Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

DAADAD BARAKICIYAY DADKA DEEGAANKA BUUHOODLE

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
April 29, 2013
in Masiibooyinka
0
DAADAD BARAKICIYAY DADKA DEEGAANKA BUUHOODLE
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankDaadad xoog leh oo balliyada iyo dooxooyinka ku hareeraysan degmada Buuhoodle ay soo-rogeen ayaa barakiciyay qoysas gaaraya 650 qoys oo deganaa gudaha iyo duleedka degmada Buuhoodle.

Daadadkan oo si lama filaan ah kusoo galay degmada subaxii hore ee Axadda ayaa kasoo rogmaday baliyada iyo dooxooyinka dhaca galbeedka Buuhoodle ee Qorileey, Shangale, Maygaagle iyo Kalshaale.

Daadadka oo dabo socday roobab xooggaan oo habeenkii ay Axada soo galaysay daáy ayaa gudaha degmada Buuhoodle ka barakiciyay 500 oo qoys, iyagoo biyo dhigay 300 oo guri oo ku yaal xaafada Boodhlay ee galbeedka Buuhoodle ku taal.

Daadadku waxay sidoo kale dumiyeen guryo 10 ah oo cooshado ka sameysan oo ay ku noolaayeen danyarta iyo dadka deegaannadooda kasoo barakacay ee deggan magaalada Buuhoodle sida uu idaacadda Ergo u sheegay Aadan Maxamuud Nuur oo ka mid ah dadka deegaannadooda kasoo barakacay. Daadadku waxay gudaha Buuhoodle ka qaadeen 15 neef oo ah ari oo ay dhaqanayeen dadka magaalada.

Duleedka magaaladana, 150 qoys oo ah reer guuraa deganaa balliga Shangale oo ku yaal buuraleyda dhanka galbeedka Buhoodle kaga beegan ayey daadku ku qasbeen iney guryahooda ka qaxaan. Daadad kasoo rogmaday balliyada Hagoogane ayaa sidoo kale qaaday 70 neef oo ari ah oo ay dhaqanayeen reer guuraaga ku nool hareeraha balliga, halka balliga Qorileeyna uu la tagay 40 neef oo ari ah.

Sida uu soo sheegayo weriyaha Ergo ee Laascaanood, dadku waxay u barakaceen xaafadaha kale ee degmada ee aysan daadku galin.

Daadadku waxay hakad galiyeen gaadiidka u kala goosha degmada Buuhoodle iyo tuulooyinka ku dhow-dhow. Xasan Jaamac Faarax oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa Ergo u sheegay in deegaanku aysan soo marin daad noocaan ah wixii ka dambeeyay dayrtii  Biyo-Badan oo da’day 1997tii.

Cabdikariim Olol/MR/AM

Previous Post

Cudurka duumada oo ka dillaacay Ceelwaaq

Next Post

Tababarka raadiyo Ergo oo ka furmay Hargeysa

Related Posts

Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle

November 5, 2025
Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi

April 25, 2025
Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley

May 26, 2024
Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale
Arrimaha Bulshada

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

May 21, 2024
blank
Cunto-Yaraanta

Somaliland: Roobab mahiigaan ah oo sababay dhamashada saddex qof iyo boqollaal xoolo ah

May 10, 2024
Mudug: Beeralay cunno xumo wajahaya markii uu qasaaray dalag ay beerteen
Beeraha Iyo Xoolaha

Mudug: Beeralay cunno xumo wajahaya markii uu qasaaray dalag ay beerteen

March 7, 2024
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Tababarka raadiyo Ergo oo ka furmay Hargeysa

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-DEC-2025

IDAACADDA 10-DEC-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-DEC-2025
Episode play icon
IDAACADDA 10-DEC-2025
December 10, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 09-DEC-2025
December 9, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 08-DEC-2025
December 8, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 07-DEC-2025
December 7, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 06-DEC-2025
December 6, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo