(ERGO) – Labo boqol iyo shan iyo siddeetan haween ah oo isugu jira danyar iyo barakac ayaa shaqo joogto ah ka helay ka ganacsiga kalluunka oo loo maalgeliyay.
Aamina Salaad Shirwac oo ku nool magaalada Ceerigaabo ayaa ku filnaatay nolosha qoyskeeda oo danyar ah, markii Wasaaradda Qorsheynta Somaliland ay taageertay.
Waxay mehrad kalluunka lagu iibiyo ku leedahay suuq loo sameyay kalluumeysatada oo ku yaalla magaalada. Haweeneydan ayaa sheegtay in saddexdii bil ee la soo dhaafay uu qoyskeeda saddexda waqti si joogto ah wax u karsanayay.
Waxay xustay in shaqadan qoys ahaan ay u horseeday isbeddel dhanka nolosha ah, maaddaama saddex bil ka hor ay wajahayeen duruufo adag.
“Kalluunka dad badan ma qaataan. Laakiin, sidii hore wey noo dhaantaa. Manfaco wayn bey noo gashay. Kiradii iyo hadday tahay wixii kale iyo wax walba way naga dabartay.”
Aamina oo ah hooyada siddeed carruur ah waxay ku tiirsanayd dhaqaale aan badanayn oo ay ka heli jirtay shaqo nadaafad oo ay u qaban jirtay haweenka magaalada mehradaha ku leh.
Waxay tilmaamtay in ganacsigeeda uu ka caawiyay inay ka soo guurto buush ay ku noolaayeen iyada iyo qoyskeeda. Hadda waxay daggan yihiin saddex qof oo jiingad ah oo bishii laga qaado $120 oo kiro ah.
Aamina ayaa sheegtay in afartii bil ee la soo dhaafay ay shaqadaan bil walba ka helaysay $500, taas oo ku hoggaamisay ugu dambeyn in noloshoodu ay isbeddesho.
Ka sokow nolol maalmeeda qoyskeeda inay ka hesho shaqadaan waxaa u dheer inay shan carruurteeda ah, markii ugu horaysay ku dartay iskuulka hoose dhaxe ee Daalo ee magaalada Ceerigaabo oo isku-darkooda ay bishii ka bixiso $40. Waxay dhigtaan fasalada Kowaad, labaad iyo afaraad ee dugsiga hoose.
Aamina waxaa kalluunka u soo jilaaba wiilkeeda curadka oo ah 19 sano jir ah, kaas oo jooga degmo xeebeedka Maydh oo magaalada Ceerigaabo qiyaastii u jirta 65 KM. Jilaabashada kalluunka waxaa u sahlay, markii lagu wareejiyay doon yar oo kalluumaysi iyo shabaag u suurto glisay taageero ka timid Sanduuqa Horumarinta Somaliland.
Qoyska Aamina oo ahaa xoolo-dhaqato hore waxay sanndkii 2011 ka soo barakaceen deegaanka Gaacidh ee gobolka Sanaag, halkaas oo abaartu ay uga dishay 20 geel ah 120 ari ah. Waxay barakac ahayd muddo 12 sano ah
Siciid Axmed Saalax oo ah madaxa Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee gobolka Sanaag ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dadkan ay isugu jiraan kuwa abaaraha ku xoolo beelay iyo danyar laga soo xulay xaafadaha Ceerigaabo.
Siciid wuxuu tilmaamay in bartilmaameedkoodu uu ahaa dadka nugul ee nolol ahaan hooseeya, si ay u helaan shaqooyin ay ku dabbaraan nolol maalmeedka qoysaskooda.
“Dadka horay wax u haystay iyaga waxooda unbaa wax ugu kordheen. Laakiin dadkii nolol maalmeedka la daalaa dhacayay iyaga nolol maalmeedkooda oo kaamil bey ka heleen. Haddii ay tahay cunnadii iyaga oo meeshoodii jooga ayay kalluunkoodii ka dhiganayaan qadado iyaga oo bilaash ku helaya iyo wixii ay iibinayeen.”
Siciid wuxuu intaas ku daray in qorshaha dumarka Ceerigaabo lagu taageeray uu ahaa aragti salka ku haysa in xal loo helo qoysaska awoodi la’ maaraynta noloshooda. Wuxuu xusay in maalgelintaan oo ay ku baxday lacag gaaraysa $200,000.
Haweenkaan kalluumeysatada ah wuxuu kalluunka uga yimaadaa xeebaha magaalooyinka Maydh iyo Xiis oo 65-80 KM waqooyi uga began magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.
Qalabka loo iibiyay waxaa u wehliya tababar loo sameeyay iyo suuq lagu iibiyo kalluunka oo loo dhisay bishii September ee sannadkii hore.
Dumarka qaar waxay u noqotay shaqooyinkoodii ugu horreeyay ee ay qabtaan oo ay wax uga beddelaan duruufaha ku hareereysan noloshooda.