiisa, markii uu istaagay tacabka beertiisa oo hal hiktar. Ka hor inta uusan billaabin ganacsigaan.
Bishii Januray ee sannadkii hore ayuu sheegay inuu joojiyay tacbashada beertiisa, markii uu heli waayay biyo ku filan oo uu ku waraabiyo.
Cabdi ayaa tilmaamay in abuurkii ugu dambeeyay ee beerta ugu beernaa uu ahaa noocyada kala duwan ee khudaarta oo uu ku maalgeliyay $350.
Dadka ku nool deegaannadaan intooda badan wali si buuxda ugama soo kaban raadadkii abaarta ay ku reebtay noloshooda, inkasta oo qoysaska qaar ay ku dedaalayaan helitaanka fursado ay wax uga beddelaan duruufta dhaqaale xumo.