
Warbixin laga soosaaray xafiiska hay’adda ee gobolka Gedo ayaa lagu sheegay in caruurta oo da’doodu ka yar tahay shan sano lagu tallaalay degmooyinka Garbahaareey, Luuq, Ceelwaaq, Dolow, Baladxaawo iyo weliba tuulooyinka hoos yimaada degmooyinkaas.
Isuduwaha xafiiska Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO xafiiskeeda Gedo Maxamed Sheekh Cali ayaa idaacada Ergo u sheegay in qeybinta tallaalka ee gobolka ay qeyb ka tahay ololaha looga hortago cudurka Dabeysha, oo aan weli la soo sheegin wax kiisas ah oo la xariira deegaanka.
Fulinta barnaamijka tallaalka Dabeysha looga hortago ee gobolka Gedo ayaa waxaa iska kaashaday Hay’adaha Caafimaada Adduunka iyo Waxbarashada Carruurta u kala qeaabilsan Qaramada Isu tagay ee WHO iyo UNICEF. Waxaa mashruuca tallaalka fuliyay shaqaalo si tabarrucaad ah ku shaqeynayay oo gaaraya 400 oo qofood oo ka yimid degmooyinka gobolka.
Maryan Ciise oo ah hooya deggan degmada Luuq oo saddex carruur ah oo ay dhashay ka tallaashay Dabeysha ayaa ku boorrisay in hooyooyinku carruurtooda tallaalaan si carruurtoodu uga nabad-gasho cudurka Dabeysha. Maryam Ciise ayaa intaa ku dartay in dagaallada gobolka ka dhaca iyo barakaca ay sabab u noqdeen in carruurtu si joogto ah u helin tallaalada cudurrada lixda ee dilaaga ah.
Si kastaba, Maxamed Sheekh Cali Isuduwaha xafiiska Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO xafiiskeeda Gedo ayaa Ergo u sheegay in barnaamijka tallaalka ay barbar socdaan wacyigelinta hooyooyinka loo sameynayo oo la xariirta nadaafadda, baritaanka cudurka Jadeecada. Maxamed Sheekh Cali wuxuu sidoo kale sheegay in dadka laga wareysanayo cudurka Dabeysha si loo helo xog ku saabsan in cudurkaas dalka ka dhamaaday iyo in kale.
Sanad weliba lix wareeg ayaa barnaamijka tallaalka laga fulinayaa gobolka Gedo, labadii wareeg ee kan ka horreysayna waxaa wareeg weliba la talaalay caruur 70 kun gaareysa oo da’doodu ka yar tahay shanta sano. Taasi waxay ka dhigan tahay in caruur ku dhow afar boqol oo kun oo Gedo ku nool helaan talaalka ka hortagga cudurka Dabeysha sanad weliba.
Axmed Saalixi/MR/AM









