Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Cudurka duumada oo ka dillaacay Ceelwaaq

Radio Ergo by Radio Ergo
April 26, 2013
in Wararkii u Danbeeyay
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankCudurka duumada ayaa ka dillaacay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka ee degmada.

Maamulaha qeybta caafimaadka ee ururka Bisha Cas ee degmada Ceelwaaq Aadan Cabdi ayaa Ergo u sheegay in dad ka badan 70 qof oo u badan barakacayaasha ku jira xeryaha Ceelwaaq ay duumadu soo ridatay.

Aadan Cabdi ayaa sheegay in tirada ugu badan bukaannada duumadu soo ridatay laga helay jeermiska dhaliya nooc cusub oo cudurka duumada ah oo loo yaqaan (Dengue) oo duumada caadiga ah la wadaaga astaamaha.

Nooca duumadan cusub waxay leedahay qandho aad u sarreysa islamarkaasna malaha wax daawo rasmi ah, marka laga reebo daawooyin caawimaad ahaan loo siiyo bukaannada, sida uu Aadan sheegay.

Labadii toddobaad ee aan soo dhaafnay shaqaalo ka socda xarunta hooyada iyo dhallaanka ee Ceelwaaq ayaa gudaha degmadaas iyo siddeed tuulo oo hoos timaadda ka qeybiyay maro kaneecooyin daweysan oo gaaraya 13,800, sida uu Ergo u sheegay agaasimaha xarunta hooyada iyo dhallaanka ee Ceelwaaq, Aadan Kheyr.

Cabdi weli Maxamed oo ka mid ah dadka deegaannadooda kasoo barakacay ee ku nool Ceelwaaq ayaa isna Ergo u sheegay in kaneeco badan oo ka dhalatay biyaha roobka Guga uu dhex dhigay xeryaha barakacayaasha iyo degmada Ceelwaaq si guud ay sabab u tahay duumada deegaanka ku faafaysa, isla markaana aysan dadku heysan maro kaneecooyin ku filan oo ay kaga hortagaan duumada.

Degmada Ceelwaaq malaha isbitaal ay dadku ka qaataan daawooyinka, wuxuu keliya leeyahay xarun yar oo hooyada iyo dhallaankana lagu xannaaneeyo taasoo aan dabooli karin baahiyaha caafimaad ee bulshada degmadaas. Dadka duumadu heshay badigood ma tagaan xaruntaas, balse qaarkood awooda daawooyinka duumada waxay ka qaataan farmashiyayaasha gaarka loo leeyahay ee degmada, sida uu sheegay Aadan Kheyr.

25ka bisha April oo shalay ku beegneyd waxaa sanad walba caalamka laga xusaa maalinta cudurka duumada.

Axmed Saalixi/MR/FM/AM

Previous Post

PUNTLAND OO GACANTA KUSOO DHIGTEY DOONYO SI SHARCI DARRO AH U KALLUUMEYSANAYEY

Next Post

DAADAD BARAKICIYAY DADKA DEEGAANKA BUUHOODLE

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
DAADAD BARAKICIYAY DADKA DEEGAANKA BUUHOODLE

DAADAD BARAKICIYAY DADKA DEEGAANKA BUUHOODLE

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo