Ciidamada badda ee Puntland ayaa arbacadii gacanta kusoo dhigay doomo ay wateen badmaaxiin ajnabi ah oo lagu eedeeyay inay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha bari ee gobolka Sanaag.
Howlgalkan oo ka dhacay degmada Laasqoray ayay ciidamadu kusoo qabteen 5 doon iyo78 kalluumeysato u dhashay dalka Iiraan iyo 12 Soomaali ah oo ilaalo u ahaa kalluumeysatadan iyo hubkii ay wateen, kaddib markii kalluumeysatada deegaanka ay kusoo wargeliyeen ciidamada badda ee Puntland in doonyo ajnabi ah ay jarriif ba`an ku hayaan kheyraadka badda ee deegaankooda, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha ciidamada badda Puntland, Cabdirisaaq Diiriye Faarax.
“In muddo ahba waxaa ina soo gaarayay cabasho ka imaaneysay dadka deegaanka Laasqoray oo noo sheegay inay dhibaato weyn ku qabaan doonyo si sharci darro ah uga kalluumeysanaya xeebta, kuwaasoo burburiyay doonyaha kalluumeysatada deegaanka isla markaana ka googooyay shabaaktii ay ku kalluumeysanayeen kana xaalufiyay dhulkii.” Ayuu yiri taliyaha.
Bilihii ugu dambeeyay waxaa xeebaha Puntland ugu dhacay wax soo saarkii badda ee dhinaca kalluunka, taasoo loo sababeeyey doonyaha iyo maraakiibta ajnabiga ah ee boobka ku haya kheyraadka badda, waxaana ay shaqo la`aan soo wajahdey dad badan oo kalluumeysato ahaa kuwaasoo nolol maalmeedkooda kala soo bixi jirey badda, sida uu sheegay wasiir ku xigeenka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland Muuse Geelle Yuusuf, wuxuuna intaas ku daray inay socon doonaan howlgalladan ay ciidamada badda kula dagaallamayaan doonyaha kalluumeysiga sharci darrada ah ka wada xeebaha Puntland.
Axmed Soomaali/FM/AM