Daadad xoog leh oo balliyada iyo dooxooyinka ku hareeraysan degmada Buuhoodle ay soo-rogeen ayaa barakiciyay qoysas gaaraya 650 qoys oo deganaa gudaha iyo duleedka degmada Buuhoodle.
Daadadkan oo si lama filaan ah kusoo galay degmada subaxii hore ee Axadda ayaa kasoo rogmaday baliyada iyo dooxooyinka dhaca galbeedka Buuhoodle ee Qorileey, Shangale, Maygaagle iyo Kalshaale.
Daadadka oo dabo socday roobab xooggaan oo habeenkii ay Axada soo galaysay daáy ayaa gudaha degmada Buuhoodle ka barakiciyay 500 oo qoys, iyagoo biyo dhigay 300 oo guri oo ku yaal xaafada Boodhlay ee galbeedka Buuhoodle ku taal.
Daadadku waxay sidoo kale dumiyeen guryo 10 ah oo cooshado ka sameysan oo ay ku noolaayeen danyarta iyo dadka deegaannadooda kasoo barakacay ee deggan magaalada Buuhoodle sida uu idaacadda Ergo u sheegay Aadan Maxamuud Nuur oo ka mid ah dadka deegaannadooda kasoo barakacay. Daadadku waxay gudaha Buuhoodle ka qaadeen 15 neef oo ah ari oo ay dhaqanayeen dadka magaalada.
Duleedka magaaladana, 150 qoys oo ah reer guuraa deganaa balliga Shangale oo ku yaal buuraleyda dhanka galbeedka Buhoodle kaga beegan ayey daadku ku qasbeen iney guryahooda ka qaxaan. Daadad kasoo rogmaday balliyada Hagoogane ayaa sidoo kale qaaday 70 neef oo ari ah oo ay dhaqanayeen reer guuraaga ku nool hareeraha balliga, halka balliga Qorileeyna uu la tagay 40 neef oo ari ah.
Sida uu soo sheegayo weriyaha Ergo ee Laascaanood, dadku waxay u barakaceen xaafadaha kale ee degmada ee aysan daadku galin.
Daadadku waxay hakad galiyeen gaadiidka u kala goosha degmada Buuhoodle iyo tuulooyinka ku dhow-dhow. Xasan Jaamac Faarax oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa Ergo u sheegay in deegaanku aysan soo marin daad noocaan ah wixii ka dambeeyay dayrtii Biyo-Badan oo da’day 1997tii.
Cabdikariim Olol/MR/AM