(ERGO) – Nuurto Aadan Isxaaq iyo qoyskeeda ayaa bishii Febraayo ee sanadkan ka baxay nolosha barakacnimada. Waxaa u suuragaliyay ganacsi ay ku billowday xirmooyin xaabada dabka lagu shito ah oo ay ka heshay faa’iido fiican.
Haweeneydan oo hooyo u ah 4 carruur ah waa 43 jir. Bishii labaad ee sanadkan ayay furatay dukaan ay ku iibiso dhar iyo alaab maacuun kala duwan ah. Waxay sheegtay inay maalinle uga hesho ganacsigeeda in ka badan $20
Dhaqaalaha ka soo gala shaqadeeda ayaa isbeddel nololeed u horseeday iyada iyo qoyskeeda oo horay ugu tiirsanaa gargaarka hay’adaha oo aan jogto ahayn iyo deriska oo dhanka cunnada ka caawin jiray maalmaha uu dabkoodu damo.
“Farxadda hadda aan qabo markii aan imaanayey maqabin. Illeen qof markii qof wallaalkii waxsiiya mooyaane wax kale aan cuneynin iyo qof hadda gacantiisa xur noqotey oo qofkii walaal ah oo u imaada wax siinaya isku mid maahan. Saddexda waqti ayaan wax karsadaa allaah ayaan ugu mahdinaa ugana shukrinaa.”
Labo kamid ah carruurteeda ayaa dhigta fasalada 10 iyo 9 ee dugsiga sare, halka labada kale ay dhigtaan fasalka 6 ee dugsiga dhexe ee iskuulka Al-abaaro. Waxay bille ugu bixisaa dhamaantood $40. Waxay guri isku go’an ka kireysatay xaafadda Bardaale ee magaalada Baydhabo.
“Hadda heer waxa lamarayaa in aan walashey aan caawiyo. Guri kiro ah in aanan ka bixiyo, anigana aan dago kro iskuulkana iska bixiyo. Ilaahey ayaa ii yeeley waana uga mahad naqaa waana ugu shukrinaa.”
Saygeeda oo 51 jir ah ayay sheegtay inuusan shaqaynin. Wuxuu saddex sano la nool yahay cudurka sonkorta sidaas darteed waa bukaan socod aan awoodin inuu xoogsi tago.
Guusheeda waxay u soo martay turun-turooyin iyo caqabado is xig xigay. Muddo shan sanno ah ayay ku jirtay dedaal ah inay ka guurto xerada Mubaarak oo ay ku noolayd inta aysan soo macasalaamayn ka hor.
Haweeneydan ayaa xaabo u dooni jirtay deegaan shan km u jira xerada ay degganayd. Waxay xustay inay maalmaha qaar soo noqon jirtay iyada oo daallan. Waxaa ku adkaa inay maalinle u xoogsi tagto. Daqli u dhaxeeyay labo ilaa afar doollar ayay ka heli jirtay maalintii.
Lacagtaas ayaan aheyn mid ku filan, hase yeeshee waxay isku hawli jirtay inay u tashiisho sida ugu habboon iyagoo u baahan si ay dhigaal u samayso. Waxay ka warramaysaa sida ay halkan ku soo gaartay.
Nuurto ayaa geeddi dheer u soo gashay inay samaysato il dhaqaale oo ay ku maarayso nolosha qoyskeeda. Waxay sheegtay inay habeeno badan iyada carruurteeda ay soo qadeen si ay isku filnaan dhaqaale u gaaraan.
Qoyska haweeneydan ayaa ku xoolo beelay abaartii 2017 saameysay deegaankii ay ku nooleyd, Waxay tilmaamtay inay ku waayeen 20 ari ah iyo shan neef oo lo’ ah oo ay ku dhaqanayeen Tuulada Shibeele oo hoos taga degmada Bardaale ee gobolka Bay oo qiyaastii 58 km u jirta Baydhabo. Nuurto ayaa hadda billowday qorshe ay dib xoolo ugu gadanayso faa’iida ay ka hesho ganacsigeeda.
Nuurto ayaa sheegtay in nolosha barakacnimada dadka ay ka dhaxlaan niyo jab iyo inaysan wax dedaal ah samayn. Waxay xustay inay keliya sugaan deeqaha samafalka oo aan baahiyahooda wada dabooli karin.
Haweeneydan ayaa tilmaamtay iyadoo ay jiraan duruufahaas in haddana isbeddel laga miro dhalin karo. Nuurto hadda xeradii ay ka soo baxday waxay ka tahay qof tusaale nool u ah. waxay isku hawshaa inta karaankeeda ah inay caawiso dadkii ay xerada barskaca wada deganaan jireen.











