(ERGO) – Xabiibo Cabdi Kuus oo barakac ku ah xerada Biyo iyo Nafta oo ku taalla waaxda saddexaad ee degmada Kaxda waxay awoodi la’dahay inay carruurteeda oo sagaal ah u hesho cunno ku filan.
Cunno xumada waxaa u dheer hoy la’aan. Qorroxda ayay taagan yihiin maalinkii. Habeenkii waa dhaxan, waxaa u wehelisa cabsi ay ka qabaan tuugada guureeya ee dadka dhaca, maaddaama ay bannaan seexdaan.
Qoyska Xabiibo wuxuu ka mid ah yahay 1100 qoys oo xerada ay deggan ku soo biiray intii u dhaxaysay dhamaadkii sanadkii hore iyo bishii koowaad ee sanadkan.
Xabiibo wax shaqo ah ma hayso. Waxay ku tiirsan yihiin deriska oo ay xustay inaysan wax badan dhaamin.
“Umadda Ilaahay ee naga soo horreeyay ayaa noo garaabay. Markan waxaan haysanno ma jirto. Sidaan ayaa naga dhab ah oo aan maanto qorraxda u dharaarannahay. Walaalayaasheen haddii ay wax naga roon yihiin wax ha noo soo dhiibaan.”
Haweeneydan iyo carruurteeda ayaa bishii Diseembar ee sanadkii hore ka guuray tuulada Dhista oo hoos tagta deegaanka Toora-toorow ee gobolka Shabeellaha Hoose markii ay fatahaad baabi’isay beertoodii.
Xabiibo ayaa sheegtay in 24 saacba ay hal waqti cunno ka helaan deriska. Waxay xustay in nolosha xerada ay adag tahay. Wax weliba oo deegaankii ay ka timid lacag la’aan ka ahaa hadda waa ka lacag, mana awoodo.
“Biyaha waraha ayaan ka soo dhaansanayay. Inta wax walba oo aad gacanta u qaaddo waxaa la dhayaa waa iib, lacagnna lama hayso.”
Inta aysan soo barakicin afar ka mid ah carruurteeda ayaa dhiganayay iskuul lacag la’aan ah, halka afarta kale ay ku jireen dugsi Qur’aan bilaash ah.
Hadda dhamaantood waxba uma bartaan. Labo ka mid ah waa caseeyeyaal qoyska maalinkii u soo dhiciya 20 kun oo Shilin Soomaali ah oo ay ku gataan biyaha ay isticmaalaan.
Bishii Oktoobar ayay beer hal hektar ah oo ay ku leedahay deegaankeeda ku abuurtay galley, mesago iyo khudaar. Waxay xustay inay galisay qarash gaaraya $550 oo ay dayn uga soo qaadatay ganacsato deegaanka ah. Waxaa sidoo kale abuurka ku caawiyay beeralay kale oo deegaanka ah.
Rajada Xabiibo ee sugitaanka dalagyadii ay beeratay in ay gurato ah ayaa soo afjarantay bishii Nofeembar markii fatahaad ka dhalatay sameynta El-Nino ay baabi’iyeen.
“Beer loo baxsanaayo ma leh, xamarna xaalkiisa waa sidaan meel aan u laabano ma leh.”
Haweeneydan sheegtay inay keli ku tahay korinta, barbaarinta iyo quudinta carruurteeda. Aabbahood ayay sheegtay inay kala tageen. Waxay intaas raacisay inaysan ka helin wax taageero dhaqaale ah.
Sameynta El Nino ayaa boqollaal kun oo qoys badday inay ku soo hirtaan xeryaha barakaca ee Muqdisho, balse wali waxa ay ku sugan yihiin mid ka daran xaaladdihii ay markii hore kasoo barakaceen.
Cali Warsame oo ah 70 jir korinaya lix carruur agoon ah oo uu awoowe u yahay ayaa sheegay inuu wajahayo noloshii ugu adkayd marka loo fiiriyo in ka badan 30 sano oo uu yahay beeralay.
Ninkan ayaa ku sugan xerada Darmale ee Kaxda muddo labo bil ah, markii uu fatahaad uga soo barakacay duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Wuxuu sheegay inay biyo kala qaadeen bishii Nofeembar beer uu ku maalgeliyay $1000. Wuxuu intaas ku daray inay daadadku ay kala tageen 60 oo ari ah oo ay xoolo ka lahaayeen.
Wuxuu sheegay in uu waayay shaqo, uuna billaabay in uu tuugsado dadka marka ay Masaajidda ka soo baxaan. Si uu uga helo ugu yaraan hal waqti wax ay cunaan.
“Carruurtii nagu dul nooleyd baahi ayay u dhimanayaan. Dhibaato ayaa na heysta, taas oo naga harayn.”
Cali ayaa sheegay in deegaankiisa ay kasoo barakaceen 60 qoys. Dhammaantood ayuu xusay in isbeddel nololeed uu ku dhacay, ayna la’yihiin meel ay wax ka bilaabaan. Waxa uu sheegay in caawin aysan helin, balse mar mar ay jiraan dad samafaleyaal ah oo la soo gaara biyo ama cunto.
Cali waxaa uu isbar bar dhig ku sameeyay xaaladda uu hadda ku nool yahay iyo midii uu ku heystay deegaankiisa ka hor inta uusan soo barakicin.
“Xeradan ku noolahay wax aan cunno ayaan ka la,nahay , markii hore wixii aan beerta ka tacbado ayaan cuni jiray. Hadda meeshaan bush ayaan ku jiraa. Meel aan carruurta ka nooleeyo ayaan la’ahay”.
Ninkan iyo dadka kale badankooda oo ka yimid Shabeelle hoose ayaa sanadkan ku hanweynaa inay beerahooda goostaan, balse saamayntii El Nino ayaa u horseeday inay ka fursan waayaan, waxaana barakac uu ku simay xeryahan ay ku wajahayaan cuno yari, hoy xumo, biyo yari, iyo waxbarasho la’aanta.