Waxaa 27kii bishan Abriil 2013ka tababar uga furmay 36 weriye oo ka kala socday 13ka idaacadood oo hoos tagaan Shabakadda 2013 iyo qaar kale oo ka socday wasaaradda warfaafinta Somaliland oo iyagu lagu casumay. Siminaarkan ay soo qaban qaabisay idaacadda Ergo oo gacan ka helaysa hay’adaha calamiga SDC, CHF Somalia, Australian AID iyo IMS ayaa socondoona muddo afar maalmood ah, kaasoo lagu barandoono asaasiyaadka warbaahinta oo loogu talgalay iney ka faa`iideystaan dhallinyarada ku cusub hasha warbaahinta.
Casharrada halkaas lagu qaadan doono ayaa waxaa ka mid ah hababka anshaxa, dagaaladda iyo doorka nabadaynta warbaahinta, tayadda samaynta wararka iyo barnaamijyadda, doorka idaacaddaha, helintaanka warbixino sugan iyo qaybo kale oo badan.
Tababarkan ayaa waxaa si rami ahaana u furay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Soomaliland Cabdirashiid Jibriil Yuusuf. Agaasimaha oo furitaankaas ereyo kooban ka soo jeediayay ayaa yiri “Aad baan ugu mahad celinayaa idaacadda Ergo oo soo qaban qaabisan tababarkaan qiimaha badan, oo ay ku bixisay juhdi badan oo ay isugu keentay warfidiiyeenno da’yar isuguna jira gabdho iyo wiilalba, waxaanan ku boorrinayaa inaad kala noqotaan aqoon iyo xirfad aad ugu adeegi kartaan dadkiinna”
Maxamed Xasan Maxamed oo ah xiririyaha tababarkaan kana socday idaacadda Ergo ayaa isaguna u mahad celiyey maamulka Somaliland fududeynta tababarkaan iyo nabadda u saamaxday in ka badan 30 warfidiyeen ay isaga kala yimaadaan goobo aad uga fog-fog Hargeysa, sidoo kalena warfidiyeennada ku bogaadiyey safarradii dhaadheeraa ee ay u soo galeen tababarkaan si ay aqontoodda kor ugu qaadaan si wacan uga faa`iideystaan, isagoona u rajeeyey Soomaaliya inay hesho nabad.
Cabdullahi Maxamed Xasan Black oo ku hadlayey magaca Shabakadda 2013 ayaa isaguna ka sheegay furintaankii in shabakaddaan ay ku midoobeen 13 idaacadood ay yihiin hab iskaashi oo dhex maray dhammaan warbaahintaan si ay u xoojiyaan hawlaha warbaahineed ee dalka iyo dadkuba uga baahan yihiin, doonayaanna iney ku hormariyaan warbaahinta Soomaaliya.
“Dhammaan warfidiyeenadiinaan halkaan fadhiyaa waxaad ka kala socotaan idaacaddaha ku wada jira shabakadaan, waxaana la idiinka bahan yahay inaad u dhabar adaygtaan hawlaha adag ee dhinaca warbaahinta ah, kana faa’iidaysataan tababarka” ayuu yiri Cabdullaahi Black.
Ayan Cabdirisaaq Jaamac oo ah madaxda ururka warfidiyeenadda haweenka Somaliland ee WIJA oo iyana furitaankii tababarka ka hadashay baa sheegtay inay ku faraxsantahay tiro intaan le’eg oo gabdho ah oo ka qayb gelaya tababar warfdiyeennimo, waxayna kula dardaarantay gabdhaha 14ka ah ee tababarka ka qayb qaadanaya inay ogaadaan hawshay u hayaan dadkooda, xilli ammaan darro ay idin haysato.
Deeqo Abukar Jinow oo 19 jir ah ka , kana socotay idaacadda degmadda Cadaado ee gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegtay inuu tababarkaani yahay kii ugu horreeyey ee dhinaca warbaahinta ee ay hesho, waxaanan rajaynayaa inaan ka faa’iidi doono ayay tiri Jiinow.
Maxamed Axmed Xasan oo ka tirsanaa warfidiyeenadii ka socday wasaaradda warfaafinta Somaliland gaar ahaan Radio Hargeysa ayaa sheegay inuu filayo inuu ka helo xirfad iyo aqoon dheeraad ah oo iga caawisa shaqadayda maalinle, waxaa kaloo farxad ii ah inaan la qaato tababarkaan weriyayaal ka hawl gala goobo colaado ka jiraan.
Maxamed Daahir Faarax oo isna ka socday idaacadda Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay inuusan qiyaasi Karin siduu ugu faraxsan yahay tababarkaan uuna rajaynayo xirfad aqooneed inuu ka helo.
Tababarrada noocaan ah ayaa sida badan sanakiiba in ka badan laba jeer soo qabanqaabiyo radio Ergo, isagoo ka helaya kaalmo hay`daha ay saaxiibbada yihiin.
Nimco-ayaan Maxamuud/ AM