Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Fiditaanka Muqdisho oo hoy xumo iyo cunno yari ku haysa qoysaska soo barakacay

Radio Ergo by Radio Ergo
February 18, 2024
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Muumin Cali Muuse oo lagu dul iibsaday dhul uu ku yaallay gurigiisa/Rijaal Cabdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Muumin Cali Muuse wuxuu awoodi la’yahay inuu bixiyo waxbarashada, kirada guriga iyo biilka qoyskiisa, tan iyo intii laga barakiciyay xerada Naxwo oo ku taalla degmada Dayniile bishii Diseembar ee 2023. Wuxuu nolol maalmeedka kala soo bixi jiray dukaan yar oo uu ku lahaa xerada gudaheeda.

Ninkan oo ah aabbaha 12 carruur ah, waxaa goobtiisa ku xirnaa macaamiil xerada ku la nooleed oo ka iibsan jiray raashinka, caleenta shaaha iyo waxyaabaha kale ee yar yar. Waxaa lagu dul iibsaday dhulkii ay xerada ku taalay iyagoo aan wax digniin ah la siin, maaddaama ay magaalada sii fideyso.

Muumin oo hadda ku nool xero ku taala degaanka Siinka Dheer ayaa xusay in ka hor inta aan la barakicin uu qoyskiisa saddexda waqti uu dabka shidan jiray, balse hadda wuxuu dhib ku keenaa hal waqti. Maalmaha qaar ee uu san waxbo helin ayuu sheegay inay caawiyaan dad ay deris yihiin oo deggan agagaarka xerada uu ku nool yahay.

“Dadka walaalaha ah ee meelaha ku haysta ceelasha ayaan u tagnaa oo ka barinnaa in aan helno biyo, sababtoo ah waxaa jirta biyo la’aan. Meeshaan waa meel ay hadda un dadka soo degayaan. Musqul la’aan ayaa jirta. Laamiyeerigii meeshii na laga dumiyay ayaan haystaa, lacag aan ku dhisto ma haysto.”

Muumin qoyskiisa waxay ku nool yihiin labo qol oo ka sameeysan baco iyo cooshado. Xerada Naxwo ayay ku lahayeen labo qol oo jiingad ah. Wuxuu sheegay in markii labaad lagu dul iibsaday xeradii uu degnaa oo laga barakiciyay.

Arrintan ayuu xusay inay keentay in 6 ka mid ah carruurtiisa oo dhiganaysay iskuul lacag la’aan ah ay waxbarasho la’aan soo foodsaarto. Wuxuu tilmaamay in carruurta ay dhiganayeen fasalada 4, 3 iyo 2 ee dugsiga hoose.

“Hadda iskuul ma heystaan. Aniga dukaan ayaan iska gadan jiray, hadda dukaankii ma jiro. Ganacsatadii aan islahayn waan is waynay. Xerooyinkii waa la dumiyay. Hadda wax aan haysanno ma jirto. Meel duuur ah ayaan isaga nool nahay.”

Dadka qaar waxaa soo foodsaartay shaqo la’aan, maaddaama deegaanka ay u gureen ee Siinka Dheer uu Dayniile u jiro 7 km. Sidoo kale na aysan awoodin inay bixiyaan lacagta baabur raaca.

Nuuro Baarow Nuune oo ah hooyadda lix carruur ah oo agoon ah oo midka ugu yari uu jiro saddex sano ayaa ka mid ah dadka ay shaqo la’aanta hayso. Waxay biilka qoyska ka soo saari jirtay shaqo dhar dhaqis ah oo ay ka soo qaban jirtay xaafadaha degmada Dayniile.

Waxay tilmaantay in muddo lix sano ah oo ay ku noolayd xerada lagu dul iibsaday ee Naxwo ay biilka qoyska ka soo saari jirtay shaqada dhar dhaqidda. Hadda ayay sheegtay inaysan jirin dad ay u shaqeeyso, sidoo kale na ay ka fogtahay Dayniile oo aysan gaari karin.

Waxaa intaa u dheer inaysan haysan guri u gaar ah.

“Buushkii aan deganaa markii hore wuxuu ahaa mid ii dhisan oo hoy fiican ah. Nolol maalmeedka carruurteyda meel ayaan ku haystay. Hadda bac ayaa igu daboolan. Wax aan maanta guri ku dhistana ma heysto.”

Nuuro ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in maalmaha qaar ay aado xaafado ku yaala degmooyinka Cabdicasiis iyo Kaaraan, si ay u soo qabato shaqo dhar dhaqis ah. Waxay tilmaantay inay ku qaadato labo saac oo lug ah inay soo gaarto isgooyska Ex Kontrool, halkaasi oo ay ka raacdo gawaarida aadeysa Xamarweyne.

Gaari raaca ayay xustay inay uga baxdo kal bar lacagtii ay soo shaqeeysatay.

“Hadda laamigii waa iga fog yahay. Waxay danta igu kaliftay inaan salaaddii soo lugeeyo oo aan ciyaalkeyga sidaasi wax ugu raadiyo. Xeradeydii hore dad ayaa iga kasaayay oo waa ay ii dhowayd. Waxaan halkaasi ku lahaa dad macaamiil ah oo aan dharka u dhaqi jiray, balse hadda aad ayaan uga dheeraaday.”

Haweeneydan ayaa 2018 ka soo barakacday gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan duleedka magaalada Jowhar. Dukaan ay halkaa ku lahayd oo ay ku iibin jirtay maacuunta ayaa waxay ku wayday fataahadda Webiga Shabeelle. Tani ayaa keentay inay soo maciin biddo xerada Naxwo ee degmada Dayniile.

Sanadkii 2018 ayay kasoo barakacday gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan duleedka Jowhar, markii dukaan ay ku heysatay oo lagu iibin jiray alaabaha maacuunta ay ku weysay fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle.

Maxamuud Cali oo horjooge u ahaa xeryaha Naxwo, Saciid 2, Tawakal iyo Alwaasac ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in tan iyo bishii Oktoobar ee 2023, la barakiciyay ku dhowaad kun qoys. Dadkan ayuu xusay in laga barakiciyay xeryo ku yaalay Dayniile, Kaxda iyo Karasbaaley, markii lagu dul iibsaday.

Dadka qaarkood ayuu xusay inay guryo jiingado ah ku lahayeen xeryaha. Wuxuu sheegay in dadka aan loo digin oo ay ka war helaan cagaf duminayso guryahooda. Arrintaan ayuu tilmaamay inay keenayso in mar waliba ay ka dhalato in nolosha ay meel hoose ka soo bilaabaan.

Previous Post

Muqdisho: Gabar ku shaqaysata xirfadda dallaalnimada markii ay shaqo ku waysay aqoonteeda

Next Post

Awdal: Dad ka barakacay colaad iyo abaar oo nolol-xumo ku wajahaya deegaanka Kalawle

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Awdal: Dad ka barakacay colaad iyo abaar oo nolol-xumo ku wajahaya deegaanka Kalawle

Awdal: Dad ka barakacay colaad iyo abaar oo nolol-xumo ku wajahaya deegaanka Kalawle

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-APR-2026

IDAACADDA 20-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo