Xabiibo Abukar Ibraahim waa gabar yar oo 5 jir ah una baahan gargaar caafimaad oo degdeg ah. Dadaal badan oo ay la martay hooyadeed oo la yiraahdo Faadumo Cismaan ayaanan waxba uga suurtoobin iyadoo ay taasi ku dhacday waxyaabo badan oo is biirsaday sida xanuunnadan oo in badan waddanka waxba looga qaban Karin sid ay ay caddeeyeen takhaatiirta dalka.
Haddaba Faadumo oo ah hooyada gabadhaas ku sugan Tuulo Amiin oo qiyaastii 5 km dhinaca waqoyi ka xigta degmadda Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa ku catawday in dhib weyn ay ku qabto gabadheeda oo ayan haatan waxba u qaban Karin markii la eego dhibaatada dhaqaale e haysata qoyskeed.
“gabadha xaladeedu mudo shan sano ah ayey sidaan tahay, haba ahaatee inta ku xeeran deeganka ee awoodayda ah meel aanan la marin ma jirto, dhakhaatiirtii aan arkayna waxay u shegeen in biyo madaxa kaga jiraan, ma fadhiisato, ma socoto, inaan sidaas kor ugu hayo ma ahanne si kale ma lahan”
Fadumo ayaa sheegtay inay dhaaftay dhamaan wixii shaqo maalmeed ay qaban jirtay, ayna hadda ku soo ururtay haynta gabadheeddaa,
Dhakhaatiirta degmadda Beledxaawo ayaa u sheegay hooyada gabadhaan inaysan waxba uga qaban karin daaweynta xanuunka haya gabadheeda, sidaas darted ayay hooyo Faadumo waxayna codsi u dirtay hay’addaha gargaarka in gacan bani’aadannimo laga siiyo helitaanka daaweyn haboon, gabadheeda, iyadoona ah hooyo ka soo jeeda qoys sabool ah.
MM/MH