Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Cudurka duumada oo ka dillaacay Ceelwaaq

Radio Ergo by Radio Ergo
April 26, 2013
in Wararkii u Danbeeyay
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankCudurka duumada ayaa ka dillaacay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka ee degmada.

Maamulaha qeybta caafimaadka ee ururka Bisha Cas ee degmada Ceelwaaq Aadan Cabdi ayaa Ergo u sheegay in dad ka badan 70 qof oo u badan barakacayaasha ku jira xeryaha Ceelwaaq ay duumadu soo ridatay.

Aadan Cabdi ayaa sheegay in tirada ugu badan bukaannada duumadu soo ridatay laga helay jeermiska dhaliya nooc cusub oo cudurka duumada ah oo loo yaqaan (Dengue) oo duumada caadiga ah la wadaaga astaamaha.

Nooca duumadan cusub waxay leedahay qandho aad u sarreysa islamarkaasna malaha wax daawo rasmi ah, marka laga reebo daawooyin caawimaad ahaan loo siiyo bukaannada, sida uu Aadan sheegay.

Labadii toddobaad ee aan soo dhaafnay shaqaalo ka socda xarunta hooyada iyo dhallaanka ee Ceelwaaq ayaa gudaha degmadaas iyo siddeed tuulo oo hoos timaadda ka qeybiyay maro kaneecooyin daweysan oo gaaraya 13,800, sida uu Ergo u sheegay agaasimaha xarunta hooyada iyo dhallaanka ee Ceelwaaq, Aadan Kheyr.

Cabdi weli Maxamed oo ka mid ah dadka deegaannadooda kasoo barakacay ee ku nool Ceelwaaq ayaa isna Ergo u sheegay in kaneeco badan oo ka dhalatay biyaha roobka Guga uu dhex dhigay xeryaha barakacayaasha iyo degmada Ceelwaaq si guud ay sabab u tahay duumada deegaanka ku faafaysa, isla markaana aysan dadku heysan maro kaneecooyin ku filan oo ay kaga hortagaan duumada.

Degmada Ceelwaaq malaha isbitaal ay dadku ka qaataan daawooyinka, wuxuu keliya leeyahay xarun yar oo hooyada iyo dhallaankana lagu xannaaneeyo taasoo aan dabooli karin baahiyaha caafimaad ee bulshada degmadaas. Dadka duumadu heshay badigood ma tagaan xaruntaas, balse qaarkood awooda daawooyinka duumada waxay ka qaataan farmashiyayaasha gaarka loo leeyahay ee degmada, sida uu sheegay Aadan Kheyr.

25ka bisha April oo shalay ku beegneyd waxaa sanad walba caalamka laga xusaa maalinta cudurka duumada.

Axmed Saalixi/MR/FM/AM

Previous Post

PUNTLAND OO GACANTA KUSOO DHIGTEY DOONYO SI SHARCI DARRO AH U KALLUUMEYSANAYEY

Next Post

DAADAD BARAKICIYAY DADKA DEEGAANKA BUUHOODLE

Related Posts

Qaxootiga Dhadhaab oo loo sameeyay qaliimo iyo daawayn qayb ka ah caymiska caafimaadka
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxootiga Dhadhaab oo loo sameeyay qaliimo iyo daawayn qayb ka ah caymiska caafimaadka

October 26, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku xarooday Burco markii casharo xanuun badan ay ka barteen roob la’aanta

October 23, 2026
Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi

October 21, 2026
Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga

October 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku cusub xeryaha Dhadhaab oo wajahaya nolol xumo iyo gargaar la’aan

October 19, 2026
Xoolo-dhaqatada Shabeellaha dhexe oo iska bixinaya dayn ay qaateen xilligii abaarta
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqatada Shabeellaha dhexe oo iska bixinaya dayn ay qaateen xilligii abaarta

October 16, 2026
Next Post
DAADAD BARAKICIYAY DADKA DEEGAANKA BUUHOODLE

DAADAD BARAKICIYAY DADKA DEEGAANKA BUUHOODLE

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-OCT-2026

IDAACADDA 26-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-OCT-2026
October 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-OCT-2026
October 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-OCT-2026
October 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-OCT-2026
October 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-OCT-2026
October 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo