Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Awdal: Dad ka barakacay colaad iyo abaar oo nolol-xumo ku wajahaya deegaanka Kalawle

Jibril Osman by Jibril Osman
February 19, 2024
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Beeraha Iyo Xoolaha, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Awdal: Dad ka barakacay colaad iyo abaar oo nolol-xumo ku wajahaya deegaanka Kalawle

Kaydaka Ergo/sawir hore

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cali Coofle Ducaale oo ah abbaha afar carruur ah wuxuu deegaanka Kalawle ee gobolka Awdal ku wajahaya hoy la’aan, cunno xumo iyo biyo yari. Wuxuu deegaanka soo gaarey bishii Diseembar ee 2023.

Wuxuu ka mid yahay 130 qoys oo ka soo barakacay Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, gaar ahaan gobolka Siti. Abaar iyo collaad isbiirsatay ayaa sababtay inuu soo maciin bido deegaanka Kalawle oo uusan ehel iyo qaraabo ku lahayn.

Cali oo ka soo barakacay deegaanka Halboor ayaa sheegay in safar qaatay labaatan maalin oo lug ah in ay ku soo gaareen deegaanka Kalawle. Hasee ahaatee, ay weli ku suganyihiin nolol ciriiri ah oo la mid ah middii uu ka soo hayaamay.

Maalinkii ayuu xusay inay cadceedda ay ka galaan geedaha hoostooda, halka habeenkii ay ku hoydaan bannaan cidlo ah. Bacaadka ayuu tilmaamay inuu firaashkooda yahay, maaddama aysan haysan gogol ay iska xijiyaan.

“Geedahaas ayaan dharaartiina la iska hoos joogaa, habeenkiina bannaanka iska seexannaa. Raxmaadaa Ilaahay haddii ay timaado shay aan roobka ka galno ma haysanno. Nolol wanagsan ayaa ku noolayn oo guryo ayaan haysannay. Dagaal iyo abaar ayaa naga soo ka xeeyay.”

Cali wuxuu deegaanka Kalawle la yimid 35 neef oo ido ah iyo labo dameer. Wuxuu sheegay in xoolihiisa ay guud ahaan ahaayeen 200, balse ay abaartu laysay.

Ninkan ayaa tilmaamay in dadkii ay ugu yimaadeen deegaanka ay soo dhaweeyeen. Raashiin ayuu sheegay inay isugu soo dareen, balse uu ka dhammaaday.

Cali oo qoyskiisa dabka shidan jiray saddexda waqti ayaa sheegay in maalmaha qaar aysan wax raashin ah helin.

“Dadka aan deegaanka ugu imaanay waa dad wanagsan. Wixii awoodooda ahayd ayay nagu caawiyeen. Wax dhib ah oo aan kala kulannay ma jirto. Annaga ayaan waxba haysan oo wax walbo halkaan waa qaali.”

Cali ayaa xusay in welwel ay ku hayso hoy la’aanta. Wuxuu sheegay inuusan marna ku fikirin inuu ka soo barakaco deegaankiisa, balse uu ku qasbanaaday, markii ay adkaatay ku sii noolaashaha deegaankiisa.

Dhanka kale Cabdullaahi Muuse Abtidoon ayaa sidoo kale ka mid ah qoysaska u soo barakacay deegaanka Kalawle. Wuxuu sheegay in labo wiil oo uu dhalay looga dilay dagaalka, taasina ay keentay inuu la soo hayaamo qoyskiisa iyo xoolo abaarta uga badbaaday.

Wuxuu sheegay in deegaanka Kalawle uu la yimid 30 neef oo ari ah iyo afar lo’ ah. Abaarta ayuu sheegay inay ka laysay 170 neef oo ari ah.

Ninkan oo aabbe u ah 4 carruur ah ayaa sheegay inay ku adagtahay helidda raashinka. Wuxuu xusay in dadka deegaanka ay ku caawiyeen raashin ay dhexdooda iska soo aruuriyeen, kaasi oo ay ku moodeen labo isbuuc.

“Wax wayn oo sidaa ah nama dhaamaan iyaga naftooda oo ma awoodaan inay na sii caawiyaan.”

Cabdullahi oo ka soo barakacay deegaanka Casbila ayaa tilmaamay in labaatanlaha biyaha ah loogu keeno labo kun oo Shillin Somaliland ah. Bishii Janaayo ee sanadkan ayuu sheegay inuu iibiyay labo neef oo ari ah.

Lacagta uu ka helay oo ah $80 ayuu tilmaamay inuu qoyska ugu soo qaaday bur iyo bariis oo min 25 kiilo ah. Raashinka ayuu xusay inay la qaybsadeen qoysas la socday oo aan waxbo haysan, haatanna uu gabo gabo ka yahay.

“Abaar iyo collaad ayaan ka soo barakacnay. Xoolihii yaraa ee noo haray ayaan dhulkaan Soomaaliya u la soo cararnay. Wixii aan wadanay aad ayay u tiro yar yihiin. Waxaan u baahannahay gargaar oo waxaan ka codsanaynaa hay’adaha samafalka ah.”

Guddoomiyaha deegaanka Kalawle Saleebaan Jilaal Cali ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoysaska ku soo barakacay ay ku adagtahay nolosha. Wuxuu xusay inay ka mid yihiin carruur iyo dumar aan haysan xitaa goob ay ku hooydaan oo ay ka galaan dhaxanta habeenkii iyo cadceedda maalinkii.

Saleebaan ayaa sheegay in baahida qoysaskan ay ka weeyntahay awoodooda oo aysan dabooli karin.

“Dadka imaaday aad ayay u badanyihiin. Weli waa ay soo qul-qulaayaan. Calafkii roobka ku soo baxay waa ay isugu tageen oo waa ay dhameeysteen. Hadda meel loo kaco ma jirto. Dadkii deegaanka ayaa hadda waxba u hayn xoolahooda.”

Wuxuu ka dayriyay sida ay noloshooda noqon doonto, haddii aan la la soo gaarsiin gurmad. Hay’adah gargaarka iyo maamulka deegaanka ayuu ka codsaday in ay ku taageeraan cunno iyo biyo ay ku noolaadaan.

Previous Post

Fiditaanka Muqdisho oo hoy xumo iyo cunno yari ku haysa qoysaska soo barakacay

Next Post

Bari: Beeraley u weecday ganacsiga markii beerahooda ay ka soo kaban waayeen biyo yari

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Bari: Beeraley u weecday ganacsiga markii beerahooda ay ka soo kaban waayeen biyo yari

Bari: Beeraley u weecday ganacsiga markii beerahooda ay ka soo kaban waayeen biyo yari

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo