Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Tababarka raadiyo Ergo oo ka furmay Hargeysa

Radio Ergo by Radio Ergo
April 29, 2013
in Wararkii u Danbeeyay
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankWaxaa 27kii bishan Abriil 2013ka tababar uga furmay 36 weriye oo ka kala socday 13ka idaacadood oo hoos tagaan Shabakadda 2013 iyo qaar kale oo ka socday wasaaradda warfaafinta Somaliland oo iyagu lagu casumay. Siminaarkan ay soo qaban qaabisay idaacadda Ergo oo gacan ka helaysa hay’adaha calamiga SDC, CHF Somalia, Australian AID iyo IMS ayaa socondoona muddo afar maalmood ah, kaasoo lagu barandoono asaasiyaadka warbaahinta oo loogu talgalay iney ka faa`iideystaan dhallinyarada ku cusub hasha warbaahinta.

Casharrada halkaas lagu qaadan doono ayaa waxaa ka mid ah hababka anshaxa, dagaaladda iyo doorka nabadaynta warbaahinta, tayadda samaynta wararka iyo barnaamijyadda, doorka idaacaddaha, helintaanka warbixino sugan iyo qaybo kale oo badan.

Tababarkan ayaa waxaa si rami ahaana u furay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Soomaliland Cabdirashiid Jibriil Yuusuf. Agaasimaha oo furitaankaas ereyo kooban ka soo jeediayay ayaa yiri “Aad baan ugu mahad celinayaa idaacadda Ergo oo soo qaban qaabisan tababarkaan qiimaha badan, oo ay ku bixisay juhdi badan oo ay isugu keentay warfidiiyeenno da’yar isuguna jira gabdho iyo wiilalba, waxaanan ku boorrinayaa inaad kala noqotaan aqoon iyo xirfad aad ugu adeegi kartaan dadkiinna”

Maxamed Xasan Maxamed oo ah xiririyaha tababarkaan kana socday idaacadda Ergo ayaa isaguna u mahad celiyey maamulka Somaliland fududeynta tababarkaan iyo nabadda u saamaxday in ka badan 30 warfidiyeen ay isaga kala yimaadaan goobo aad uga fog-fog Hargeysa, sidoo kalena warfidiyeennada ku bogaadiyey safarradii dhaadheeraa ee ay u soo galeen tababarkaan si ay aqontoodda kor ugu qaadaan si wacan uga faa`iideystaan, isagoona u rajeeyey Soomaaliya inay hesho nabad.

Cabdullahi Maxamed Xasan Black oo ku hadlayey magaca Shabakadda 2013 ayaa isaguna ka sheegay furintaankii in shabakaddaan ay ku midoobeen 13 idaacadood ay yihiin hab iskaashi oo dhex maray dhammaan warbaahintaan si ay u xoojiyaan hawlaha warbaahineed ee dalka iyo dadkuba uga baahan yihiin, doonayaanna iney ku hormariyaan warbaahinta Soomaaliya.

“Dhammaan warfidiyeenadiinaan halkaan fadhiyaa waxaad ka kala socotaan idaacaddaha ku wada jira shabakadaan, waxaana la idiinka bahan yahay inaad u dhabar adaygtaan hawlaha adag ee dhinaca warbaahinta ah, kana faa’iidaysataan tababarka” ayuu yiri Cabdullaahi Black.

Ayan Cabdirisaaq Jaamac oo ah madaxda ururka warfidiyeenadda haweenka Somaliland ee WIJA oo iyana furitaankii tababarka ka hadashay baa sheegtay inay ku faraxsantahay tiro intaan le’eg oo gabdho ah oo ka qayb gelaya tababar warfdiyeennimo, waxayna kula dardaarantay gabdhaha 14ka ah ee tababarka ka qayb qaadanaya inay ogaadaan hawshay u hayaan dadkooda, xilli ammaan darro ay idin haysato.

Deeqo Abukar Jinow oo 19 jir ah ka , kana socotay idaacadda degmadda Cadaado ee gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegtay inuu tababarkaani yahay kii ugu horreeyey ee dhinaca warbaahinta ee ay hesho, waxaanan rajaynayaa inaan ka faa’iidi doono ayay  tiri Jiinow.

Maxamed Axmed Xasan oo ka tirsanaa warfidiyeenadii ka socday wasaaradda warfaafinta Somaliland gaar ahaan Radio Hargeysa ayaa sheegay inuu filayo inuu ka helo xirfad iyo aqoon dheeraad ah oo iga caawisa shaqadayda maalinle, waxaa kaloo farxad ii ah inaan la qaato tababarkaan weriyayaal ka hawl gala goobo colaado ka jiraan.

Maxamed Daahir  Faarax oo isna ka socday idaacadda Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay inuusan qiyaasi Karin siduu ugu faraxsan yahay tababarkaan uuna rajaynayo xirfad aqooneed inuu ka helo.

Tababarrada noocaan ah ayaa sida badan sanakiiba in ka badan laba jeer soo qabanqaabiyo radio Ergo, isagoo ka helaya kaalmo hay`daha ay saaxiibbada yihiin.

Nimco-ayaan Maxamuud/ AM

Previous Post

DAADAD BARAKICIYAY DADKA DEEGAANKA BUUHOODLE

Next Post

65 kun carruur ah oo dabeysha looga tallaalay Gedo

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

65 kun carruur ah oo dabeysha looga tallaalay Gedo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo