Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Gabar ku shaqaysata xirfadda dallaalnimada markii ay shaqo ku waysay aqoonteeda

Jibril Osman by Jibril Osman
February 16, 2024
in Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Gabar ku shaqaysata xirfadda dallaalnimada markii ay shaqo ku waysay aqoonteeda

Sacdiyo Xasan Maxamed oo shaqo maalmeedkeeda ku jirta/Maxamed-khadar/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Sacdiyo Xasan Maxamed oo 24 jir ah waxay nolosha qoyskeeda ka maareysa shaqo dallaalnimo oo ay ku dhiiratay, markii ay shaqo ku wayday cilmigii ay baratay. Shaqadan ayaa u noqotay il dhaqaale oo u sahashay inay kaga maaranto shaqaalenimo.

Waxay maalinle ugu shaqo tagtaa iibinta beeraha, dhulalka bannaan iyo kireynta guryaha. Howshan ayaa iyada iyo qoyskeedu u horseedday inay isku filnaadaan.

“Nolosheyda waxay ku soo kordhisay nafteyda iska daaye inaan ehelkeyga wax taro. Waxaa jira biilal aan bixiyo oo macnaha qoysaska ah, oo waliba aan hal cid aheyn, labo iyo saddex iyo biilal aan aniga dhiibo oo la iiga xisaabtamo.”

Shaqadan waxaa bille uga soo gala lacagu dhaxeeya $600 ilaa $800. Waxay ku kala maareysaa masruufka qoyskeeda iyo qaraabadeeda oo ku nool miyiga. Qeyb ay u kaydsato Shirkadeeda Ajmal Services, iyo in kale oo ay ku bixiso mushaaraadka shaqaalaha iyo kirada xafiiska.

Markii ay bilaabaysay shaqadan waxay la kulantay dhaleeceyn ah in gabar waxbaratay oo dalaal ah aysan wanaagsaneyn, isla markaana aysan ka heleyn faa’iido fiican. Sacdiyo ayaa sheegtay in taas ay keentay inay ku sii hal-adeegto doonisteeda, si ay door muuqda ugu lahaato garab istaagga reerkeeda.

“Wixii biil ah iyo wixii waalidka kale ama gobolada jiro ama qaraabo ah oo kale, wixii iiga soo aado dhankeyga, qeybna bille ayaan u bixiyaa, qeybna markii ay baahideeda timaado ayaan bixiyaa.”

Ka hor shaqadan Sacdiyo waxay wajahaysay duruufo nololeed, balse waxay sheegtay wax kasta isku furfureen markii ay shaqadan oo dumarka aan looga baran ay u bareertay qabashadeeda. Gabadhan ayaa xustay inay nafteeda kaafisay iyo baahiyaha qoyskeeda, taas oo muujineysa sida ay uga gudubtay caqabadihii dhaqaale ee mar ku hor gudbanaa.

“Markii aan waxbarashada ku jiray oo kale taleefankaan rabo inaan gadan Karin. Dhar labis kaan rabo inaan magaalada ka doonan karin, saa rabo inaan u noolaan Karin. Laakin maanta waxa waaye nafteyda iska dhaafe dadka kale aan wax badan u kordhiyay.”

Sacdiyo sannadkii 2019 ayay ka qalin-jabisay kulliyadda Shareecada ee Jaamacadda Daarul Culuum. Wixii xilligaas ka dambeeyay waxay raadin u gashay shaqo ku habboon, balse uma suuragelin. Waxay la kulantay caqabado ay u aragto inay yihiin kuwa dabinka u dhigay dhallinyarada wax baratay, taas oo ah in looga hiiliyay shaqo ay iyada mudneyd heliddeeda.

“Dad badan oo aniga cilmi ahaan aan maleynaayo inaysan ila mid aheyn oo aysan xattaa jaamacadihii dhammeynin ayaa fursado shaqo helay, saas darted waxaan go’aan ku qaatay inaa aniga shaqo abuurto.”

Sannadkii tagay ee 2022 ayay Sacdiyo ayay billowday dalaalnimada. g urigeeda ayay ku shaqeyn jirtay, waxayna macaamiisheeda kula kulmi jirtay goobaha la isugu yimaado, maaddaama uu fikradda ay bar bilow ahayd.

Bishii labaad ee sannadkan waxaa u suuragashay inay xarun u gaar ah ka furato suuqa bakaaraha. Qalabeynta xafiiska ayaa uga baxday lacag dhan $600 oo ka mid ah dhigaal ay sameysatay intii shaqada ka wadday hoygeeda.

Waxay shaqaaleysiisay shan dhallinyaro ah oo isugu jira saddex wiil iyo labo gabdhood oo u xil-saaran howlaha bannaanka iyo la kulanka macaamiisha. Sida ay u kala duwan yihiin howlaha ay qabtaan ayuu u kala badan yahay mushaarka ay qaataan.

Waxay maalin walba u shaqo tagaan degmooyinka gobolka Banaadir iyo deegaanadda ku hareereysan. Waxay isku xiraan dadka  guryaha leh iyo kireysteyaasha. Waxay sidoo kale soo bandhigaan beeraha, boosaska bannaan iyo guryaha dhisan ee beeca ah, sida ay Sacdiyo sheegtay.

“Beecinta beeraha, haddii ay ahaan lahaayeen dhankaan Afgooye iyo dhanka Balcad labadaba. Beecinta dhulalka bannaan Xamar gudaheeda iyo bannanadeeda. Dhismaha guryaha oo aan qandaraaskooda inta qaadano aan dhisno iyo kireynta guryaha qofkii na soo waco oo guri furihiisa oo kale noo dhiibo, xafiis ahaan inaan ugu kireyno iyo qofkii isaga oo furaha heysto naga dalbado inaan u kireyno guryaha inaan u kireyno.”

Sacdiyo ayaa ku rajo weyn in mashruuceeda uu noqdo mid guuleysta,  una gudba gobollada dalka. Da’yarta waxbartay ayaa sannadahan dambe qabanaya shaqooyin aysan horay ugu dhiiran jiran wabashadooda, taas oo meesha ka saareysa inay kaliya xafiis ka shaqeyn uun sugaan.

Previous Post

Maalinta Raadiyaha – Tebinta Raadiyow Ergo iyo waxa ay dadka uga dhigan tahay

Next Post

Fiditaanka Muqdisho oo hoy xumo iyo cunno yari ku haysa qoysaska soo barakacay

Related Posts

blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
Next Post
blank

Fiditaanka Muqdisho oo hoy xumo iyo cunno yari ku haysa qoysaska soo barakacay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-JUN-2026

IDAACADDA 04-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo