Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Haweenay qoyskeeda ka saartay xaaladda barakaca markii ay abuurtay fursad ganacsi

Jibril Osman by Jibril Osman
February 22, 2024
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Baydhabo: Haweenay qoyskeeda ka saartay xaaladda barakaca markii ay abuurtay fursad ganacsi

Nuurto Aadan oo dhex-taagan meheraddeeda ganacsig/Cabdullaahi Maxamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Nuurto Aadan Isxaaq iyo qoyskeeda ayaa bishii Febraayo ee sanadkan ka baxay nolosha barakacnimada. Waxaa u suuragaliyay ganacsi ay ku billowday xirmooyin xaabada dabka lagu shito ah oo ay ka heshay faa’iido fiican.

Haweeneydan oo hooyo u ah 4 carruur ah waa 43 jir. Bishii labaad ee sanadkan ayay furatay dukaan ay ku iibiso dhar iyo alaab maacuun kala duwan ah. Waxay sheegtay inay maalinle uga hesho ganacsigeeda in ka badan $20

Dhaqaalaha ka soo gala shaqadeeda ayaa isbeddel nololeed u horseeday iyada iyo qoyskeeda oo horay ugu tiirsanaa gargaarka hay’adaha oo aan jogto ahayn iyo deriska oo dhanka cunnada ka caawin jiray maalmaha uu dabkoodu damo.

“Farxadda hadda aan qabo markii aan imaanayey maqabin. Illeen qof markii qof wallaalkii waxsiiya mooyaane wax kale aan cuneynin iyo qof hadda gacantiisa xur noqotey oo qofkii walaal ah oo u imaada wax siinaya isku mid maahan. Saddexda waqti ayaan wax karsadaa allaah ayaan ugu mahdinaa ugana shukrinaa.”

Labo kamid ah carruurteeda ayaa dhigta fasalada 10 iyo 9 ee dugsiga sare, halka labada kale ay dhigtaan fasalka 6 ee dugsiga dhexe ee iskuulka Al-abaaro. Waxay bille ugu bixisaa dhamaantood $40. Waxay guri isku go’an ka kireysatay xaafadda Bardaale ee magaalada Baydhabo.

“Hadda heer waxa lamarayaa in aan  walashey aan caawiyo. Guri kiro ah in aanan ka bixiyo, anigana aan dago kro iskuulkana iska bixiyo. Ilaahey ayaa ii yeeley waana uga mahad naqaa waana ugu shukrinaa.”

Saygeeda oo 51 jir ah ayay sheegtay inuusan shaqaynin. Wuxuu saddex sano la nool yahay cudurka sonkorta sidaas darteed waa bukaan socod aan awoodin inuu xoogsi tago.

Guusheeda waxay u soo martay turun-turooyin iyo caqabado is xig xigay. Muddo shan sanno ah ayay ku jirtay dedaal ah inay ka guurto xerada Mubaarak oo ay ku noolayd inta aysan soo macasalaamayn ka hor.

Haweeneydan ayaa xaabo u dooni jirtay deegaan shan km u jira xerada ay degganayd. Waxay xustay inay maalmaha qaar soo noqon jirtay iyada oo daallan. Waxaa ku adkaa inay maalinle u xoogsi tagto. Daqli u dhaxeeyay labo ilaa afar doollar ayay ka heli jirtay maalintii.

Lacagtaas ayaan aheyn mid ku filan, hase yeeshee waxay isku hawli jirtay inay u tashiisho sida ugu habboon iyagoo u baahan si ay dhigaal u samayso. Waxay ka warramaysaa sida ay halkan ku soo gaartay.

Nuurto ayaa geeddi dheer u soo gashay inay samaysato il dhaqaale oo ay ku maarayso nolosha qoyskeeda. Waxay sheegtay inay habeeno badan iyada carruurteeda ay soo qadeen si ay isku filnaan dhaqaale u gaaraan.

Qoyska haweeneydan ayaa ku xoolo beelay abaartii 2017 saameysay deegaankii ay ku nooleyd, Waxay tilmaamtay inay ku waayeen 20 ari ah iyo shan neef oo lo’ ah oo ay ku dhaqanayeen Tuulada Shibeele oo hoos taga degmada Bardaale ee gobolka Bay oo qiyaastii 58 km u jirta Baydhabo. Nuurto ayaa hadda billowday qorshe ay dib xoolo ugu gadanayso faa’iida ay ka hesho ganacsigeeda.

Nuurto ayaa sheegtay in nolosha barakacnimada dadka ay ka dhaxlaan niyo jab iyo inaysan wax dedaal ah samayn. Waxay xustay inay keliya sugaan deeqaha samafalka oo aan baahiyahooda wada dabooli karin.

Haweeneydan ayaa tilmaamtay iyadoo ay jiraan duruufahaas in haddana isbeddel laga miro dhalin karo. Nuurto hadda xeradii ay ka soo baxday waxay ka tahay qof tusaale nool u ah. waxay isku hawshaa inta karaankeeda ah inay caawiso dadkii ay xerada barskaca wada deganaan jireen.

Previous Post

Bari: Beeraley u weecday ganacsiga markii beerahooda ay ka soo kaban waayeen biyo yari

Next Post

Sanaag: Danyar loogu deeqay qalab kalluumeysi oo ka soo kabanaya nolol-xumo

Related Posts

Qoysas ku xarooday Burco markii casharo xanuun badan ay ka barteen roob la’aanta
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku xarooday Burco markii casharo xanuun badan ay ka barteen roob la’aanta

October 23, 2026
Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi

October 21, 2026
Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga

October 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku cusub xeryaha Dhadhaab oo wajahaya nolol xumo iyo gargaar la’aan

October 19, 2026
Xoolo-dhaqatada Shabeellaha dhexe oo iska bixinaya dayn ay qaateen xilligii abaarta
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqatada Shabeellaha dhexe oo iska bixinaya dayn ay qaateen xilligii abaarta

October 16, 2026
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: In ka badan 100 qoys oo nolol adag uu galiyay bacaadka saamayn ku haya

October 15, 2026
Next Post
Xilliga bad-xirranka oo saamayn ku yeeshay nolasha kalluumaysatada xeebaha Puntland

Sanaag: Danyar loogu deeqay qalab kalluumeysi oo ka soo kabanaya nolol-xumo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-OCT-2026

IDAACADDA 22-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-OCT-2026
October 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-OCT-2026
October 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-OCT-2026
October 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-OCT-2026
October 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-OCT-2026
October 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo