Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Sanaag: Danyar loogu deeqay qalab kalluumeysi oo ka soo kabanaya nolol-xumo

Radio Ergo by Radio Ergo
February 26, 2024
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Xilliga bad-xirranka oo saamayn ku yeeshay nolasha kalluumaysatada xeebaha Puntland

File Photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Labo boqol iyo shan iyo siddeetan haween ah oo isugu jira danyar iyo barakac ayaa shaqo joogto ah ka helay  ka ganacsiga kalluunka oo loo maalgeliyay.

Aamina Salaad Shirwac oo ku nool magaalada Ceerigaabo ayaa ku filnaatay nolosha qoyskeeda oo danyar ah, markii Wasaaradda Qorsheynta Somaliland ay taageertay.

Waxay mehrad kalluunka lagu iibiyo ku leedahay suuq loo sameyay kalluumeysatada oo ku yaalla magaalada. Haweeneydan ayaa sheegtay in saddexdii bil ee la soo dhaafay  uu qoyskeeda saddexda waqti si joogto ah wax u karsanayay.

Waxay xustay in shaqadan qoys ahaan ay u horseeday isbeddel dhanka nolosha ah, maaddaama saddex bil ka hor ay wajahayeen duruufo adag.

“Kalluunka dad badan ma qaataan. Laakiin, sidii hore wey noo dhaantaa. Manfaco wayn bey noo gashay. Kiradii iyo hadday tahay wixii kale iyo  wax walba way naga dabartay.”

Aamina oo ah hooyada siddeed carruur ah waxay ku tiirsanayd dhaqaale aan badanayn oo ay ka heli jirtay shaqo nadaafad oo ay u qaban jirtay haweenka magaalada mehradaha ku leh.

Waxay tilmaamtay in ganacsigeeda uu ka caawiyay inay ka soo guurto buush ay ku noolaayeen iyada iyo qoyskeeda. Hadda waxay daggan yihiin saddex qof oo jiingad ah oo bishii laga qaado $120 oo kiro ah.

Aamina ayaa sheegtay in afartii bil ee la soo dhaafay ay shaqadaan bil walba ka helaysay $500, taas oo ku hoggaamisay ugu dambeyn in noloshoodu ay isbeddesho.

Ka sokow nolol maalmeeda qoyskeeda inay ka hesho shaqadaan waxaa u dheer inay shan carruurteeda ah, markii ugu horaysay ku dartay iskuulka hoose dhaxe ee Daalo ee magaalada Ceerigaabo oo isku-darkooda ay bishii ka bixiso $40. Waxay dhigtaan fasalada Kowaad, labaad iyo afaraad ee dugsiga hoose.

Aamina waxaa kalluunka u soo jilaaba wiilkeeda curadka oo ah 19 sano jir ah, kaas oo jooga degmo xeebeedka Maydh oo magaalada Ceerigaabo qiyaastii u jirta 65 KM. Jilaabashada kalluunka waxaa u sahlay, markii lagu wareejiyay doon yar oo kalluumaysi iyo shabaag u suurto glisay taageero ka timid Sanduuqa Horumarinta Somaliland.

 Qoyska Aamina oo ahaa xoolo-dhaqato hore waxay sanndkii 2011 ka soo barakaceen deegaanka Gaacidh ee gobolka Sanaag, halkaas oo abaartu ay uga dishay 20 geel ah 120 ari ah. Waxay barakac ahayd muddo 12 sano ah

Siciid Axmed Saalax oo ah madaxa Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee gobolka Sanaag ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dadkan ay isugu jiraan kuwa abaaraha ku xoolo beelay iyo danyar laga soo xulay xaafadaha Ceerigaabo.

Siciid wuxuu tilmaamay in bartilmaameedkoodu uu ahaa dadka nugul ee nolol ahaan hooseeya, si ay u helaan shaqooyin ay ku dabbaraan nolol maalmeedka qoysaskooda.

“Dadka horay wax u haystay iyaga waxooda unbaa wax ugu kordheen. Laakiin dadkii nolol maalmeedka la daalaa dhacayay iyaga nolol maalmeedkooda oo kaamil bey ka heleen. Haddii ay tahay cunnadii iyaga oo meeshoodii jooga ayay kalluunkoodii ka dhiganayaan qadado iyaga oo bilaash ku helaya iyo wixii ay iibinayeen.”

Siciid wuxuu intaas ku daray in qorshaha dumarka Ceerigaabo lagu taageeray uu ahaa aragti salka ku haysa in xal loo helo qoysaska awoodi la’ maaraynta noloshooda. Wuxuu xusay in maalgelintaan oo ay ku baxday lacag gaaraysa $200,000.

Haweenkaan kalluumeysatada ah wuxuu kalluunka uga yimaadaa xeebaha magaalooyinka Maydh iyo Xiis oo 65-80 KM waqooyi uga began magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Qalabka loo iibiyay waxaa u wehliya tababar loo sameeyay iyo suuq lagu iibiyo kalluunka oo loo dhisay bishii September ee sannadkii hore.

Dumarka qaar waxay u noqotay shaqooyinkoodii ugu horreeyay ee ay qabtaan oo ay wax uga beddelaan duruufaha ku hareereysan noloshooda.

Previous Post

Baydhabo: Haweenay qoyskeeda ka saartay xaaladda barakaca markii ay abuurtay fursad ganacsi

Next Post

Muqdisho: Qoysas ku cusub xeryaha oo ku nool dawarsi ay u dheertahay hoy xumo

Related Posts

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud

August 21, 2026
Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose
Wararkii u Danbeeyay

Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose

August 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas laga raray xero barakac oo duleedka Garowe ku wajahaya dhibaato nolol xumo

August 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 17, 2026
Next Post
Muqdisho: Qoysas ku cusub xeryaha oo ku nool dawarsi ay u dheertahay hoy xumo

Muqdisho: Qoysas ku cusub xeryaha oo ku nool dawarsi ay u dheertahay hoy xumo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-AUG-2026

IDAACADDA 26-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-AUG-2026
August 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-AUG-2026
August 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-AUG-2026
August 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-AUG-2026
August 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-AUG-2026
August 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo